Bartamaha(Yeed):-Ciidamada Dowlada KMG ah ayaa abaabul xoogan ka wada Deegaanka Yeed Ee Gobolka Bakool si ay u qabsadaan Deegaanada Bay iyo Bakool.
Wararka laga helaayo Yeed ayaa sheegaya in halkaasi ay qorshe dagaal ka wadaan Saraakiisha Maamuladii Bay iyo Bakool si ay ula wareegaan gacan ku haynta Goboladaasi.
Gudoomiyaha Maamulka Dowlada Ee Gobolka Bay C/Fitaax Geesey ayaa shaaca ka qaaday in dhawaan ay duulaan ku tagayaan Magaalada Baydhabo iyo guud ahaan Gobolada bay iyo Bakool.
Gudoomiyaha ayaa xusay in maamulkoda ay diyaariyeen Ciidamadii qabsan lahaa Goboladaasi si dadka looga dulqaado dhibaatada haysata taasi oo ah Alshabaab oo awood ku haysta Goboladaasi sida uu hadalka u dhigay.
C/fitaax Geesey Gudomiyaha Gobolka Bay ayaa sheegay inm aanay jirin wax Ciidan Ethiopian ah oo ku wehliya abaabulka dagaal oo ay ka wadaan Goboladsa Bay iyo Bakool.
Abaabulka Ciidan oo ay wadaan Saraakiisha Dowlada Gobolada Bay iyo Bakool ayaa imaanaya xilli Deegaanadaasi ay gacanta ku hayaan Islaamiyiinta gaar ahaan Kooxda Alshabaab.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
soomaalidu waxay ku maahmaahdaa maxay ka nuugtaa maxeyse ku nuugtaa?
Raggani aad sheegeysaan waa dharaar cad idin ka saarey Gobolladaas,ragga ciidanka idiin ahna waa kuwa dadka dhacaya oo shacabka dhibaateynaya,ogaada haddii aad roggiinii hore wadataan dhib iyo rabshado inaad kicisaan mooyee aaney suuragelin inay meel qabsataan oo aad ka talisaan.