read more »">
Calendar

Dowlada oo Cambaaraysay go’aankii Shabaabka ku mamnuuceen Zaad Service.

Zaad BannerBartamaha (Muqdisho):- Dowlada KMG ah ayaa wax lala fajaco ku tilmaamtay go’aankii Alshabaab ay ku mamnuuceen adeega Zaad iyo Sahal oo ah adeegyo dhawaanahan lagu soo kordhiyay ganacsiga casriga ah.

Sii hayaha Xilka Wasaarada Lacagta Dowlada KMG ah ayaa wax laga naxo ku tilmaamay fara galinta Ganacsiga casriga ah oo haatan ay Alshabaab u soo jeesteen markii muddo kooban ay u qabteen in lagu joojiyo adeega Zaad Service.

C/laahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) sii hataha Xilka Wasaarada  Lacagta Dowlada KMG ah waxa uu daaha ka qaaday in Alshabaab ay u soo jeesteen dhuun qabashada Bulshada maatada ah ee loo sahlay waxqabadka sahlan.

Wasiirka waxa uu xusay in Kooxdaasi Shabaabka ay doonayaan in Bulshada ay waayaan cid ka shaqeysa hormarinta ganacsigooda  taasi oo ka dhigan in ay ujeedadu tahay cunaqabataynta iyo Caburinta dadka dhibanayaasha ah iyo Ganacsiga xurta ah.

Masuulkan waxa uu cadeeyay in Dowlada aanay eegan karin dhibaatada ula kaca ah ee lagu hayo Bulshada Soomaaliyeed waxaana uu tusaale u soo qaatay Caburino badan oo shabaabka sameeyeen iyo mida haatan taagan oo ah mamnuucida shaqadooda.

” Waa wax aan la qaadan karin, waa wax aan la fiirsan karin waana xad gudub cad oo aan geed loogu soo ganban… waxa ay doonayaan in la waayo cid si fudud lacagteeda lagu soo gaarsiiyo….waaa cuna qabatayn iyo diiditaanka ganacsiga hormarka leh…..” ayuu wasiirka warsaxaafadeedka uu soo saaray ku sheegay.

Dhawaqa Dowlada ay ku cambaaraynaysa diiditaanka adeegan Zaad ayaa waxaa badbar socanayay hadalhaynta Bulshada iyo Cabashada shacabka ay muujinayeen ka dib markii ay maqleen dhawaqa shabaabka ee ku aadan joojinta adeegan Zaad iyo midka SAHAL.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.

[email protected].

Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: