Calendar

Vidic oo lagu daray liiska ciyaartoyda la kulmi doona Sunderland

Tababaraha kooxda Man United Sir Alex ayaa ku daray captain-ka kooxda “Nemanja Vidić” liiska ciyaartoyda la dheeli doonta kooxda Sunderland, maalinta sabtida,wareega 17aad ee horyaalka Premier League.

Difaacan u dhashay wadanka Serbia, lamuu ciyaarin kooxdiisan “Man U”  ilaa iyo sebtember-tii hore ka dib markii uu dhaawacmay,dhaawacaaso ku kalifay in la qalo, se imika uu diyaar u yahay inuu la ciyaaro kooxda Sunderland, ka dib markii uu kusoo laabtay tababarka wiigii ina dhaafay.

Mar uu la hadlay Fergusan suxufiyiinta waxa uu yiri” wan ku faraxsanay soo laabashada Vidic,waa difaacayaga ugu fiican iyo Captainka kooxda” ,tababarahan u dhashay wadanka Scotland wuu diiday inuu sheego inuu bilaaban doono ciyaartan ka dhici doonta Old Trafford iyo in kale.

Comments

comments

About Staff

Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.
Category : Ciyaaraha [ Sports ], Sports.
« »

Comment: