Aw-Libaax & Lo’dii layacantay ee luntay (Qalinkii Maxamed Xaaji)
Waxaa la fadhiyaa berrinkii BAH-LAAYE, waa meel aan lagu degin sahan iyo qorshe uu caqli samaan u saaxiib ihi sii saadiyay, waa boor iyo baahi, busaarad iyo balanbal, waxaa wada deggan Lo’ layacan iyo Libaax daleelada ka helay oo daranyada loogu dow galay uga danaystay.
Waxaa wada shiraya Aw-Libaax oo la fadhiya Lo’ fara badan oo bilaa raace ah, lama hubo sababta ay Lo’dani bilaa qoowsaarka u noqotay, ma inta careen ayay cardaadiqaha ka dhigeen oo iyagaa dilay? Ma dhowr qoowsaar baa isku qabsaday markaas ayay xoolahani lumeen oo layacmeen? Mise inta meel xun ku horay ayay ku xayraameen ooy soo xarka goosteen?
Yeelkeede, Lo’du waxay markan la fadhidaa Aw-Libaax oo ay iyadu isku qancisay inuu u dhaamo qoowsaarkeedii, waxay iska dhaadhicisay in marba haddii ay Libaax la fariisatay oo ay kula heshiisay inuu midba maalin cuno inaysan jirin sabab dambe oo ay u cabsato, haddiiba aysan cabsida lafteeda ka cabsanaynin, balse Lo’dani kuma fikirto inay taasi tahay bilowga dhamaadkeeda.
Lo’da waxaa ka muuqata dacdarro iyo dhacsaal badan, waayo maadaama aysan lahayn qoowsaar ilaaliya, u sahmiya, naq-geeya, ka shilimeeya, marka dararto lisa, daweeya marka ay bugto, xero ay ku badbaaddo u ooda, maqasha u geeda gura, arooriya marka ay kallan tahay ama habeenkii mayraca haddii ay dheeraad u baahato waxaa iskugu darsamay busaarad iyo basanbaas, waxaa intaa u dheer in dhowr sano oo xiriir ah ay abaari iskaga dambaysay oo ay macaluul ba’ani beerka ku dhejisay, kaaga darane cidda ay caymo ka sugaysaa waa bahalkaas Aw-Libaax oo leggeeda uun luuq ugu jira.
Aw-Libaax isagu meel kale ma aado oo ma ugaarsado xitaa, waayo wixii uu dibad ka dooni lahaa, halkan bayba ugu dagan yihiin iyagoo weliba u diyaar ah, maalinba Lo’du waxay soo qaybtaa hal neef oo Lo’ ah gaar ahaan midka ugu shilis ee ugu hilboon, tiiyoo ay abaari eedaad ku ridday.
Lo’dani isma waydiiso danta ugu jirta inay meel u fadhiyaan bahal cunaya oo weliba meel baahi ah ku horaya, iyagoo aan ku fikirin inay naq-raacaan ama doonaan Lo’da kale ee ka maqan, sidoo kale kuma fikiraan in bahallada kale ee kaymaha ku jira ee ay ka baqayaan aysan ka mici ku xoog badnayn midkan ay u horan yihiin ee yaryaraysiga ku haya, isma waydiiyaan walba haddii aad dhimanaysaan qadiyad wanaagsan ku dhinta iyo idinkoo nolol tan dhaanta baadi goobaya!
Waxaa la fadhiyaa geed aan hoos badan lahayn maadaama lagu jiro jiilaal xun oo hal mareebe ah, waxaa socda kulan maalinle ah (routinal meeting) oo inta badan lagu amaano ama loogu buraanburo Aw-Libaax, lagama hadlo mana laga hadlo dhibaatada haysata Lo’dan layacan ee luntay, Aw-Libaax kulankan wuxuu sidoo kale u adeegsadaa meel uu kula socdo haddii ay jiraan dad ku kacsan saldanadiisa halkudhegeedu yahay ‘’Caawintaydu waa in aan idin cuno ama caymo maleh’’.
Waxaa hadalka fura dhowr dibi oo ay dacdarro iyo haybad la’aani ka muuqato, balse maadaama ay ka yara xoog badan yihiin, ubadka iyo Lo’da kale ka xooga wixii xuluf iyo xaab ah oo marmar la helo, waxay Aw-Libaax u sheegaan warka uu jecel yahay, qaar baa gabayo jacbur ah tiriya, waxay dareensiiyaan inuu yahay nin wax wayn u qabtay, nin had iyo jeer u taagan wanaagooda, ninka sida ay qabaan tirtiray cadaawaddii soo jireenka ahayd ee abid ka dhexeyn jirtay LO’ vs LIBAAX, nin kala celiya marka ay is diriraan.
Si kastaba, Libaax oo aan sida Lo’dan laabta ka masaxnayn, balse og inay cadaawadaasi sideedii u taagan tahay, hase yeeshee ay hal dhinac oo is dhiibay uun ka dhamaatay, ayaa wuxuu ku dhuftaa qosol qax qax ah oo digasho wax laga saari karo, isagoo u sheegaya Lo’da inuu hubaal ka dhigi doono in aysan cid aan isaga ahayni cuni doonin oo uu Libaaxyada kale ka ‘ceshan’ doono. Raganimo!
Deeto waxaa mar qura is qabsata mashxarad naf la caari ah oo ka imanaysa Lo’da teeda dhedig iyo waylaha oo aad u baahan, halka dibiyada waawayna ay ku dhuftaan or iyo sacab, Aw-Libaax ayaa isna ku kaalmeeya hees la yiraahdo: ‘’Lo’ hayina oo habaaran, Allaylehe helay ee Eebow mahadda’’.
Lo’du marka ay heestaas maqlaan, waa la iska yaqaannaa oo iyagoo aan dhadhansan micnaha dhabta ah ee ay xambaarsan tahay unbay muusigga iyo laxanka uun la dhacaan oo sacab kal iyo laab ah sii laba jibaaraan iyagoo uga jiibiya hees uu mireheeda, laxanka iyo muusiggaba leeyahay Aw-Libaax oo ku bilaabmaysa; ‘’Micidii waynayd, maantaad nala heshee, nagu miijiyoo’’.
Maadaama ay Lo’dani muddo dheer qoowsaar la’aan ahayd way kala firdhatay, oo waxaa jira goosimo meelo kala duwan ugasoo haray iyo dabcan qoowsaarkii oo aysan meel ku sheegin, dibiyada qaar oo ay XUSUUS yari weli ku dambayso ayaa mararka qaar muujiya inay tebayaan Lo’daas ka maqan iyo in ay wax ka khaldan yihiin nolosha ay ku jiraan, horta waxaa il naxariis la’aan ah ku eega Aw-Libaax oo haddii uu u dhowyahayna dhirbaaxo dhangalaaso indhohooda hillaac mala awaal ah ku tusa.
Waxaa u dheer in markiiba ay afka goostaan dibiyadda horjoogayaasha ah, sacaha iyo waylaha oo iyagoo Aw-Libaax is tusaya aflagaaddooyin u gaysta, mararka qaarna waxaaba bilowda dagaal lagu qaadayo inta doonaysa in Lo’da maqan la doono, kuwaasoo taageero qosol u badan ka hela Aw-Libaax oo madaxa u gundhiya, iyaguna marka ay sidaasi dhacdo maba soo jeestaan.
Deeto dibiyadii oo qaarkood daanno iyo dakharro loo gaystay ayaa cod hoose iskaga gunuunuca iyagoo iska dhaadhiciya in haddii ay ka badbaadaan miciyaha maalinba mid ku maqan ee Aw-Libaax ay mar uun gaari doonaan madal iyo fursad ay wax ku dareensiiyaan Lo’da kale, Libaaxna iskaga dhiciyaan, si loo doono inta maqan, Lo’dana qoowsaar loogu sameeyo.
Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji Xuseen Raage
Farriin-Danabeed: Gothenburg, Sweden
Comments
comments