read more »">
Calendar

Kooxda Qurbajoogta Somaliweek oo ku barbaratey kooxda Jaaliyada Soomaalida Dubai

CIMG9411Bartamaha (Dubia):- ‘‘Shab ku sii shalalax ku sii ayaa ka dhacdey magaalada Dubai”

Waxaa ciyaar aad u xiisa badneyd oo kubadda cagta ah ku dhaxmartey magaalada Dubai kooxda Qurbajoogta Somaliweek iyo kooxda Jaaliyada Soomaalida magaalada Dubai, ciyaartaas oo ay aad ula dhaceen dadkii uu soo daawasho tagey ayaa waxaa si xarago leh ugu guulaystey kooxda Somali Week Diaspora, ciyaartiina waxay ku soo dhamaatey 5 Goal iyo 1 Goal.

Kooxda Somali Week Diaspora ayaa waxay wataan ciyaaryahano xul ah oo laga soo xulay kooxaha ka dhisan magaalooyinka ay degan yihiin Soomaalida dalkaan UK, gaar ahaan magaalooyinka London,Liecester,Bristol, Bermingham iyo Manchester, halka kooxda jaaliyada Dubai iyagana aad moodo inaysan waxbo soo reebanin balse loogu awood sheegtey magaaladooda.

Kooxda Somali Week Diaspora ayaa ciyaaro saaxiibtinimo kale la dheeli doona asbuucaan dhaxdiisa kooxo ka dhisan magaalooyinka  Cujmaan iyo Abudhabi, inta aysan dib ugu soo laaban magaalada London.

Wixii warar ah oo ku saabsan kulamada cayaaraha soo socda ka filo qormooyinka dambe hadii Eebe idmo.

SAWIRADA:-

CIMG9411

CIMG9403

CIMG9364

CIMG9371

CIMG9374

W/D: Yusuf Yusuf

[email protected]

London

Comments

comments

Category : Diaspora, Featured, Photos, Sports, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: