Calendar

War Deg-Deg ah:-Askari Xizbul Islaam ah oo dilay nin ka ganacsanayay Qaadka.

01a 156Bartamaha (Afgooye):- Askari ka tirsan Xizbul Islaam ayaa dil toogasho bareer ah u geystay nin ka ganacsanayay Qaadka gudaha Degmada Afgooye Ee Gobolka Sh/Hoose.

Askari Xizbul Islaam ka tirsan ayaa dilkan gaystay duhurnimadii maanta markii uu ay murmeen isaga iyo ninka Qaadka Iibinayay kaasi oo rasaas bareer ah lagu furay ka dibna uu ku dhintay isla goobtaasi.

Askariga dilka gaystay ayaa isaga cararay goobta uu ku dilay ninka ganacsada ahaa waxaana la sheegay in uu ku amray binta aanu dilin in uu qaadka geeyo saldhiga Maamulka islamarkaana uu u raaco xarunta.

Dilkan bareerka ah oo Askariga uu geystay ayaa waxa ay noqonaysaa arin aad ay ula yaabeen dadka deegaanka waxaana goobta uu dilka ka dhacay soo gaaray Ciidanka Maamulka Xizbul Islaam Ee Degmada Afgooye.

Xasuusta dadka reer Afgooye ayaa waxaa ku taagnaa askari horay nin dhaqtar ahaa u dilay Sigaar uu cabayay taasi oo muddo mka dib muran beeled dhashay ay maamulka fagaaraha keeneen ninkaasi oo la qisaasay.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika

[email protected]

Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: