Calendar

Qaar ka mida Ciyaar yahanadii hore oo Casha sharaf loo sameeyay (Daawo Sawirada).

Bartamaha (London):-Martiqaad si weyn looga soo shaqeeyay ayaa loogu qabtey waqooyiga Magaalada London ciyaaryahano hore oo dalka Soomaaliya barismaadkii magac iyo taariikhba ku lahaa oo booqasho ku soo gaarey magaalada London maalmihii la soo dhaafey, waxayna kale ahaayeen:

Mudane Bashiir Jeenyo oo ka mid ahaan jirey 70-naadkii ciyaartooydii kooxda  kubadda cagta Jeenyo (LLPP ) ee Wasaarada Howlaha Guud iyo Guriyeynta iyo Xulka Qaranka dalka Soomaaliya, islamarkaana ka mid ahaa weerarada  kooxda Jeenyo ku dhaarato.

Mudane Maxamed Muuse ‘’Jabroos’’ Kabtankii kooxda Gobalka Jubbada Hoose ee Kismaayo islamarkaana lagu xusuusto inuu ahaa daafac adag oo taariikh dheer ku leh tartankii xiisaha badnaa ee cayaaraha Gobalada dalka Soomaaliya.

Xafladadan waxaa soo agaasimay Gudoomiyaha Ururka Nabadeynta Qurbajoogta Isboortiga Soomaaliyeed ee North London mudane Xaaji Ciise ‘’Dhumaaye’’  iyo  dhalinyaro isboorti ah oo degan Waqooyiga magaalada London .

Ugu horeyntiina waxaa  halkaasi ka hadley Gudoomiye  Cabdulaahi Maxamed Cali ‘’Dhumaaye’’ oo sheegay inay farxad u tahey inay caawa ku marti qaadaan laacibiintaan hore Waqooyiga magaalada London, islamarkaana sheegay inay sharaf u tahey urur ahaan iyo isboortis ahaanba kulankaan qiimaha badan, kadibna waxaa hadalka qaatey mudane Maxamed Ciise ‘’Digeeye’’ oo run ahaantii ah nin isboortiga Soomaaliya si weyn taariikh ahaan uga war hayo kana mid ah (GOS)Gudiga Odayaasha  Soomaaliyeed ee degan magaalada London, mudane Digeeya ayaa ka sheekeeyay qiimaha uu leeyahay is aragan oo kale .

Waxaa iyana meesha ka hadley  Mudanayaasha kale ah : Abukar Cabdi ‘’Birinjibo’’, Xaaji Ereg (Xaaji Jeenyo), Maxamed Khaliif(Afhayeenka Somaliweek London),Abdi Axmed, Bashiir  Cali Cadow, Abdulahi Ali ‘’Aliyoow’’, Yasin Maxamed ‘’Jeey’’.

Kadibna waxaa meesha ka hadley martida casho sharafta loo sameeyay sida Bashiir Jeenyo iyo Maxamed Muuse , kuwaasoo ka mahadceliyay sida qiimaha badan ee caawa isboortis ahaan loogu soo dhaweeyay magaalada London waqooyigeeda, waxayna sheegeen inay iyana jecel yihiin in lagu soo booqdo magaalada Stockholm caasimada dalka Sweden oo sanadkaan ku qabanayaan cayaaraha kooxaha Kubadda Koleyga Qurbajoogta., waxay si gaar ah codsi ugu jeediyeen inay kale soo qayb galaan cayaarahaas Mudane Digeeye iyo  Yusuf  (SSPAMEDIA).

Waxaa xusid mudan in labada ciyaaryahan inay weli ka shaqeeyaan  dhaqdhaqaaqa isboortiga Qurbajoogta , mudane Bashiir Jeenyo waa Gudoomiyaha ururka Qurbajoogta garabka dalka Jabuuti  ciyaaraha uga qayb gala ( as Diaspora ), halka Mudane Maxamed Muse uu xubin ka yahay GOS.

Xafladiina waxay ku soo dhamaatey farxad islamarkaana waxaa la isaga qaaday sawiro xusuusa.

W/D: Yusuf Yusuf

[email protected]

London

Daawo Sawirada:-

PICT0936

PICT0935

PICT0929

PICT0927

PICT0955

PICT0956

PICT0953

Comments

comments

Category : Sports, The Story, UK & Europe, Wararka Maanta.
« »

Comment: