Calendar

Xildhibaanad Xaawo Qiyaad ” Ma Helno Xuquuqda aan Ku Leenahay Baarlamaanka Soomaaliya”

XAAWO_QAYAAD-620x330www.Bartamaha.com:Xildhibaanada haweenka baarlamaanka dowladda KMG ayaa ka cabanaya inay heli waayeen xuquuqdooda, waxaana eedeen ay u jeediyeen gudoonka iyo xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaanad Xaawo C/llaahi Qiyaad ayaa sidoo kale Eedayn aye ku dooday in la jabiyay qodobo dastuurka ka mid ah taasoo ay ku qeexday in la horistaagay inay heleen xuquuqdooda xildhibaanada haweenka ee baarlamaanka dowladda FKMG waxayna hadalkeeda ku dartay inay iska cadahay n la xayuubsaday Xuquuqda ay lahaayeen Haweenka Baarlmaanka ku jiro iyagoo laga dhigay Dhagax taagan waa sida ay hadalka u dhigtay Xildhibaanad Xaawo.

“Waxaan Eedaynaaa Gudoonka Baarlamaanka iyo Beesha Caalamka maxaa yeelay ma helin Haddii aan nahay Xildhibaanada Haweenka Ee Baarlamaanka Dowladda FKMG Soomaaliya, waxaan rabnaa inaa helno xuquuda aan ku leenahay Dowladda aan xilka ka hayno” ayaa laga soo xigtay Xildhibaanad xaawo Qiyaad mar ay la hadlaysay Idaacadaha Mugadisho ka jira.

Ugu danbenyntii Xildhibaanadda ayaa ku nuux nuuxsatay in la hor istaagay xuquuqdooda iyadoo dhanka  kale Haweenka Baarlamaanka ugu baaqday inay fadhiga ka kacaan oo ay rakaan sida ay wax u dhacayaan.

Xafiiska www.Bartamaha.com

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: