read more »">
Calendar

Dowlada oo ka laabatay Mamnuucista Hay’adaha gargaarka Qaramada Midoobe

dhr1Bartamaha (Muqdisho):- Dowlada KMG ah ayaa ka laabatay go’aan ay hore u gaartay shalay oo hay’ado badan dalka looga mamnuucay.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Macdanta, biyaha, Batroolka iyo Tamarta C/raxmaan Yuusuf oo saaka saxaafada la hadlayay ayaa bixiyay war ka daba geys ah oo uu raali galin ku bixinayo markii shalay uu dalka ka mamnuucay hay’ado badan.

Wasiirka waxa uu shaaca ka qaday in aan dalka toos looga mamnuucin hay’adaha kala ah Unicef, ICRC, NRC iyo DBG waxaana uu xusay in ujeeda uu ka lahaa ay ahayd in ay shaqada ka qabtaan gudaha Muqdisho dadkana ay u adeegaan balse aanu dalka ka mamnuucin.

Wasiirkan waxa uu si toos ah raali galin ugu diray dhammaan hay’adaha lagu wargaliyay in ay dalka isaga baxaan oo ay shaqadooda joojiyaan waxaana uu ka laabtay saacada ka dib ka gadaal markii hay’adahaasi ay qeylo dhaan direen.

Lama garan karo sababta dhabta ah ee raali galinta iyo hadalada lidiga isku ah ka keentay dowlada KMG ah maadaama shalay ay mamnuucday hay’adahan gargaarka oo xafiisyadooda ay ka furan yihiin dhulka dowlada maamusho.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.

[email protected]

Comments

comments

Category : The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: