$300,000 ayaa ku baxday dhalashada M’naha Zimbabwe Mugabe

Posted on Feb 28 2010 - 6:10pm by News Desk
Tweet
Pin It

MUGABEBULAWAYO, Zimbabwe — Madaxweynaha Zimbabwe Robert Mugabe ayaa u dabaaldegay maalintii dhalashadiisa 86aad kuna kharashgareeyay lacag gaaraysa $300,000, iyadoo dalka Zimbabwe ay ka jirto dhaqaale xumada adduunka ugu weyn, dadka reer Zimbabwe iyaguna waxay ilaa iyo hadda ay ku nool yihiin nolol aad u hooseysa oo ay dhinac socoto cuduro xun xun oo ay ka mid yihiin AIDS-ka.

Delma Lupepe, oo ah hogaamiyaasha ugu horeeya ee xisbiga Mugabe uu ku jiro ayaa sheegay in lacagtan badan laga soo qaaday dad ku deeq bixiyayaal.

Safaaradda Shiinayska ayaa bixisay doolshe dhumucdiisu ay le’eg tahay teleefishin weyn, Damaashaadkani wuxuu ka dhacay magaalada koonfurta Zimbabwe ku taal ee Bulawayo. Lupepe ayaa sheegay: “Waa inaan u dabaaldegnaa madaxweynahayaga oo gaaray 86 sano, imisa qof ayaa gaarta da’das oo kale?”.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay dadka reer Zimbabwe da’dooda ugu sareysa ayaa ah ilaa iyo 44 jir, taasoo ay sabab u tahay gaajo iyo AIDS.

Dad gaaraya 25,000 oo ah taageerayaasha Mugabe ayaa xafladan laga soo marti qaaday todobaad kadib dhalashada Mugabe. Cuntada halkaas laga cunayay ayaa ahayd Hilib, Digaag iyo Bariis oo ay raacday madadaalo.

_____

www.Bartamaha.com