Safiirka Somalia Oo Ka Qaybagalay Dabaal Dega Maalinta Geesiyiinta Kenya (Daawo Sawirada).
Bartamaha (Nairobi):- Safiirka Somalia ee Dalka Kenya Mohamed Ali Nur(Ameriko), Ayaa ka Qaybgalay Xuska Maalinta Geesiyiinta Kenya, ee la soo Dagaalamay Gumaystihii Ingiriiska, kaas oo ay Kenya ka qaadatay Xornimadeeda 1963-dii.
Ambassador Mohamed Ali Nur(Ameriko) Ayaa wuxuu ka qayb galay Bandhigii ka dhacay Nyanyo Studium ee Magaalada Nairobi, Iyo sidoo kale Qada Sharaftii uu Madaxweynaha Kenya U Sameeyey Safiirada Caalamka Ee ku Sugan Dalka Kenya.
Markii ay Dhammaatay Xafladda Maamuuska Maalinta Geesiyada, waxaa uu Safiirka Soomaaliya Ee Dalka Kenya Ambassador Mohamed Ali Nur(Ameriko), La yeeshay Kulan Madaxweynaha Kenya, Kaas oo Uu Ugu Hambalyeeyey Maalinta Geesiyiinta Ee Dalkiisa, iyadoo Sidoo Kale Madaxweynaha kenya uu Xusay In Uu Rajaynayo In uu ka Qayb Galo Somalia Oo Dhiganaysa Xus Caynkan Oo Kale Ah.
Safiirka Somalia Amb. Mohamed Ali Nur ayaa Ku ammaanay Kenya Kaalinteeda ku aadan taageerada Somalia, waxa uuna Xusay In kenya ay Tahay Dalka Kaliya ee Haya Qaxoonti Soomaaliyeed oo tiro ahaan gaadhaya kan adduunka Ugu Badan, illaa imminkana Garab Taagan Dadkaas Somaliyeed Ee Tabaalaysa.
Dabaal Degan Ayaa waxaa la qabtaa sannad kasta Maalintan Oo Kale iyadoo ay Kenya Xusto Boqolaal geesi oo ay ku weyday Xilligii ay Gumaysiga Ku jirta Kuwaasi oo la weriyo in uu Gadhwadeen ka Ahaa Madaxweynihii Ugu Horreeyey Ee kenya Jommo Kenyatta, iyo Kooxdii Loo Yaqaanay Mou Mou ee ka Dagaalami Jirtay Dalka.
Daawo Sawirada:-
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.
Comments
comments