Abaaro laga soo sheegayo Degmadda Jariiban

Posted on Apr 2 2010 - 11:14am by sayfudiin Abdalle
Tweet
Pin It

images

Bartamaha (Muqdisho):-wararka ka imanaya Degmadda Jariiban ee Gobalka Mudug ayay sheegaya in abaaro ba’an oo saameyn ku yeeshay dadka iyo duunyada ay xiligan ka jirtaan degmadaasi iyo deegaanada hoostaga.

Abaarahani waxa ay sameen ku yeesheen Deekaanka iyo Duunyada intaba, iyadoo aynan Mudooyinkii danbe wax roobab ah ka di’in deegaanka sida ay xaqiijiyeen Maamulka Deegaanka.

Gudoomiyaha degmada Jariiban ee gobolka Mudug C/Casiis Owyuusuf oo waraysi kooban siiyay Idaacada Shabelle ayaa waxa uu ka hadlay abaarta xiligan ka jirta deegaankaasi, waxaana uu sheegay in deegaankaasi markii hore uu ka jiray ilaa iyo 4-Ceel biyood, hase ahaatee markii dambe ay si iskood ah u istaageen taasina ay keentay in xiligan ay saameyn ku yeelato dadka iyo duunyada ku dhaqan deegaanadaasi.

Ugu dambeyntii gudoomiyaha degmada Jariiban ayaa waxa uu ugu baaqay hay’adaha Samafalka iyo Jaaliyada ka soo jeeda deegaanadaasi in ay gurmad deg deg ah la soo gaaraan dadkaasi maadama ay xaaladoodu iminka marayso meel halis ah.

Abaaraha iyo colaadaha ka jira inta badan deegaanada Soomaaliya ayaa saameen ku yeesha Deekaanka iyo Duunyada intaba.

Xafiiska wararka Bartamaha ee Muqdisho.