Calendar

WAXAA HESHIIYAY DOQON ,CEEB IYO CUDUR

faaloCabdullaahi Faatax

[email protected]

Doorashaa timid,looltan baa yimid,laba dilglayn baa timid, Ceeb baa gogosha timid, yaan dooranaa bay tiri oo danteenu ku jirtaa, doqon baa danteenu ku jirtaa, Dareen ma leh,mana doodo.

Cudur baa gogoshii yimid, yay danteenu ku jirtaa ayuu yiri, Doqon baa danteenu ku jirtaa, is-daawayn mayso, dadna u sheegi mayso,  Markaynu dilno bay  dib u calaacalaysaa,

Doorashadii doqon baa helay, doqonkii iyo Naftisii baa dooday, Doqoni hoos waa ka wadaad, Dusha waa ka burcad-badeed, subaxii markii la doortay, yaan lagu diidin buu yiri, dadka soo dhawee buu yiri, dalka dhis, duunyana u roonow buu yiri, Doqoni waa seexatay, waana riyootay, riyadii wuxuu ku arkay, isagoo daamanku u buuxaan, darafyadu u buuxaan, dushuna dhalaalayso,riyadii qayb ka mid ah doqontii waxay ku aragtay in ay ceebo badan tahay, ciil soo jireen ah iyo catow tabanayso. Markaa waxay tiri, yaan lagu caayin ,oo Ceeb lagaa sheegin, caqli yuu ku ag iman,

Doqontii, Markii waagii beryay,  Xafiiskii ayay soo fariisatay, waxaa loo sheegay in Tolkeed bannaanka u fadhiyo, Tolkeed waa dhan yahay oo uu ku jiro (isin, wadaad, Kaabaqabiil, Nin waxbaratay, Geesi, Burcad-badeed, xaaran cunne,Gacan-ku-dhiigle iyo Aftahan), Doqontii waxay tiri yaa u yeeray, Halkan anigaa xukuma, Xaydanka anaa leh, nin aan xaadir (Haa) oronayn, yuusan xerada soo galin. Tolkii intii wax garanaysay waa xishooday, xeradiiba ma soo gelin.

Ka dib Xaydaankii waxaa isugu yimid, intii xumayd,  Burcad-badeedii, Gacan-ku-dhiiglayaashii, Afmiishaaradii iyo Xaaran cunnayaashii. Halkaas Doqoni waxay tiri inta hartay baa tolkeey ah.

Halkaa, markii sheekadu marayso, Cudurkii baa dooday dhexdiisii, Cudurku Hoos ahaan waa kala nooc, guud ahaanse waa cudur, iskuna dan ma ah. Cudur wuxuu yiri dalkan, Annigaa dad u ah, anigaa Dollar haya, dibindaabyo rabi iigu deeqay, Dareenkaygu wuxu yahay in aan degaan Hantiyo, Dad iyo duunyana dusha ka maro.

Ka dib cudurkii, ceeb ayuu u tegay, wuxuuna yiri, Ceebay Camankaa i buuxa, Ciidaa ii duugan, Calaf rabi I siiyaan hayaa, cidiii aan ku dili lahaa baan ka doodayaa, Ceebi waxay tiri annigu cayr baan ahay, Laakiin Xididada iyo Xayndaabka doqontaan ahay, danahaaga oo dhan  anigaa kuu dul marin, Duhur kaaga saxiixi ee Duunyo soo kor saar (Gacmo isdhaafa dhexdoodu galadi ka dhalataa). Cudur waa nin aan isku cayni ahayn, Waa Qaaxo(TB), HIV, Cancer iyo Daacuun, Laakiinse waxaa ku duugan in uu wax baab’iiyo, wax  dilo, qayb cudurkii ka mid ah doolaale aaday, dal shishe ayay tagtay, Diin baan baran ayay tiri, Diinta ay baratay waa dalqaadis, Dad layn, duunyana tabac.

Doqoni kursigii markii ay ku soo fariisatay waxay tiri, nin magac lahaan jiray, yuusan agtaada ka muuqan, nin maamuus leh miiska yuusan fariisan, caqli waa cadowgaa, ceebi waa walaalkaa, Cudur waa inaa’adeerkaa. Doqoni  ceeb ayay amartay, waxayna tiri, Ceebay irida joog, oo  Isin yuusan soo galin, kanay adeerkeen ku tahay, Nin waxbartay iga ilaali, Eedaysane iyo Afmiishaar iyo inta la ayni ah, waa udubadii (tiirarkii ) Dowladeena ee soo dhawee, doqontii ceeb waxay ku  tiri Cudur ii keen.

Doqon iyo Cudur baa wada fariistay, Cudur waa ogyahay, Doqon iyo Ceeb  cadowgoodi inuu yahay Isin, Aqoonyahan, iyo Nin diin leh , Doqonise ma oga cudur waxaa uu yahay iyo waxa uu doonayo. Doqoni, waxay Cudur ka doontay in uu wixii caqli iyo cilmi leh laayo, Isinku ha ugu horreeyee, oo haddii dadka , Isimada laga laayo, ama isinka la takooro, dadku waxay noqonayaan xoolo is-dhex yaaca, Sida maanta Koonfurta ka taagan. Doqoni sidaas raali bay ku tahay.

Ceebi sida ereygu yahay bay tahay, Waa nin aan xishoon, diin lahayn, dadnimo lahayn,intaa baahan, Baryo badan, waana tuug. Muddo markii la joogay Ceebtii shaqadeedii waa ka soo baxday, Doqoni siday islahayd waa fiican tahay , baa wax waliba u noqdeen. Ceebi waa cayishay, Daamankii baa cadcadaaday, Talana waxay ku gaartay, qofkii Doqonta wax ka rabaa, haddii uusan iyada Lacag siin, kanay shaqaale hoose ku  tahay in dowladda la qorin. Ceeb iyo doqoni isku dan bay noqdeen, Lacag ayaa arkay baa la yiri. Laakiinse Ceebi doqoni waxaysan ogayn bay samaysay oo cudurka intii u xumayd bay  jagooyinkii Dowladda siisay, Haddii doqoni waydiisana waxay tiri, Dadkaa waalane, cudurkani mid wax dilaba ma aha.

Cudurka, intii doolaalada tagtay ayaa soo noqotay, Doqon ayay is arkeen, waa la heshiiyay, Doqoni waxay tiri anigu cadow baan leeyahay , Waa caqli,isin ha u horreeyee, dila, dadka intiisa kale daaya,halkan aan anigu joogana, Dadka ha dilinina, dadku ha caafimaad qabo, anna idiin maagi maayo ee dalkiina jooga. Cudur waa yahay buu yiri, waase cudure axdi kama xirmo, dadkii buu laayay( Askari, Agaasime, Maamule, xeer ilaaliya iyo Qof kasta) , qixiyay, Noloshii ku ciriiriyay.

Doqontii, Weli meeshii bay joogtaa, Caqli yaanu i ag iman, Isin yaanu i ag iman, Abwaana yuusan i arkin bay leedahay, Annigaa wax kasta ah, Wasiirkaygu waa shaqaale aan leeyahay, waxaanan oran, rabin midna ma samayn karo. Agaasimayaashaydu waa aniga Ceebta. Balse Doqoni isma waydiin maxaa gacanta kuugu jira, Cudur iyo Ceebi halkee isla maryaan, Adiguse xagee joogtaa.

WAA SOCOTAA………………………..

Comments

comments

Category : Maqaallo / Articles, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: