Wararka [Soomaali]

Sanbaloolshe oo beesha caalamka dhaleeceeyay

Agaasimaha Hay’adda Nabad sugidda Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Sanbaloolshe ayaa ku dhalleeceeyey beesha caalamka, gaar ahaan waddamada US, UK iyo Qaramada Midoobay inay ka gaabiyeen inay hay’adaha amniga Soomaaliya ku caawiyaan khibrad iyo qalab farsamo si ay uga hortagaan weerarada Al-Shabab.

Sanabaloolshe ayaa sheegay in dawladda Soomaaliya ay soo dhowaynayso garab istaaga beesha caalamka, gaar ahaan kadib weerarkii dhowaan ka dhacay Muqdisho, balse haddana dagaalka Al-Shabab uu u baahan yahay wax ka badan dhalleecayn iyo cambaarayn.

Agaasimaha hay’adda nabadsugidda waxa uu ku sheegay qoraalkiisa jariiradda New York Times in Soomaaliya ay u baahan tahay kaalmo dhinaca khibaradda iyo qalabka iskugu jirta, iyo weliba qaab cusub oo uu yeesho iskaashiga ay leeyihiin hay’adaha amniga Soomaaliya iyo kuwa caalamka.

Sanbaloolse waxa uu muujiyey in hay’adda nabadsugidda ay caqabado ka haystaan dhinaca ka hortagga weerarrada Al-Shabab ee qaraxyada, isagoo sheegay in Al-Shabab ay si weyn u kordhiyeen isticmaalka qaraxyada iyo weliba culayska ay leeyihiin oo uu sheegay inuu ku bilowday ilaa 100 kiilo haatanna uu gaadhayo ilaa 1000 kiilo.

Waxa uu sheegay Sanbaloolshe in hay’adaha caalamka ee leh khibradda inay ka gaabiyeen inay iskaashi dhinaca wadaagista xogta ah ay siiyaan hay’adda nabadsugidda. Waxa uu sheegay in khubarada waddamada qaarkood ay yimaadaan Soomaaliya kadibna baadhitaan ay ku sameeyaan qaraxyada, balse natiijada qaraxada aysan dib ugu soo celin hay’adaha Soomaaliya.

Haddaba qodobada uu ku sheegay agaasimaha nabadsugidda ma ku sax yahay? Matt Bryden waa khabiir ka faallooda arirmaha amniga iyo istiraatijiyada gobolka Geeska Afrika, waxaana u shalay ka soo laabtay magaalada Muqdisho. Waxa uu sheegay in hadalllada agaasimaha ay wax ka jiraan.

Matt Bryden waxa uu yidhi: “Waxaan ka fahmay farriinta agaasimaha marka la eego qaraxyada waxay dawladdu codsanaysay kaalmo khaas ah oo ay kaga hortagto weerarrada waaweyn mana aysan helin. Waxay isku dayeen haydaha amniga ee Soomaalidu inay yareeyaan halista balse ma helin kaalmo ku aaddan sidii ay u joojin lahaayeen qaraxyada oo ay ka yimaadaan geerida iyo dhaawaca ka dhasha weerarada Al-Shabab badankood”.

Matt Bryden oo ah agaasimaha hay’adda Sahan Research waxa uu sheegay in qiimaynta ay hay’addiisu samaysay ay ku ogaatay in laamaha amniga Soomaalidu heleen qalab loo adeegsado sidii loo furfuri lahaa qaraxyada, balse aysan haysan shaybaarkii baadhista iyo qiimaynta khibradeed ee kasoo baxda baadhitaanka.

Click to comment

You must be logged in to post a comment Login

Leave a Reply

To Top