Waa inaan Badbaadinaa Qaranimadeyna
Ruuxii aan ogeyn ha ogaado, ruuxey ka dahsoontahay ha u cadaato, ruxii ka ilduufsan haku baraarugo, dalakeyna Somaaliya kuma taagna waddadii qaranimada, umana jeedo qibladii dawladnimada!! Muddo 10 sano ka badan waxaan ku jirnay maaweello iyo meel u dhexeysa dawlad iyo dawlad la’aan. Waxaan joognay “ Jabal al-acraaf” u dhexeysa nolo iyo geeri. Waxaa muuqata inaan lagu waana qaadan dhibkii la soo maray iyo daruustii taariikhda xukun boobka iyo amar ku taagleynta. Waxaa muuqata in caqli xumadii iyo tallo qalloocii dawlad burburinta aan waxba iska bedelin oo ayba kasii darayso. Hal-ku dhigaad rabto qaado, “wadaniyad, qabyaalad ama Islaam” caqligii Somaaliyeed ee siyaasiga ahaa welli ma kobcin, qarannimadeynina khatar weyn ayey ku jirtaa. Rajo xumadaas la yaab ma laha mar haddii Somaaliya qaadatay shanta koob ee caalamiga ah ee xumaanta. “Waa koobka musuqmaasuqa, waa koobka burcad-badeedka, waa koobka argagixisada, waa koobka gaajada , iyo koobka muddo-dheriddawlad!
al’aanta ah (the longest collapsed state”).
Xaalkeynu wuxuu marayaa “kud ka guur oo qanjo u guur” oo markii lagu daalay dagaalladdii qabaa’ilka waxaa loo guuray dagaalka nuuca cusub, moodada casriga ah oo lagu magacaabo “ Ilaahey dartiis ayaan kuu dilayaa”, waxaana kugu dilayaa meel kasta: Masjidka, iskuulka, dugsi qur’aanka, gurigaaga dhexdiisa, goobaha shaqada iyo suuqyada. Waxaa ku dilayaa wiilkaaga, gabadhaada, walaalkaa, ruux aad waalid u tahay, mid aad macalin u tahay iyo mid aadan ka fileyn. Xaalkeynu wuxuu marayaa dawlad dagaal iyo khilaaf ku nool ah oo waxaan sharaf-darro iyo karaamo-xumo aheyn aan laga maqleyn.
Waxaan ku sheekeysanaa in dhibaatadeyna ay mas’uul ka yihiin ummada kale iyo shaqsiyaad kale. Waxaan ku sheekeysanaa in mu’aamaraad naloo maleegayo sida ayada oo caalamka oo dhan uu col nala yahay. Waxaan sababta ugu weyn saarnaa dawladda Etoobiya iyo kuwa kale oo aan dariska nahay, Mareykanka iyo Reer yurub. Waxan kale oo aan eedeyn usoo jeedinaa dawladaha Carabta oo noo hiilin waayay iyo muslimiinta noo soo gurman waayay. Waa run in Itoobiya iyo Somaaliya muddo ka dhexeysay collad iyo isgaad-gaad, dagaalana soo kala dhax mareyn. Waa run in siyaasad Itoobiya ee ku wajahan Somaaliya ay tahay “ gaalaa gud iigu jiree garweynta ii keena”. Waxaa kale oo run ah in siyaasado guracan ee Somaaliya lagula dhaqmay waqtigii “dagaalka qaboobaa” ay qayb weyn ka tahay dhibaatada ku dhacday. Waa dhab in intaas aan soo sheegnay oo dhan qayb ay ku leeyihiin burburinta dawladnimada Somaaliya, laakiin arinkaasu ma suuragaleen haddii ayan jirin dad Somaaliyeed oo ayagu gacantooda !
ku burburinaya dalkooda, garasho xumo iyo ubareerid inataba. Hadaba, markii aan garano in mas’uuliyadda koowaad aan annagu leenahay, markii aan garanno in xalka dhibaatada Somaaliyeed uu na sugaayo, caalamkuna uu leeyahay doorka labaad, markaas oo qura ayaan qaadi karnaa waddadii soo celinta qarannimada Somaaliyeed.
10 sanno ku dhawaad ayaa dawladii ugu horeysay oo rajada cusub beertay lagu soo yagleelay dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti sanadkii 2000. Dawladdii Bulshada Rayidka ah soo dhiseen waxaa lagu burburiyay shirar kale oo awoodda lagu siinayay hogaamiyayaasha dagaalka (keenya 2004, Jabuuti 2009). Nasiib darro, waxaan afka uga galnay mashruuca “la dagaalanka argagixisada caalamiga” ee 9/11. Sidaas ayaa arimaha Somaliya waxaa beesha caalamku ku aqrinaysay, ku abaabulaysay aragti ka amba-qaadeysa la dagaalanka argagixisadda. Waxaa la taageerayay madaxdii loo maleeynayo iney mashruucaas fulin karaan, waxaa lala dagaalamayay ruux kasta oo aan u adeegeyn aragtidaas. Muddada 10 sano ah, waxaa isla kobcayay awoodda ururka Shabaabka iyo faragelinta shisheeye. Waxaa Somaliya soo maray dawlado ku-shegyo aan meelna ka talin, sedex madaxweyne iyo 9 Raisu’lwasaare. Waa “ kana sib kana saar” oo dagaal iyo khilaf ku dhamaanaya. Sidaas ayaa waxaa dhaqan u noqotay dawaldihii isdaba!
joogay, hadana waxaa taagan khilaafkii oo kale oo waatan madaxweynaha iyo guddoomiyah baarlamaanku isgaad gaadayaan.
Aniga oo ka mid ahaa aqoonyahaanadii sida weyn uga shaqeeyay shirkii Carta, rajo weyna ka qabay in dawladnimada Somaaliya soo noqoto, waxaan rumeysnaa in dawladnimada Somaaliya ku bilaabaneyso tabar yari, laakiin ay xoogeysaneyso, iney bilawgiiba xukumeyso caasimadda, laakiin ay kusii fideyso goboladda dalka oo dhan. Laakiin haddii la qiimeeyo dawladnimada Somaaliya waxey noqotay “fadhiid” oo waa soo yaraaneysay dhul ahaan, dareen ahaan iyo muqaal ahaan. Waxaa kale oo isbedel ku dhacaayay sida caalamku ula dhaqmayo dawladda iyo qadarinta uu siinayo madaxdeeda. Maanta waxaa Somaaliya ka jira waa “wissaayad dawli ah (undeclared trusteeship) aan kor loo sheegin oo khudbo sireed ah. Madaxda Somaaliya ma haystaan kalsoonida shacabkooda oo qoray caaradiis ayey ku yimideen, kuna joogaan, waxaana keenay mashruuc qaloocan oo la soo dhoodhoobay. Sidaas ayaa madaxda Somaaliya waxey ka amar qaataan, markii ay diriraan udacwoodaan, una tartamaan xooggag shisheeye, maxaa yeelay wax!
ey siiyaan masruuf, marasho ( arad-tir) iyo sharafta madaxtinimada.
Haddii laga eego dawladnimada afarta tiir oo asaaska ah sida qaybta sharciga ilaalisa, qaybta dhawrta hantida qaranka, dhismaha ciidamada amniga iyo shaqaalaha, waxaa lagu qanci karaa inaan dhaqan dawladeed meesha lagu hayn. Waa muuqataa tabar-daridda hay’addaha ilaalinta sharciga oo ah tiirka afaraad ee dawaldnimada oo barbar taagan baarlamaanka, xukumadda iyo madaxtooyada. Guddoomiyaha maxkamada sare markii la rabo ayaa la ridaa, la xiraa, wax qadarin iyo qiimeyn ahna ma laha. Tan kale, maqnashaha hay’adaha xisabaadka iyo hanti-dhawrku waxaa markhaati u ah in Somaaliya qaadatay koobka musuqmaasuqa adduunka sanadihii 2010 iyo 2011 kii. Xisaabaadkii dawladda muddo 10 sano ah waa furantahay oo lama xirin, mid kastana waxey xafiiska ka tagtay ayada oo aan xilka xisaabadka aan wareegin.
Tan sedexaad, khaladka ugu weyn ee lagu haayo dib-udhiska qaranka Somaaliya waxaa laga arki karaa sida looga soo horjeedo in la dhiso ciidamada qalabka sida iyo xoogga la saarayo in ciidamo ajnabi ah dalka la keeno. Goorma ayaa ciidan Somaali ah lagu wareejinayaa hawsha nabagdelyada? Qorshe la ogyahay ma jiro!! Carqaladeynta dhismaha ciidamada Somaaliya iyo taakuleyn la’aantooda waa mashruuca ugu weyn oo lagu hakinaayo soo noqoshada qaranimada Somaaliya. Waxaa la yaab leh inaan la rabin aqoonyahaannadii haystay tababarka amniga oo welli dhalinyarada ah. Naceebka ciidamada qalabka sida waxaa soo bilaabay jabhadihii dalka burburiyay iyo rasul-wasaarihii ugu horeeyay Cumar Carte Qaalib oo amray in ciidamada Somaaliyeed isku dhiibaan jabhadaha.
Tan afaraad, shaqaalaha dawladda yaa qora? Yey daacad u yihiin? Ma qaranka mise shaqsiyaad? Si dadka Somaaliyeed loo siiyo fursado isku mid ah, waxaa lagama maarmaan ah in shaqaalaha dawladda lagu qaato imtixaan, lama marsiiyo qaabka iyo qaanuunka shaqada. Haseyeeshee, waxaan dhaqan nooqtay in shaqaalaha aan tartan lagu qaadan ee nin jacleysi iyo qaarabo-kiil shaqada lagu helo. Sidaas darteed, shaqaalaha dawaldu daacad uma aha dalkooda ee waxey daacad u yihiin ruuxii shaqada siiyay. In badan oo ka mid ah waxey shaqada ka tagaan markii ay shaqada ka tagaan kuwii shaqada siiyay. Afartaas qodob oo kaliya ayaan tuusaale uga dhigeynaa inaan lagu taagneyn waddadii dawladnimada. Arinkaanu ma ahan mid la bilawday xukumada hadda joogta ee waa sifooyin ka dhexeeya maamuladii Somaaliya laga soo bilaabo 2000.
Sidaas darteed, fikir ahaan iyo ficil ahaan, Somaaliya ma hayso wadaddi dawladnimada. Dhaqankii xukun boobka, gadashada codka, sad-bursigii iyo ku tiirsanaantii dawladaha shisheeye welli waa sidii. Mashruuca cusub ee la maga baxay “Road Map-ka” wuxuu u egyahay mid musuqmaasuq iyo is-hoosgelis laga damacsanyahay. Waxaa ka muuqata waxyaabo dadka Somaaliyeed khilaaf cusub u keenaya. Intaas waxaa dheer, su’aasha ah ma la dhameynayaa xilliga kala guurka ah? Talada Somaali wax ma ku leedahay? Mise dawladaha ciidamada usoo diray Somaaliya sida Uganda, Ethiopia, Kenya, Burundi iyo Jabuuti ayaa mustaqbalka Somaaliya ka tashandoona markii ay ka adkaadaan shabaabka? Maxaa ka imaanaya qaylo dhaanta cusub ee boqotooyada Ingriiska iyo shirka ay qabanqaabineyso? Maxaa ka dhalanaya daneynta weyn oo soo kobceysa ee dawladaha Turkiga? Maxey rabtaa Qatar oo hormuud ka noqotay isbedellada ka dhacaya dawlada carabta bilawdayna iney soo milicsato Somaaliya?
Wax kasta oo caalamku Somaaliya ka damacsanyahy ama ha ahaadeen dawladaha gobolka, kuwa Muslimka ah iyo dawladaha waaweyn intaba, waxba kama bedeli karaan xaaladda Somaaliya oo murugsan. Waxaa meesha ka maqan ficilkii waxgaradka Somaaliyeed oo loo kaalmeeyo. Waxaa ka maqan koox isku duuban ee wadaagta aragti, hogaan iyo barnaamij caalamkana la falgeli kara. Sidaas darteed, waxaa lagama maarmaan ah in dadka Somaaliyeed “dib isku abaabulaan, iskaashadaan, tallo wadaag noqdaan”. Waxaa lagama maarmaan ah in isbedelka soo socda si xoog leh uga qaybgalaan wax garadaka Somaaliyeed oo isbidaaya iney wax soo kordhin karaan, haddii ay tahay gelidda baarlamaanka iyo u tartamidda madaxtimida qaranka. Waxgaradka Somaaliyeed fadhi dambe uma harin si loo badbaadiyo qaranka.
Comments
comments