Xukun Tacsiir ah oo ka dhacay Deegaanka Leego Ee Gobolka Sh/Hoose.
Â
Bartamaha(Leego):-Maamulka Islaamiga ah ee Deegaanka Leego ayaa fuliyay xukun tacsiir ah kaasi oo lagu riday laba dhalinyara ah.
Fagaara ku yaala Deegaanka Leego ayaa waxaa lagu fuliyay xukunka Tacsiirta ah iyadoo la sheegay in Labadaasi wiil ay ku dhaqmeen waxyaabo shareecada ka hor’imaanaya.
Illaa 30-Karbaash ayaa midkiiba lagu dhiftay iyadoo la sheegay in tallaabo kale laga qaadayo haddii ay dinbigaasi mar kale u noqdaan iyadoo aan la fasirin qaladka ay galeen waxa uu ahaa.
Saraakiil u hadashay Maamulka Islaamiga ah ee Deegaanka Leego ayaa waxa ay bulshada ku soo rogeen amaro culus iyagoo uga digay in heeso laga maqlo Mobilada ay wataan.
Inta badan Degaanada ay ka taliyaan Islaamiyiinta ayaa waxaa laga mamcuunay maqalna Musicada iyo heesaha Caadiga ah taasi oo la sheegay in Shareecada lagu dhaqayo qofkii lagu helaa.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments