Calendar

Labo Soomaaliya ayaa lagu Toogtay Islii Nairobi

Nairobi(Bartamaha)- Alaha u naxariistee labo muwaadin oo Soomaaliya ayaa tuugo hubeysani ku dishay xaafada islii ee degmada kamakunji ee ay Soomaalidu ka deggan tahay magaalada Nairobi ee caasimadda Kiinya, sida u bartamaha xaqiijiyay Bishaar Ugaas oo kamida shakhsiyaadkii ugu horeeyay ee meydkaasi dul istaaga.

Labadan ruux ee geeriyootay ayaa u dhintay rasaas ay ku fureen koox tuugo ah oo ku talo jirey iney dhac iyo boob ka gaysteen Supermarket ay ganacsato Soomaaliya ku leeyihiin dhabaha 2nd Avenue ee wadada 8aad ee xaafadda Islii.

Falkani ayaa waxaa Bartamaha u xaqiijiyay bishaar Ugaas oo kamida shaqkhsiyaadkii ugu horeeyay ee meydkaasi soo dulistaaga kadib markii dilka loo gaystay waxa uuna yiri Bishaar,

“Qiyaastii markii laga soo baxay salaadii makhrib ee masaajidka 8th Street ayaa waxaan maqlay rasaas gaaraysay ku dhawaad 10 xabo anigoo markaasi hormarayay mukhaayadda Al Fowz ee wadada 8aad, wax yar kadib markii aynu soo orodnay waxaynu dulnimid meydka Aaden Yacquub oo ah ganacsade Soomaaliya oo yaalay gudaha Supermarketka ku dheggan masaajidka 8thka oo markaasi u dhintay rasaas si arxan daro ah ay ula dhaceen tuugo hubeysan”

Dhinaca kale Bishaar waxa uu ii xaqiijiyay in iyagoo meydkaasi dul taagan loo xaqiijiyay in meyd kale uu yaalla dibada Supermarketka gaar ahaana ka soo horjeedka hotel Xasba oo ku yaalla isla aaggaasi.

“anagoo ku jirna Dukaanka islamarkaana eegayna meydka mid kamida shakhsiyaadka ay tuugadu dishay ayaa naloo xaqiijiyay in ruux kale oo meyda oo soomaaliya uu yaallo hotel Xasba hortiisa, iyadoo markii aanu dul nimidna ay dadku isla dhex marayeen inuu ahaa askari Soomaaliya oo maanta u soo fasax qaadtay inuu reer kiisa soo salaamo”

Dhacdadan oo ahayd mid argagax galisay ganacsiga iyo shakhsiyaadka Soomaalida ah ee halkaasi ka agdhawaa ay ah mid inta badan ka dhacda xaafadda Islii ee ay Soomaalida ugu badani Nairobi ka dagan tahay.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid xaqiijin karta in burcaddu ay dhac dukaanka u gaysaty iyo in kale iyadoo kolkii ay dhaca rabeen iney gaystaan uu ku qayliyay mid kamida shakhsiyaadka geeriyooday oo lagu  magacaabo Aaden Yacquub kaasi oo ay ilo lagu kalsoon yahay sheegayaan inuu kamida ahaa mulkiilayaasha Supermarketka kadibna ay markaasi tuugadu si arxan daro ah xabad ula dhaceen.

Tuugadii falkan waxashnimada ah gaysatay ayaa markiiba meesha isaga cararay.

Shakhsiyaadkaas la dilay ayaa waxaa meydkooda meesha ka qaaday ciidamada Booliska Kiinya oo goobtaasi soo gaaray, waxa ayna dadka halkaasi isugu soo xoomay u sheegayaan in ay u baneeyaan dariiqa gaariga ambalaaska si maydka loo qaado.

Maahan markii ugu horaysay ee ay tuugo wax ku disho xaafada Islii, balse dhowr jeer oo hore ayay dilal noocan oo kale ah u gaysteen dad isugu jira Kiinyan iyo Soomaaliba.

Bishii aynu soo dhaafnay ee Septemper ayay ahayd markii sidaan oo kale tuugo aad u hubeysan ay galleen xarunta interentka ee Juba Cyber cafe oo ku taala inta u dhaxaysa wadooyinka 7aad iyo 8aad gaar ahaana dhabaha 2nd avenue halkaasi oo ay ka biliqeysteen hanti isugu jirtay lacag, taleefanada gacanta ee Mobile phoneska iyo agab kale.

Inta badan dhaca iyo dilalaka noocaan oo kale ah ayaa u muuqda kuwa isa soo tara marka ay soo dhawaato bishii December oo ah ciidda masiixiga taasina ay sababto in dhaca iyo qalaalase badan uu ka dhaco xaafadda Islii ee ay Soomaalidu ka degto Islii.

Cabdiqafaar Ahmed Shire

Bartamaha

East Africa

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: