Calendar

Tuug rabay inuu gubo meel oo ceebi ka raacday (VIDEO)

amirLaba nin oo doonayay inay gubaan Bar ku yaala xaafadda Crawley, West Sussex Ingriiska ayaa dabkii balaayo ka raacday.

Amir Cali iyo saaxiibkiis oo doonayay inay dab qabadsiiyaan Bar ay u ciil qabeen ayaa markii Amir saaxiibkiis uu dhalo holcaysa ku tuuray albaabka ayaa meeshii holac isqabsaday dabadeedna labadan nin doqon intay argagaxeen cagta wax ka dayeen, laakiin Amir oo aan nasiib saas ah lahayn intuu argagaxsanaa ayuu si toos ah u abaaray birta nalka halkaas oo uu madaxa ku qaaday.

Markii ay Boolisku yimaadeen barta dabku ka dhacay ayaa waxay ka daawadeen camerada (CCTV) ceebta raacday ninkan isla mar ahaantaana iyagoo aan meel kale ka raadin ayay waxay tageen isbitaalka ilayn ninkii madaxa la jabshaba wuxuu ka dhul bilaabaa Isbitaalka e.

Amir markii maxkamad lasoo taagay ayuu inkiray laakiin markii la tusay video-ga markhaati madoontada ah ayaa waxaa lagu xukumay 8 sano oo uu maanta bilaabay xilligiisa. Haddaba maxaan ku tilmaanaa Amir: Gube, Argagixiye mise Ciyaalka Xaafadda.

Daawo Video-ga



Comments

comments

Category : Comedy, VIDEOS.
« »

Comment: