Xog laga helay hogaamiyihii ka danbeeye dagaalkii Balad-Xaawo
Korneel Maxamed Aadan buule oo katirsan saraakiisha ciidamada dowlada ee kusugan magaalada balad-xaawo ee gobolka gedo ayaa ku eedeyay hogaamiyaha maamulka KMG ee juba Axmed Madowe in uu kadan beeyay dagaalki shalay ka dhacay Balad-Xaawo.
Isagoona sheegay in ciidamada dowlada Iyo Kuwa Ah-Lusuna ee Kusugan G/Gedo Gaar ahaan Balad-Xaawo ay Duulaan Colaadeed Kusoo Qaadeen Ciidamo Uu Shegay in ay ka Amar qaataan Maamulka Jubba.
Dhinaca Kale taliyaha ciidamada maamulka Juba ee Gobolka Gedo korneel Yaasiin Barre ayaa isna shegay in Ciidamada maamulka jubba iyo kuwa Dowlada Ay isku Dhinac Yihiin Werekana ay ku qaadeen ciidamada Ah-Lusuna ee Kusugan Magaalada Balad Xaawo
Magaalada balad xaawo ee gobolka gedo waxaa dhawaanahan kadhacayay dagaalo dad badan nafsadooda galaaftay iyadona mas’uuliyiinta dowlada kuwa ahlu suna iyo saraakiisha ciidamada ee maamuladaasi ay war baahinta isku marinayeen eeda cida qaadeysa mas’uuliyada Dagaladasi.
Comments
comments