Calendar

Sh Xasan iyo Hadalhaynta Horn Afrik: Faaqidaad

awees11W/Q Abdulkadir Abdi

Hordhac

Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa barnaamijka hadalhaynta ee Horn Afrik  asbuucan  marti ku ahaa isagoo ka jawaabayey su?aalaha shacabka  iyo waxgaradku soo weydiinayeen.
Sheekhu wuxuu ku ammaannaa, ka qaybgalayaasha qaarkoodna ku bogaadyeen  in waqtigan uu dadka soo hor fariisto oo su?aalahooda toos uga jawaabo, una dul qaato su?aalaha iyo dhaliisha adag ee uga imaanaysay dadka barnaamijka kala qayb qaatay. Inkastoo mararka qaar uu la yaabanaa su?aalaha la weydinayo hadana wuxuuba weriyaha xataa ka dalbanayey  inuu soo fasaxo dadka sheekha sida tooska u weeraraya ee u arka inuu maato qixiye iyo qalbi dillaacshe yahay. Wuxuu sheekhu aad uga horreeyaa madaxda shabaabka oo in dadka cajalad usoo duuban hal waddo ah ama one way ah mooyaane aan ogolayn in barnaamijkooda lalaga doodo ama dadka dood kaga iibiyaan.
Ma garanayo waxa uu sheekhu ka baranayo barnaamijka waxaase gabi ahaanba dadkii barnaamijka  socday saacadda iyo barka kala qayb qaatay ay dareenkooda ku muujiyeen inay kasoo hor jeedaan qaabka uu isaga iyo kooxaha mucaaradka wax u rabaan.
Barnaamijka oo ciddii xiisaynaysa oo aan horey u maqal ka dhagaysan karto bogga gargaarka.com  waxaa sheekhu isku dayey inuu ka iibiyo shacabka sida uu wax u arko.
Su?aalaha ku xeeran arrinta taagan badankood sheekha waa la waydiiyey inkastoo siduu uga jawaabayna  ay dulduleello ku furan yihiin. Ma dhicin  in sida barnaamijyada qaar sameeyaan in la su?aalo- weydiiyaha lagu celiyo inuu ku qancay ama wax uga kordheen jawaabta sheekha taasoo ah mid loo baahan yahay in idaacaduhu barnaamijyada ku darsadaan si loo ogaado ilaa heerka uu qofka martida u ah barnaamijka dadka qancinayo.
Jawaabaha qaar waa siyaasadaysnaayeen sida cidda dagaalka billawday iyo in  AMISOM uun  u socdaan iwm, waxaase jira su?aale kale oo uusan ka jawaabin ama cillad wayni ka muuqato.
1.    Sheekhu wuxuu sheegay in dagaalkoodu ku wajahan yahay nimanka AMISOM ee uusan Soomaaida ama maxaakimata dawladda la safan uusan ku wajahnayn, waxaase wariyaha iyo ka qayb galayaashu ku diideen taa iyagoo la weydiiyey waxa iyado ciidamada AMISOM la yaqaanno goobaha ay joogaan oo 500 tallaabo meelaha qaar isu jiraan ay dagaalka uga wadaan meelo aad uga fog meelaha ciidamadaasi joogaan oo uu Soomaali u dhexeeyo . Jawaabtiisu waxay noqotay in iyagu AMISOM ku wajahnaayeen balse kuwani ka mashquuliyeen oo dagaalka kusoo billaabeen! Waxaa sidoo kale la weydiiyay in dagaallada Buulo barte, Maxaas iyo Wabxo ka socdaa iyadana loogu qiil dayi karo AMISOM taasoo uu si sahlan usheegay in beeluhuba isku diriraan si sahlan maadaama la iskhilaafsan yahayna ay dhici karaan dagaallo.

Halkan waxaa iyana ku jirta in maadaama ay shabaab isbahaysanayaan kuwaasina ay sheegeen inay dagaalkooda dawladda ridadda ah ku wajahan yahay oo baarlamaankeedii hoobiyayaal ku garaaceen , gaalaysiinayaanna sida ay ugu sahlanaatay inuu kuwaa furun dagaal la wadaago ama gaalaysinta uusan kaga qaban karin.

2.    Fikrad kale sheekhu wuxuu ku dooday in safka uu qofka ku jiro iyo niyaddiisa loo eegayo ee aan hadalka iyo koofi diineed la eegayn? Waxaase  isweydiin leh yaa niyadda ka warqaba oo kasoo tarjumaya? Kuwa sheikh Xasan safkiisa ku jira haddii niyadooda tahay adduunyo  qaarkod balse daahirka ay jihaad ka sheegayaan  ma ku eed beelayaan? kanse ku jira safka uu cadawga u arko haddii uu sidaa xal moodo oo daacad ka yahay miyaan  niyaddiisa loo eegayn?
3.    Mar la weydiiyey wax dagaalkooda kii USC ka duwan yahay wuxu sheegay in aysan qabyaalad koodu ku jirin hadaf siyaasadeed oo cadna uu leeyahay waxaase weli wax garad badan in  weydiinayaan maxuu yahay hadafka siyaasadeed ee sh Xasan iyo  shabaab ka dhexayn kara ama cad oo shacabka horey uga qanciyeen oo haatan lagu diidan yahay? Ma ogol yhihiin in shacabka loo daayo inay madaxdooda doortaan mase in is magacawday  oo isla quman oo hubaysan ayaa u go?aan gaaraysa shacabka waa sida ka muuqata kooxaha hubaysane? Haddiise barnaamij iyo hadaf jiray maxay maxkamadihii shabaab iyo isbahaysi ugu kala jabeen? Hadana isbahaysigi Asmara iyo Jabuuti ugu kala jabeen maxaase loo waayay xeerar iyo golayaal kala saara khilaafkooda oo ay ku kala baxaan halkii midba  maalin hubkiisa gaar u jiidanayo oo kuwii kale ee la safnaa kusoo jeesanayo?

4.    Mar la weydiiyey shacabka dagaalka ku baaba?aya wuxuu ku dooday in madaafiicda AMISOM ay tahay balse ay raggiisa haystaan qoryo yar yar. Tani waa jawaab siyaasadaysan oo dhabta ka fog mar haddii la ogyahay in hub badan oo tiknika ah ay haystaan baasuukayaal , hoobiyayaal iyo dhashiikana ay hurgafayeen. Dhagayste ayaa weydiiyey duqayntii baarlamaanka inay ahayd mid xagooda ka timid oo shacab masiikin ah ama 11 qof ku geeriyoodeen mase  AMISOM baa kaana tuurtay wuxuuse uga baxay taana inay wax yar ahaayeen ama la eegayo niyadda AMISOM iyo niyadda kuwa baarlamaanka duqeeyey oo inay kala eryaan rabay, waxaanse la filayn in 11 qof ee dhintay  eheladoodu ku qancayaan waa kama iyo niyaddu adinka ma ahayn!

5.    Mar la weydiiyey daliilka uu hayo in dawlad shareecadii islaamka qaadatay lala dagaallami karo ayuu sheekhu wax lala yaabo kaga jawaabay isagoo yiri C/llaahi Yuusuf waa ka yeeli lahayn, sheikh Shariifse kama yeelanyo! Cilladna wuxuu ka dhigay in C/llaahi nin tallaabo horey usoo qaaday noqon lahaa halka shariif uu yahay nin ka baxay wareeggii uu kuijiray! Waxaan jawaab weli loo hayn waxa shakhsi ama koox xaq u siisay in cidna ka aqbalaan shareecada cidna ka diidaan? Ma ilaahay baa ka aqbalista leh iyo ka sokow shacabka mase koox gaar ah ayaa Eebbe ka wakiil yeeshay ama iska dhigtay oo dagaal sokeeye u ridaysa ra?yigooda ama diidmadooda? C/llaahi oo qabqable ahaa ma laga yeelayaa, Shariif oo wadaad ahna malaga  diidayaa? Haddii Sharif shalay sida uu Xasan u dhigay wareegga ka baxay maku soo laaban karo miyaa? oo asaa leh xaqa uu cidna kaga diido cidna kaga yeelo?!
Dhanka kale wuxuu leeyahay weli waxaa jooga Cabdi qaybdiid iwm oo haddii kuwaa aqbaleen in madaxdii maxkamaduhu hogaamiyeen soona dhaweeyeen shareecada iyagana laga aqbali mayo miyaa? Haddiise uu ku dooday sheekhu mar kale in shareecada haddii la qaato ay tahay inay fuliyaan dad ahalkeeda ah ee aysan ahayn qabqablayaashii la diriray, sow sheikh Shariif, Janaqow iyo ragga la midkaa u ehel maaha, oo asna uma ogola inuu wax ka dabbaqo, oo hay?adda culimadana ay keento qaabkii iyo sidii lagu fulin lahaa. Wuxuu ka hor geeyey warkii R/Wasaaraha ee uu ku yiri inaysan gacan goyn lahayn shareecada waxaase isweydiin leh ma taasaa ku filan inay dagaal u galaan mase waxay si sahlan isaga iyo  culimada iyo raggii maxkamadaha iska kaashan karaan sidii si dhab ah shareecada loogu dhaqmi lahaa?

6.    Mar la weydiiyey dadaallada culimada ee nabadda inay yeelayaan ayuu sheegay in aqbalayaan balse alle mahaddii ay kuwa kale noqdeen waxa dagaalka billaabay! Waxaase halkan jawaab u baahan haddii culimada uu ka yeelo in dawladda aysan ladagaalayn balse uu AMISOM xabadda u qaadanayo, Shabaabna ay culimada ka diidaan inay wax dagaal ah joojiyaan, oo dawaladda weerarayaan oo magaaladu markaasi noqoto meel AMISOM iyo  XIsbiga isku haystaan iyo meel shabaab iyo dawladda ku dirarayaan sida markaasi nabad iyo nasiino ku jiri karto inkastoo ay haatanba sidaa arrintu ahayn oo shabaab iyo xisibiga ay ciidankii dawladda la diririyaan.
7.    Haddii ay jiraan niman ajnabi ah oo ka barbar dagaallamaya ayuu sheekhu ka siibtay isagoo tii qabyaaladda Soomalida la ?aaday balse ka gaabsaday ragga Al qaacida lagu tuhmayo ee xamar lagu arkay iyagoo ka dagaallamaya. Mar la waydiiyey in haddii ay dagaalka sii wadaan ay keeni karto in quwado kale dalka soo galaan ayuu sheegay inaysan taa fikirkooda waxba ka badalayn ee ay sidii ula dagaallami doonaan? Waxa la xasuusiyay in Xabashida hal goob oo laga saaray labadii sano aysan jirin ee markii ay baxaysana ay ka wada baxday halkaasi oo loola jeedo inaysan jirin awood ay hal goob xoog kaga saari kareen, awoodaha shisheeye haddii ay hadda soo laabatana laga yaabo inuu sidi xaalku noqdo?

8.    Sheekhu wuxuu dadka ugu bishaaraynayey in fooshii lagu jiro oo haddii in yar la samro guusha la gaari doono, wuxuuna dhanka kale ka sheegayaa inuusan hayn siyaasad dalka lagu badbaadin karo, nololna loo heli karo oo wuxuu tibaaxay in ilaa iyo New York cadawgu is dabahaysto oo taa macnaheedu yahay ma hayno xirfad aan ku baajin karno faragalin kale oo timaadda oo in la filan karana uu qirayo, mana hayno awood aan eryaay ku oran karno ee waa jabhadayntii oo aan siyaasadna wadan iyo intii gabari naga harayso waa dagaallamaynaa oo uusan shacabka kana ka qayaar gelinaynin.

9.    Nin Maraykan ah oo weydiiyay sababta haatan dhiigga u daadanayo ayuu sheekhu ugu jawaabay inay iyago muddo dheer b52 iyo hub kaloo waaweyn la dhacayeen shacabka Soomaaliyeed, itoobiyana keeneen, maantana ay dantooda yara arkeen ee aysan naxariis ka ahayn, waxaase is weydiin mudan ninka Maraykan uma dhalan dadkaan ee waxa sheikh Xasan  uu ugu eg yahay hadalkiisa adinkana horaad u disheen innagana dagaalka waa wadaynaa inta wadaadada uu isagu ku jiro talada loo ogolaanayo inay la gaar noqdaan, dhibka shacabka soo gaaranaya uusan u muuqan.

10.    Mar la weydiiyey isaga iyo shabaab inay halka ay shariif kala marayaan ka gaar karto ,iyana wuxuu uga leexday sida uu tii ajaanibta uga weecday, oo ku dheeraaday wixi ay shariifka isku qabteen,  waxaase in badan ka cabsi qabtaa in foosha ka dib haddiiba la gaaro ama ka hor ay Xisbiga iyo Alshabaab hadana is qabtaan mar haddii mabaadiida qaar ku kala tagsan yihiin.

11.    Sheekhu wuxuu ifiyey in dagaalka dadka wada galay ay kala ujeedo duwanaayeen halkaasina haatan dhibka ka yimid. Qaar  dareen qabiil baa waday oo haddii C/llaahi ka dul tagay waa qanceen, Qaar dareen wadani ayaa waday oo haddii Itoobiyaan baxay caalamka kale waa la heshiin karaan, wuxuuse u arkay in wadaadada hadafkoodii aan la gaarin sidase muuqata wadaada qudhooda ayaa sii kala duwanaa oo kuwana haddii amxaaro baxdo, taladana wax looga ogolaado waa garawsadeen in TFG ay wax la wadaagaan, caalamkana masaalix wadaag kula noolaadaan, halka kuwa hubka wataana uu halgankoodu laba sii kala yahay; Xisbiga oo raba  in talada wadaadada ad adag loo daayo balse dalkooda ku ekaadaan iyo shabaab oo dunida oo dhan inay xoreeyaan usocda, kuwaasoo iyagana berri kala sii hari doona.

Gabagabo
Sheekha waxaa ka muuqatay hal adayg iyo inuu tiisa ku dhaganaa su?aalaha dadka oo kasoo wada horjeeday dareenkiisana uusan  ka garaaabin. Waxaa kaloo ka muuqatay inuusan haatan wadahadal gali karin, mujaahidiinta kuwa uu yaqaanno haatanna uusan wax u qaadi karin, maadaama aysan midaysnayn aysanna jirin hogaan ka dhex muuqda oo si aad ah ugu kalsoon yihiin ama uga danbeeyaan oo wax usoo qaadi  kara, waxa kaliya ee lagusii wada socon karana ay tahay  dagaalka lagula jiro dawladda oo uun lagu sii midaysnaado oo haddii wadahadal oo ogolaado waxaa ay noqnaysaa in shabaabka ay markaa kala haraan.
Ma muuqan mustaqbalka inuu wax jawaab ah u hayo sida caalamka uu cadawga u arko loola tacaamuli karo aan ka ahayn in dabka lagu sii socdo oo aan laga leexan. Ma hayo dammaanad sidii Soomaliya  ay caalamka ammaan uga heli lahayd, iyana ammaan looga heli lahaa mar haddii Alshabaab oo caddaysanaya in  dunida kale oo idil duullaan ku yihiin uu isbahaysi maanta sheekha kala dhexeeyo.
Waxaa kaloo muuqata inaysan wadaadadu markii horeba shacabka bareerahooda hor dhigin, Nabiga scw waa u caddeyn jiray qabaailka dabeecadda farriintiisa, hadana Ansaar wuxuu kual heshiiyey inay difaacaan uun balse aysan cid kale u weerarin. Sidoo kale markii la isku soo bahaystay wuxuu u ogolaaday inay qabaailka qaar la tacaamulaan  si ay culayska iskaga fududeeyaan. Halkan wadaadada beelaha kuma dagaal galin billawgii horeba inay la doonaan sidii wadaadadu dalka u xukumi lahaayeen, waxayse u sheegeen markii hore in maxkamado beelaha leeyihiin ay ciidan iyo garsoor u noqonayaan, ka dibna waxaa loo sheegay in itoobiya laga dul xoraynayo oo kasoo qayb  qaataan dagaalka  iyo in shareecada loo baahan yahay. Markii la helay in Itoobiya baxday, shareecadiina la ogolaaday oo odayada dhaqanku sidaa dalbadeen, gudoomiyihii maxkamadaha iyo labadiisii kuxigeenna ay dawladdii garwadeen ka noqdeen ayaa haatan lala soo baxay in cidda shareecada sida saxda u dabaqi karta aysan wadaad oo idil ahayn ee ay tahay wadaado si gaar ah uso dhididay, si xaqdarra ahna liiska argagixisada  loogu daray ilaa kuwaas talada la wareegayaanna uusan halgankii dhammaan!

Adduunka waxaa kala soocan saraakiisha dagaalka hogaamisa oo dabeecad iyo luqad gaar ah leh iyo siyaasiyiinta ay amarka ka qaataan oo ka dabacsan kana hadal macaan. Sheekha waxaa ka muuqatay  dabeecad hogaamiye jabhadeed ama ciidan, mana lahayn dabeecadda lagu yiqiin siyaasiyinta iyo tixgelinta dareenka shacabka.
Hay?adda Culimada oo dalbatay aqbashayna shareecada la qaatay oo sheegtay in dawladdu tahay mid muslim ah oo aysan bannaayn in lala dagaalo ayaa xujo ku ah mucaaradka aysan meelna kamari  karin. Culimada waxay sharci ahaan codsadeen in aan AMISOM haatan lala dagaalin, wadahadalna la iskugu yimaado, shareecada dawladdu qaadatayna lala meel mariyo, waxaase mucaaradka ka muuqda inaysan dagaalka AMISOM joojinayn, qaarkood wadahadal ogolayn, madaxda dawladdana u arkaan gaalo ay tahay in lala dagaalo. Waxaa markaa shacabka isweydiinayaa una jeedaan in diinta tafsiirkeeda iyo waxa diin ahaan quman laga qaadanayo sida ay qabto culimada badankeed ee aan la raacayn laba sheikh ama seddex jabhadaynaysa oo lagu tuhmmi karo inaan damac siyaasadeed ka marnay iyo anaa mudan oo usoo kaadi cabay, taasoo aan diiin shaqo ku lahayn balse loollan awoodeed ah.
Ugu danbayn haddii badanka ahdaaftii kala duwanayn ee inta dagaalka isla soo wada gashay lahayd la  gaaray waxaa in badan qabtaa in markaa inta dagaalka haatan ku jirtaa ay tahay laba koox oo markan ahdaaf u gaar ahayd u dagaallamaysa, shacabka, odayada dhaqanka iyo culimadana aysan haatan dagaalka la rabo  aqbalsanayn, wixii yaa mudan iyo maxaa mudan ahna wadahal lagu dhammay karo, waxaanse la aqbali karin ama 100% wixii la wada rabay ama 0% baan ka xignaa iyo sidoo kale in la ogolaado dagaalyahannada Alqaacida inay Soomalia ka dhigtaan furun dagaal iyo in  Soomali qasab lagu galiyo dagaal caalami ah oo  aan xuduud lahayn oo ilaa caalamka laga xoreeyo ay Soomali dagaal kujiri doonto iyadoo dhanka kalena ay dadkii macluul la tiicayaan oo gacanta inay kujihaadaan la rabo mooyaane tan kale ay  caalamka lagu qasbayo la jihaada ay macaawino kaga qaadanayaan!

Abdulkadir Abdi
[email protected]

wixii farriin ah fadlan noogusoo hagaaji [email protected]

Comments

comments

Category : Maqaallo / Articles, Wararka Maanta.
« »

Comment: