Calendar

Chelsea Vs Man United, Real Madrid Vs Totenham, Isku Aad-Aadka Champions League

Waxaa Maanta Oo Jimco ah la daabacay Isku Aad-aadka Koobka Uefa Champions League Wareegiisa 8da Ee Quetre Finalka iyo sdia ay Naadiyaashan isku arki karaan wareega Semi Finalka Ee Koobkani iyo Xilliga Finalka la qaban doono oo ay ku beegan tahay Maalin Sabti ah 28 May.

Kulanka Derbyga ah waxaa loo caleema saaray kan dhax maraya Kooxaha ugu tunka Weyn Horyaalka Engiriiska Ee Manchester United iyo Chelsea, oo horay wareega 16-aad, usoo reebay Naadiyada Marsiele iyo Copenhegan,waxayna ku kulmi doonaa Querter Finalak Koobkani.

Real Madrid ayaa wajihi doonto Kooxda ku cusub Koobkani Ee Totenham waana kulan aad u xiisa badan marka ay kulmaan Labadani Naadi oo kakala dhisan Spain iyo England.

Naadiga Daafacanayso Koobkani Ee Inter ayaa kusoo aaday Naadiga Schalk oo ka dhisan Waddanka Germany, Halka Kooxdii Wareega 16-aad tariinak kasoo tuurtay Roma Ee Schakhter ay la kulmi doonto Naadiga Lagu xanto madaalayaasha Ee Barcelona.

Waxaa sidoo kale la shaaciyay Kulamada Semi Finalka koobkani  sida ya naadiyaashaan iskugu beegmi karaan, Naadiyada Manchester United iyo Chelsea tii soo badisaa waxay la ciyaari doontaa midkood Kooxaha Inter iyo Schalk tii banaanka timaadaa.

Real Madrid iyo Totenham Kooxdii soo baxdaana waxay fooda dari doontaa midkood Kooxaha Barcelona iyo Schakhteer soo badisaa sidaana ay Koxahan ku kulmi doonaan Marka alsoo gaaro Semi Finalka Kooobka Uefa Champions League.

Durbadiiba waxaa miiska lasoo saaray Dood ah inay isku soo aadi karaan Kooxaha Barcelona iyo Real Madrid iaygoo Kulan Ellclasco ku kulmi karaan wareega Semi Finalak Koobkani, wa ahadii ay dhagta dhiiga usood araan Kooxaha Totenham iyo Scakhter Donesk.

Lugta Koobaad Waxaa la ciyaari doonaan  Bisha Apr 5/6 halka Lugta labaad la ciyaari doono isla Bisha April 12/13, waxaase daaha laga rogay in Semi Finalka amrka lasoo gaaro Lugta hore La ciyaari doono Bisha April dhamaadkeda Ee 26/27 Lugta danbe waxaa la kulmi doonaa bilaawga bisha May 3/4, Hadduu Eebe Idmo.

Finalka Koobkani  axaa lagu ciyaari doonaa Garoonak Weyn Ee Wembley Stadium Waxaana la ciyaarayaa Maalin Sabti ku beegantahay taariikhdu tahay 28ka May.

C/Qadar Shakra
Ciyaaraha

Comments

comments

Category : Sports, Wararka Maanta.
« »

Comment: