Calendar

Magaalada Manchester oo sagootisey wafdi Isboorti oo u ambabaxey dalalka Bariga Dhaxe iyo Bariga Afrika

DSC00690Bartamaha (Manchester):- Casho sharaf aad iyo aad loo soo agaasimay ayaa waxay ka dhacday Islamabad Restaurant ee magaalada Manchester ee waddanka Ingiriiska. Casho sharaftan waxaa soo abaabulay ama soo diyaariyey Kooxda Old Boys Manchester.

Hadafka cashada ayaa wuxuu ahaa sagootin lagu sagootinayey wafdi sport oo u ambabixi doona Emiratka, Kenya iyo dalka Tanzaaniya.

Wafdigan uu hogaaminayo Guddoomiyaha jaalliyadda Greater Manchester, Legend Ahmed Sheegow Bishaara, Garsoore FIFA Abdulkadir Ibrahim Caddaay, iyo Kaameraman heer qaran Abdullhai Afey ayaa maanta oo bisha ay tahay 08.12,2010 ka duuli doonaan garoonka caalamiga weyn ee magaalada Manchester. Jaalliyada Somalida Manchester ayaa sanadahan dambe sameeyey horumar la taaban karo dhinaca sportiga, haddii ay noqon lahayd horumarinta kubadda cagta, Fudsalka iyo cayaaraha Fudud.

Guddoomiye Sheegow ayaa kula dardaarmay dhammaan jaalliyadda in ay halkooda ka sii wadaan howlaha sport ee ay u hayaan umadda, wuxuu kaloo xilka guddoomiyenimada si ku meela gaar ah ugu wareejiyey Mr. Abdi Kuus oo ah odayaasha Old Boys Manchester. Ku simaha Guddoomiyaha Mr. Abdi Kuus wuxuu halkaasi ka sheegay in sanadka soo socda magaalada Manchester lagu qaban doono Tartanka SOMALI EUROPEAN OLD BOYS.

Bahda Isboortiga Soomaaliyeed ee degan magaalada MANCHESTER waxay caan ku tahey horumarinta caruurta yar yar ee Soomaaliyeed  islamarkaana qorsheynaya inay  hadda kadib  bilaabaya tartanka odayaasha, si loo kobciyo horumarka  isboortigaodayaasha maskax ahaan iyo jir aahanba, iyadoo ujeeddada ka dambaysa ay tahay in kor loo qaado caafimaadka odayada, in laga hortago cudurada yaryar iyo kuwa waaweyn sida lafo xanuunka, sonkorta, dhiig karka,neefta

Waxaa kaloo halkaasi ka hadlay odayaal iyo saraakiil hore, waxaana ka mid ahaa dadkii halkaasi ka hadlay Col. Sharif Zeno, Col. Mohamed Ibrahim, Abdulqadir Chairman, Abdulkadir Caddaay, Guddoomiye ku xigeenka Whitworth Park, Mr. Gurey,  Mohamed Afey, Macallin Kaptan Biikeey, Labo Aweys, Abdullahi Afey kamero man iyop Kaptanka kooxda Odl Boys Manchester Mr Mohamed Iidow.

Dhammaan dadka halkaasi ka hadlay waxay sagootin, duco, iyo dardaaran u sheegeen wafdiga baxaya. In safarkooda Ilaaheey u fududeeyo iyagoo nabad qabana wafdiga  Ilaahey ku soo celiyo guryahooda ayaa ka mid ahaa hadalka waxgaradka odayaasha isboortiga magaalada Manchester.

Waxaa xusid mudan inaan idin sheego in bahda isboortiga jaaliyada Soomaaliyeed ee degan magaalada Manchester ay tusaale u yihiin jaaliyadaha kale ee ka dhisan Yurub iyo North Amerika.

Daawo Sawirada:-

DSC00684

DSC00686

DSC00678

DSC00676

DSC00683

DSC00690

W/D: Yusuf Yusuf

[email protected]

Comments

comments

Category : Featured, The Story, UK & Europe, Wararka Maanta.
« »

Comment: