Calendar

Cabdi Jiinow oo shaar qabiil u galiyay Sports-Ka Soomaalida.

ika.Bartamaha (Muqdisho) :- Maalreeyihii hore Ee Dakada Muqdisho ahna Milkiilaha Kooxda Dakadaha ayaa qaab qabiil u kala saaraya Gudiga Xiriirka Kubada Cagta Soomaaliyeed.

Maareeyihii hore ee Dekeda magaalada Muqdisho  oo muddo kooxdiisa ka waayay heerka hore ayaa waxa uu bilaabay in uu shaati qabiil la soo baxo isagoo dhaleeceen kula dhaqaaqay Xiriirka Kubada Cagta Soomaaliyeed.

Cabdi Jiinow Calasow ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in Xiriirka Kubada Cagta ay iska haystaan Koox qabiil ah sida uu ku sifeeyay isagoo sheegay in ay ka soo wada jeedaan Koonfurta Magaalada Muqdisho.

Cabdi Jiinow Calasow Maareeyihii hore Ee Dakada Muqdisho ahna Gudoomiyaha Naadiga kubada cagta ee Dekedaha waxa uu daaha ka rogay in raga haysta Xiriirka Kubada Cagta aanay ka tarjumayn Kooxaha Soomaalida.

Ninkan Kooxda Dakadaha leh ayaa waxa uu sheegay in aan loo dhamayn Xiriirka Kubada Cagta isagoo hadalkiisa ka dhigayay qaab qabiil iyo siyaasada xiligan qaabka loo qeybsanayay.

Masuulkan ayaa waxa uu sheegay in Dhammaan raga haysta Xiriirka Kubada Cagta ay yihiin kuwa ka soo wada jeeda Koonfurta Muqdisho isagoo sheegay in aan lo dhamayn loona baahan yahay in loo madax baneeyo Sports-ka dhammana dadka dagan Muqdisho iyo Deegaanada Nabada ah sida Puntland iyo Somalialand.

Masuulkan ayaa waxa uu dhawaanahan ku koobnaa shaqadiisa Kubada Cagta isagoo maalgalin badan ku bixinayay kooxda Dakadaha waxaana uu u muuqanayaa nin haatan xubin firfircoon ka doonaya Xiriirka Kubada Cagta Soomaaliyeed.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.

[email protected].

Comments

comments

Category : Featured, Sports, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: