read more »">
Calendar

Wetang’ula:waa in baaritaan lagu sameeyaa Socdaalkii Farah Macalin ee Somaliland.

WETANGULA

Bartamaha (Nairobi):- Wasiirka Arrimaha Dibedda Kenya Moses Wetang’ula ayaa ku baaqay in baadhitaan lagu sameeyo safarkii Faarax Macalin uu dhawaan ku tagay Somaliland.

Wasiirka Arimaha dibadda Kenya Moses Watengu’la ayaa gudiga difaaca iyo xiriirka dibadda ee Baarlamaanka u gudbiyey Qoraal uu ku dalbanayo in Baarlamaanku dib u eegis ku sameeyo Khudbadihii uu gudoomiye kuxigeenku jeediyey intii uu Somaliland ku sugnaa. Wasiirku wuxuu qudbadahaas ku sheegay inay ahaayeen kuwa sii hurinaya khilaafka dhulka ee u dhexeeya Somaliland iyo Puntland

Faarax Macalin iyo wafdi u hogaaminayo ayaa booqasho ku soo maray deegaanno ka tirsan Somaliland bishii December, booqashadaasi waxaa ku weheliyay dhowr xubnood oo ka tirsan baarlamaanka Kenya.

Khudbadaha uu Faarax ka jeediyay Somaliland ayuu ku sheegay in Somaliland aysan wax dan ah ugu jirin kala go’a Somalia, balse wuxuu ku amaanay somaliland nabadda ka jirta marka la eego koofurta iyo bartmaha Somalia.

Faarax Macallin waxa uu booqday dhamaan Somaliland oo ay ku jirto Magaalada Laas-caanood oo ka mida dhulka ay Puntland iyo Somaliland isku khilaafsanyihiin lahaanshahihiisa,halkaas oo aakhirkii 2007-kii ay Somaliland dagaal dhex maray iyaga iyo Puntland kula wareegtay gacan ku heeynta laascaanood iyo deegaanno kale .

Faarah Macalin oo ah Gudoomiye Ku xigeenka Baarlamanka Kenya ayaa inta badan ka hadla arrimaha Somalia isagoo sidoo kalle Booqasho ku tagay Magaaladda Mogadishu xilligiii Midowga Maxaakimta Islaamiga ay Koonfurta Somalia ka talin jireen sanadkii 2006.

Ibraahim Da’ud Abdalle

[email protected]

xafiiska Bartamaha ee Nairobi-Kenya

Comments

comments

About sayfudiin Abdalle

Am A Somali Journalist current live and study in Malaysia Southeast Asia.
Category : Featured, KENYA, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: