Calendar

War Deg-Deg ah:- Raaf Caawa ka bilowday Magaalada Nairobi.

breaking-news bartamaha1Bartamaha (Nairobi):- Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa caawa waxaa si toos ah uga bilowday raaf iyo qabqabasho xoog badan oo dhammaan ka socanaysa wadooyinka ku yaala Xaafada Soomaalida dagto Ee Islii.

Wadooyinka Xaafada Soomaalida dagantahay Ee Islii ayaa waxaa ka bilowday qabqabashada dadka socotada ah iyadoo Ciidankii ugu xooga badnaa magaalada lagu soo daadiyay.

Dadka oo aan loo kala eegeen Midka sharciga leh iyo midka kale ayaa Caawa dhammaan laga qabqabanayaa magaalada gaar ahaan Xaafada Islii oo ay soomaalida dagantahay iyadoo dhismayaasha qaar la galay.

Ciidanka ayaa waxa ay galeen dhismayaal badan oo magaalada ah gaar ahaan Hoteelo Caan ah wallow aan la garan cadadka ay kala bexeen illaa haatan maadaama Howlgalka uu weli ka socanayo Xaafada Islii.

Waxaa dadka laga buuxinayaa gawaari waaweyn oo Booliiska leeyahay iyo gawaari badan oo nuuca safarada lagu galo sida Basaska oo dadka ugu badan la saarayo gawaaridaasi Ciidanka Booliiska iyo kuwa Militariga ay wataan.

Wixii soo kordha kala soco www.Bartamaha.Com.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.

[email protected].


Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: