Somaaliya iyo koobka Musuqmasuqa (Maqaal)
W/Q Cabduraxman Baadiyow
Somaaliya waxey qaadatay koobka aduunka ee musuqmaasuqa! Somaaliya waa dawladda ugu faca-weyn dawladaha fashilmay! Somaaliya waa aag muhiim ah ee argagixisada caalamka! Waa maxaay heerkaan Somaalidii sharafta leheed soo gaartay? Waa su’aal meel kasta la isku warsanayo, loogana doodayo. Laakiin, haddii la abaaro mushkilada asalkeeda, waa dawlad-xumidda iyo dawlad la’aanta. Ilaa iyo hadda waxaa la keeni la’yahay dawalad shaqeysa oo Somaaliyeed muddo 20 sano ka badan. Isku day kasta wuxuu ku dhamaadaa dawlad “fadhiid ah oo magac-uyaal ah”. Mar kasta oo aan fashilano, waxaan eedeynaa dawladaha kale, waana iloownaa masuuliyada naga saaran soo celinta qarannimadeynna.
Haseyeeshee, waxaa kusoo biiray sanadka 2010 in Somaalidu qaadatay koobabka aduunka ee musuqmaasuqa iyo burcad-badeedka. Koobka sedexaad ee argagixisanimada, rajada Somaalidu ma xuma oo tartanka meel fiican ayey ka soo gaartay!!!. Nasiib darro, erayada musuqmaasuq, burcad-badeed iyo argagixiso waxey unoqdeen astaamaha lagu aqoonsado Somaalida (trade mark). Labada arin oo ah “burcad badeedka” iyo “argagixisada” waa arin ku cusub Somaalida, laakiin musuqmaasuqu waa garaado gooyay oo waxaa la dhihi karaa “ Jeneraal musuqmaasuq”.
Waa maxay musuqmaasuq? Luqada Ingiriiska waxaa lagu yiraa (corruption), Carabigana (fasaad). Haddii lasoo gaabiyo micnaheedu waa: sharciga oo la qaloociyo, wax la isdaba mariyo iyo in xad-gudub la sameeyo (transgression). Sida taariikhdu sheegeyso, waxaa musuqmaasuq lagu eedeeyay dawladii rayidka oo ciidamadu xukunka xoog uga qaateen 1969. Muddo yar dabadeed, musuqmaasuqii hore wuxuu noqday iqarso oo waxaa soo if-baxay mid sharciyeysan oo ku heesaya “hati-wadaaga cilmiga ku dhisan”. Waa “musuqmaasuq hanti-wadaageysan” oo ku dhisan “dabargoynta–qabyaaladda” iyo “kacaanimada”. Marxaladii qaran-jabka ee ka dambeysay 1991 ayadu iswarsi ma laha oo qaranimadii iyo dalkii ayaa la dumiyay, dadkiina waa la gumaaday.
Haddii aan sii tixraacno, taariikhda “musuqmaasuqa”, waxaa mar kale la bilawday soo celinta dawladnimada oo waa tii lagu soo dhisay Jabuuti 2000 ayada oo aad loogu hanweynyahay. Haseyeeshee, waxaa hor-booday dawladaas ragg hore lagu tuhumsanaa “musuqmaasuq” oo la moodayay iney ka tooba keeneen ama markii horeba lagu been-abuurtay. Laakiin, waxaa dhab noqotay maammaahda Somaalida: “gacantii qaadqaad barata gumudkaa dhaqdhaqaaqa.” Waxaa khalad ugu filan maamulkaas in si aan sax aheyn ay umaamuleen hantida qaranka oo aan la hawl-gelin hay’adihii maamulka lacagta. Sidaas ayaana xaajadu waxey kusoo hoorsatay in wax lagu maamulo rabitaanka madaxda, xisaabtankana meel la iska dhigo.
Maamulkii ka dambeeyay oo Jabhadaha awoodda la siiyay ee 2004, wuxuu raacay waddadii ka horeysay ee maamul la’aanta iyo xisaabtan la’aanta. Waxaa isku mid noqday hantida qaranka iyo tan shaqsiga ah. Weliba wuxuu ku darsaday farsamooyin cusub oo “musuqaasuqa” lagu kobcinaayo oo aan qarsoodi aheyn. Labadaas maamul, wax raad xisaabeed ah ma reebin, waana wada raad-tirteen oo wax dokumenti ah lagama haayo. Haseyeeshee, xisaabtoodii welli waa furantahay oo lama xirin! Xagga shacabka iyo xagga Ilaahey agtiisa.
Markii kacaankii Maxkamadaha Islaamku soo if-baxay, waxaa soo noolaaday rajada dadka, waxaana dadka rajada geliyay calanka Islaamka oo la taagay ayada oo la filaayay in dhaqan cusub ee Islaam ah la soo bandhigi doono, gaar ahaan xagga ilaalinta hantida qaranka. Haseyeeshee, maamulkii lagu soo dhisay Jabuuti 2009 oo wadaadadu hor-boodaayeen iyo kooxdii la magic baxday “dib-xureynta dalka”, wuxuu qaatay koobka adduunka ee “musuqmaasuqa”, Somaaliyana wuxuu ka geliyay taariikhda addunyada meel weyn oo aad uliidata. Waxey noqotay “ka daroo dibi dhal” oo waxaan qaadanay koobka musuqmaasuqa waqti aan wada jir u ogaalanay inaan “shareecadda Islaamka” dhaqan gelinayno. Arinkaanu waa shareecadee! Ma shareecadda “ muruq-taarufaa” koley ma aha Shareecada Islaamka! Waxaa la dhihi karaa waa “musuqmaasuq wadaadeysan” oo hore ayaa looga hayayaa mahmaahda ah “la jifiyaanna banaan, la joojiyaanna banaan” oo tusaale ka ah marka wadaad diin sheeganaya uu u isticmaalo!
Islaamka si guracan.
Waxaa laga yaabaa in ruuxii ka hadla arinkaan lagu eedeeyo inuu diinta ka soo horjeedo, qaran-dumisna yahay, ama la habaaro sidii hore ugu dhacday walaalkeyn Amiin Caamir. Laakiin, ha la yaabin arinkaas, maxaa yeelay waa “ aduunyo caloosha laga raraayo” oo gumaadka ummada, bara-kicinta joogtada ah iyo daadinta dhiigga ruux aan waxba galabsan ayaa si khaladan Islaamka loogu soo daliishadaa. Hadaba, arinkeynu waa “ mukulaal madax doolli kama xajiso” iyo inaan “musuqmaasuqu” yahay jinni iyo ruxaan ruuxii madax noqda ku bideysa oo miirka ka qaadeysa.
Arimaha musuqmaasuqa waxaa hore uga hadlay Sayid Maxamad Cabdille Xassan oo gabay ku yiri: “musuqmaasuq Soomali waa meheradeediiye, Hadba midab horley kuula iman maalin iyo leyle”. Sidoo kale, abwaan Mubashir Sheikh Cabdullahi wuxuu ka yiri ; “Musuqmaasuq baa looga baxay magan Ilaahay”. Sidoo kale, abwaan Maxamuud Xirsi wuxuu ka yiri” Musuqmaasuq baa daashadiyo, damaca laaluushe; Danaystiyo darleef baa fadhiya, duunyo xaabsada’e; Sida diirataday ugu mameen, maal dad leeyahaye”.
Isku soo duuboo, waxaa cadaatay in musuqmaasuq uusan laheen xuduud wadaad iyo waranle, caami iyo culumo intaba in dabeyshiisu ku dhaxjirto. Hadda wixii ka dambeeya muqaal wadaadnimo ama dhar gaar ah oo laxirto, kama dhigeyso ruuxa mid la aamini karo oo waxa la iska rabaa “itus oo itaabsii”. Dhaqangelinta shareecadu waxey ka bilaabataa, lana sameyn karaa waqti kasta inaan hantida ummadda loo isticmaalin si musuqmaasuqa. Waa hawl calaamku isku raacsanyahay in si cad-cad loo maamulo hantida guud oo laga noqdo waxa lagu magacaabo “transparent). Dawladda Somaaliyyed ee tabarta daran, waa kari kartaa iney noqoto mid si sax ah u maamusha arinkaas, haddi ay rabaan, laakiin ma la huba? Waa hawl u taalla Rasisul-Wasaaraha cusub oo aan ka rajeeyneyno inuusan ku biirin kooxda qaadatay koobka aduunka ee musuqmaasuqa.
Gunaanadkii, waa inaan ogaanaa in sida aan u qaadnay koobka xumaanta aduunka inaan u qaadan karno koobka fiicnaanta haddii aan waddadeedii qaadno. Waxaan shaki laheyn, in dad badan oo Somaali ah ay kusoo caan baxeen wanaag, meel fiicanna ka soo gaareen xagga warbaahinta, waxbarashada, fanka & suugaanta, isboortiga, ganacsiga iyo adeegga bulshada. Haddii aan ku fashilanay dawaldnimada, kuma fashilmin nolosha oo meello badan ayaan horumar ka sameynay. Waxaa la hubaa in haddii aan la nimaado hawl qabad wada jir ah (collective work), dareen wada jir ah (collective consciousness), soona saarno hogaan loo qaateen ah (capable leadership) inaan ka gudbeyno xaaladda liidnimada. Waxaa la hubaa in ayan soo marin Somaalida waqti ay ka awood badantahay xagga hantida, aqoonta iyo ilbaxnimada. Waxaa la dhihi karaa “sida ay u il-darantahay uma Alle la’a”.
Comments
comments