Calendar

Dhoobley oo Saaka xasiloon iyo Kulan weli u socanaya Sheekh Xasan Turki iyo Alshabaabb.

islaBartamaha(Dhoobley):-Xaalada guud Ee Degmada Dhoobley ayaa saaka xasiloon ka dib markii shalay ay gaareen Ciidamada Kooxda Alshabaab kuwaasi oo ammaanka guud la wareegay.

Sida ay www.Bartamaha.Com u sheegeen qaar ka mida dadka dagan Dhoobley waxaa ammaanka xiligan gacanta ku haya Ciidamada Alshabaab kuwaasi oo fariisino ka samaystay gudaha iyo daafaha Degmadaasi.

Sheekh Xasan Turki iyo Saraakiisha Alshabaab ayaa waxaa weli u socanaya Kulamo wada xaajood ah oo ay kaga hadlayaan ammanka guud iyo qaabka isfaham uu u dhex mari karo Kooxda Shabaab iyo Xizbul Islaam oo sheikh Xasan uu xubin sare ka yahay.

Howlgal ay gudaha Degmadaasi ka sameeyeen Ciidamada Alshabaab ayaa waxa ay ku soo qabqabteen dhalinyaro la sheegay in ay ka hareen Ciidamadii Axmed Madoobe kuwaasi oo aan la ogayn sida ay ka yeeli doonaan.

Sheekh Xasan Turki iyo Ciidamadiisa ayaa waxa ay ku suganyihiin Dhobley halkaasi oo ay dagan yihiin wallow aan la garan Karin qaabka ay ku hishiin karaan labadaasi dhinac iyo sida Xaalada ku danbayn doonto.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: