Calendar

Maamulka Somali Central State oo ku fashilmay goobtii lagu dhisay Ee Magaalada Nairobi (Xog rasmi ah iyo Sawiro).

STATE3Bartamaha (Nairobi):- Sida xog iyo Sawiro qarsoodi ah oo www.BARTAMAHA.COM ay siiyeen xubno qurba joogta dhisatay Maamulkaasi Somali Central State lagu muujiyay ayaa waxa fashil guud ku yimid xubnaha maamulka.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika ayaa helay xog iyo Sawiro sababay in uu fashilmo Maamul loogu magac daray Bartamaha State kaasi oo ay sameeyeen Koox Qurba joog ka timid Magaalada leicester  UK.

Kooxda Qurba joogta ah oo markii ay soo gaareen Magaalada Nairobi Ee Dalka Kenya Kulan la yeeshay dhalinyarada beesha dagan Deegaano ay ka mid tahay Caabud-Waaq iyo Balanbal ayaa waxa ay durbaba ku dhawaaqeen Maamulkaasi loogu magac daray Bartamaha State.

Mid ka mida Xubnaha gudiga sare Ee Abaabulka Maamulka Somali Central State oo si hoose ugu sir baxay www.Bartamaha.Com ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in aan loo dhamayn ku dhawaaqida Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa oo la magacaabay 18-Bishan October.

Madaxweynaha Maamulka Bartamaha State ayaa doorasho la’aan gudiga xubno ka mida ay magacaabeen waxaana labada jago ee maamulkaasi ugu saraysa loo Iclaamiyay:-

1.  Maxamed Xaashi Cabdi (Carabey) Madaxweynaha Maamulka Bartamaha Somalia
2.  Maxamed Xayir Nuur, Madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi.

“Xaflada lagu magacaabayay waxaan u haysanay in ay tahay mid dhalinyarada lagu soo jiidanayo oo kaliya la iskuma ogayn mana loo diyaarsanayn in Madaxweyne lagu dhawaaqo…..Ina Carabay oo abaabulka gudiga madax nooga ahaa ayaa Fikirkii aan ka soo bilownay leicester ayuu si fudud meesha uga saaray……Haa dhammaan waan isla wadnay in maamulkan aan samayno laakiin ma filaynin sida wax loo sameeyay……Odayaashii waa la dhinac maray,Doorasho xalaal ah ma dhicin……” ayuu yiri xubin sare oo gudiga ah oo si hoose Bartamaha Media uga sheekaynayay Burbur ku yimid Maamulkii loogu magac daray Bartamaha State.

Gudiga abaabulka oo shir iskula laabtay markii dhacdadan ku dhawaaqida madaxweynaha ay dhacday ayaa waxa ay ku kala istaageen Kulankii turxaan bixinta ay ugu tala galeen kaasi oo ka dhacay Hotelka Ondolos Ee Magaalada Nairobi.

Ka dib kulankaasi fashilmay ayaa waxaa Bartamaha .Com soo gaaray Muuqaalo qaar ka mida gudiga abaabulka ay ka caroodeen kuwaasi oo sabab ka dhigay in Caro darteed qaar ka mida Gudiga ay dalka Kenya isaga dhoofaan oo ay dib u gaareen Dalka Ingiriiska oo ay ka soo bilaabeen abaabulka Maamulkan toos u fashilmay xiligan.

Muuqaalada muranka,Carada iyo kala fogaandhaha keenay ayaa waxaa ka mid ahaa Calankii ay samaysteen Somali Central State oo uu ku dul taagan yahay masuul sare oo aan la cadaynin kaasi oo ka mid ahaa dadkii Booska sare uga jiray ku dhawaaqida Madaxweynaha iyo Ku xigeenkiisa.

Sawirkaasi ayaa ahaa mid Cara Xambaarsan maadaama lagu dul istaagay Calankii Soomaaliya oo ay Maamulkan  Bartamaha State ay ku darsadeen Bisha oo xidigtii Cadeed lagu soo galoolay waxaana Calanka bartankiisa ku taagnaa Masuul sare oo xubin ka aha Maamulka abaabulkiisii mudada socday fashilka uu ku dhamaaday.

Sidoo kale Waxaa Cara dhaliyay Muuqaalka Madaxweyne Maxamed Xaashi Cabdi (Carabey) oo ay Xubno wadaadii abaabulka ku jiray ay aad uga caroodeen markii uu dhexgalay Haweenkii joogay goobta looga dhigayay Madaxweynaha.

Ninka haatan noqday madaxweynaha la magacaabay Ee Bartamaha State ayaa ahaa wadaad xiligii uu ka mid ahaa raggii ku sugnaan jiray Gobolka Gedo ee qaarkood ku midaysnaa Magacii

Al-Itaxaad Al Islaami.

Maamulkan qaatay magaca Bartamaha State ayaa waxaa la sheegay in uu ka shaqeyn doono Degmooyinka kala ah:-

Dhusamareeb,Galin-soor,Dhabad ,Balanbale iyo Degmada Caabud-Waaq oo ay ka wada taliyaan Ahlu sunnah Wal Jamaaca.

Kooxda Ahlu sunnah oo jawaab Culus ka bixisay dhismaha Maamulka ayaa waxa ay daaha ka qaadeen in aanay cag soo dhigi karin Deegaankooda Kooxda Qurba Joogta ah ee ka timid dalka Britain.

Sargaal Ahlu sunnah u hadlay ayaa waxa uu sheegay in aanay arki jirin Qurba joog caawinaysa xiligii ay ku dhawaaqayeen dhismaha maamulka guud ee Ahlu sunnah oo maamula dhul badan oo ka mida Galgaduud.

Masuulkasi magaca Ahlu sunnah ku diiday Maamulka dibad jooga ah ee looga dhawaaqay Dalka Kenya ayaa waxa uu sheegay in ay u arkaan kuwa doonaya burburinta dhismaha Maamulka ahlu sunnah wal jamaaca .

Isku soo duub sida Muuqaalada iyo Wararkan soo gaaray Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika ay muujinayaan waxaa burbur ku dhamaaday qorshihii Maamulka Bartamaha State oo ay wateen Koox Magaalo kaliya ka soo wada jeeda oo ka soo wada dhoofay Magaalada leicester  Ee Dalka Britain.

Daawo Sawiro u qaas ah BARTAMAHA MEDIA :-



Masuul calan ku istaagay

Masuul calan ku istaagay

Somali Central State Map

Somali Central State Map

Madaxweynaha Maamulka Bartamaha

Madaxweynaha Maamulka Bartamaha

Calankii bartamaha satate

Calankii bartamaha satate

Calanka Bartamaha State.

Calanka Bartamaha State.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.

[email protected].



Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: