Calendar

Denial Alves oo Baaqi kusii ahaan doono Barcelona Untill 2015

Daniel+Alves+Barcelona+v+Levante+UD+La+Liga+ILD2k6MJUy9lDaafaca Kooxda Barcelona Daniel Alves ayaa qalinka ku duugay heshiis cusub oo baaqi kusii ahaan karo Garoonka Cam Nue Stadium Ee ku Ciyaarto Kooxda Lagu xanto Madaalayaasha Ee Barcelona.

Daniel Alves oo dhawaanaahan mugdi ku jiray mustabalkisia joogitaanka Kooxda Cataloniya  Barcelona isagoo ugu danbeyntii saxixay qandaraas cusub oo ku eg ilaa 2015ka, Qandaraskani cusub oo saxiixay Daafaca garabka bidix aya waxa soo dhaweeyay Macalinka Kooxda Barcelona Pepe Guardiola iyo Madaxada Kooxda Barcelona oo muujisay sidee ugu faraxsanyihiin in Alves uu baaqi kusii noqdo Barcelona.

27-Sano jirkan u dhashay Barzil ayaa markii hore kaga soo biiray Kooxda Saviilie isagona xilligasi Naadiga Barcelona u saxixiay qandaraas ku ekaa 2012, balse uu haatan sii dhereeyay, isagoo waayo wanaagsna ku qaadanaya Barcelona waxuuna ka mid noqday Ciyaartoyda ee ku tashato Naadiga Barcelona.

Nuqul lagu daabacay Websiteka Barcelona ayaa shaaciyay in Alves uu baaqi kusii ahaan doono illaa Sadax Ciyaareed oo kale, ” Danile Alves waxuu halkan (Barcelona) ku sugnaan doonaan ilaa 3 Xilli Ciyaareed oo kale, waxuuna Qalinka ku duugay Qandaars cusub oo ku ekaan doono until June, 30, 2015″

Saxiixa cusub oo xidigaan ayaa amaanay xilli Madaxda sare ee fursad u heleen inay Ciyaartoyda Barcelona la galaan Sawiro iyo Kulan ay qaadanayeen ayagoo fursadaasi  kaga faa’ideysteen in Alves xilliyo cusub la sii qaato Naadiga uu haatan Line upka ka yahay isagoo markii danbe aqbalay Denial Codsiga Masuuliyiinta Barcelona.

Naadiyada Manchester City iyo Chelsea ayaa dib u liqay Candhuuftooda kdib markii Danile Alves uu qalinka ku duugay heshiis cusub, Waxuuna Alves ka mid yahay Daafacyada ugu wanaagsan Caalamka.

www.Bartamaha.com
Shakra, Ciyaaraha

Comments

comments

Category : Sports, Wararka Maanta.
« »

Comment: