Calendar

Ciyaaryahan Magan Dahir Yuusuf oo la kulmay degan magaaladda Sentana brugje, oo ku taala gobalka frieslaan ee dalka Holland

maganCiyaaryahanka soomaaliyed Magan Dahir Yuusiuf ayaa la kulmay dhalinyaro soomaaliyed ee jacayl Cayaarta kubadda miiska kuwaas oo ku dhaqan Gobolada dalka Holland.

Magan Dahir oo ah Ciyaaryahan soomaali ah una Cayaara dalka Nederland waxaa uu caan ku yahay Cayaarta kubadda Miiska, wuxuuna ka mid yahay Ciyaartoyda magaca ku leh cayaarta kubadda Miiska ee dalka Nederland.
magan3

Dhalinyarada soomaaliyed ee degan magaaladda  Sentana brugje, oo ku taala gobalka frieslaan ee waddanka Holland waxay ku casuumen Ciyaaryahanka xaafadda ay degan yihiin si ugala qeyb qaato dhoolatus salka ku haysa cayaarta miiska iyo dhiirigelinta dhalinyarada in ay soo bandhigaan cayaaraha kala duwan ee dadka xiiseeya.

Dadkaas soomaaliyed ee Magan Dahir Yuusuf la kulmay ayaa waxay isugu jireen dad jacayl cayaarta kubadda Miiska iyo dad isaga taageerayaal u ah.

Ciyaaryahanka ayaa la hadlay dhalinyaradaas soomaaliyed wuxuuna u sheegay in loo baahan yahay in bulshada soomaalida ee degan Nederland la mid noqdaan ajaanibta caalamka ee dalkan degan ee ka qeyb qaadanaysa horumarinta Cayaaraha kula duwan sida kubadda Miiska, Kubadda Cagta, wadida Baaskiilada iyo orodka dheer intaba.

Kulankaas kadib ayaa mar aynu la kulanay Ciyaaryahan Magan Dahir Yuusuf waxaa uu inoo sheegay inuu ku faraxsan yahay kulanka uu la qaatay dhalinyarada soomaalida ee degan magaaladda  Sentana brugje, oo ku taala gobalka frieslaan ee waddanka Holland.
magan4
“Waa wax aad ii farax geliyay casuumada ay ii fidiyeen dhalinyarada soomaaliyed waxaan ku booqday magaalada ay degan yihin, waan la soo cayaaray waxay ii muujiyeen sida wanaagsan ee ay ii taageersan yihiin” ayuu yiri Magan Dahir Yuusuf.

Magan wuxuu sheegay in ay farxad aad u weyn u tahay inuu arko dhalinyaro jacayl in ay horumariyaan magaca umadda soomaaliyed.

Wuxuu ku dhiirigeliyay in ay sii wadaan jacaylka ay u qabaan dhalinyaradaas cayaartya kubadda Miiska oo uu sheegay in ay muhiim u tahay umadda soomaaliyed.

Geeska kale Ciyaaryahanka Magan Dahir Yuusuf ayaa sheegay in uu sameyn doono Barnaamijo lagu taageerayo dadka curyaaminta ah ee ku nool soomaaliya kuwaas oo uu sheegay in uu ku dhiirigelin doono in ay ka qeyb qaatan Cayaarayaha kala duwan.

Comments

comments

Category : Sports, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: