Calendar

Sheekh Yuusuf Al-Qardawi iyo koobka Aduunka.

Sheekh Yusuf Qaradawi

Sheekh Yusuf Qaradawi

Bartamaha (Kuala Lumpur, Malaysia)..Heyada kubada cagta aduunka ee FIFA ayaa ku dhawaaqday 02 December, 2010 in dowladda Qatar ay ku guuleesatay marti galinta koobka aduunka 2022 kadib tartan ay la gashay dowladdaha Australia, Japan, south Korea iyo dowladda Mareekanka.
Dowladda Qatar ayaa dadaal u gashay in ay noqoto dowladda ugu horeeysa ee Carab ah ee ku guuleeysata marti galinta koobka aduunka ee 2022 insha Allah ayna ka dhimantahay 12 Sano ku dhawaad.
Madaxwaymaha dalka Mareekanka Mr. Obama oo dalkiisa uu dowladda Qatar kula loolamayay marti galinta koobka aduunka ee 2022 oo warbaahinta iyo dad isugu yimid daawashada marti galinta koobka aduunka 2022 kula hadlayay White House ayaa yiri “Waxaan u maleenayaa in uu ahaa go’aan qaldan” isagoo ula jeeda in dowladda Qatar aysan u qalmin in ay koobka aduunka marti galiso.
Sheekh Yuusuf Al-Qardawi oo ka jawaabayay Hadalka Madaxawayne Obama ayaa Masjidka Cumar Bin Khadaab ee Magaalada Doha kadib Salaadii Jicmaha sheegay “Guusha ay dowladda Qatar gaartay waxa ay banaanka soo dhigeeysaa in Mareekanka ay doonayaan in ay Maamulaan Siyaasadda iyo Dhaqaalaha kuna darsadaan Kubadda Cagta”
Sheekh Yuusuf Al-Qardawi ayaa dhanka kalle sheegay in Guusha Dowladda Qatar ay tahay Guushii ugu horeesay ee Dowlad Islaam ah ay ka guuleeysato dowladda Mareekanka.
Sheekh Yuusuf Al-Qardawi oo dhalasho ahaan ka soo jeeda dalka Masar balse markii Dowladda Masar ay is fahmi waayeen oo xabsi loo taxaabay sanadkii 1961 uu yimid dalka Qatar iyadoo sanadkii 1977 ay dowladda Qatar ay sharci dowladda Qatar la siiyay.
Koobka aduunka oo sanadkii ugu horeesay la qabtay 1930-Kii ayaa wali lagu qaban dowlad Carbeed, Islam ama dal ku yaal Bariga Dhexe balse dowladda Qatar ayaa ku guleesatay in ay noqoto dowladdii ugu horeesay oo Carab ah, Islam ah isla markaana ku taal Bariga dhexe.

Boqorka dalka Qatar Hamad Al-Thani iyo Gudoomiyaha FIFA Bletter

Boqorka dalka Qatar Hamad Al-Thani iyo Gudoomiyaha FIFA Bletter

Dowladda Qatar dadka ku nool waxaa lagu qiyaaashaa 1.6 Million waana dal hodan ku ah Gaas-ka iyadoo Qatar ay tahay dowlad dadkeedu ay Hodan yihiin.
Kubada cagta ayaa waayadan ugu danbeesay noqotay mid dad badan ay taageeraan gaar ahaan dhalinyaradda balse koobka aduunka ayaa ah Koobka loogu fiirsi badanyahay.
Koobka aduunka 2014 waxaa qaban doonaa dalka Brazil iyadoo 2018 iyo 2022 lagu kala qaban doono dalalka Russia iyo Qatar.
Ibraahim Da’ud Abdalle “Genlteman”
[email protected]
Facebook:- Sayfudiin Abdalle
Xafiiska Bartamaha Kuala Lumpur, Malaysia

Comments

comments

About sayfudiin Abdalle

Am A Somali Journalist current live and study in Malaysia Southeast Asia.
Category : Featured, Photos, Sports, Wararka Maanta.
« »

Comment: