read more »">
Calendar

magaalada muqdisho oo maanta lagu xusay maalinta xoriyada saxaafada aduunka

hay’ada caalamiga ah ee  Relief International ayaa maanta sheegtey inay dooneyso inay tayada saxafiyiinta soomaaliyeed kor u qaado hay’ada oo  sheegtey inay la kaashan doonto jaamacadaha muqdisho university iyo nairobi university

dhinaca kale Bashiir Maxamed oo hay’addaasi u qaabilsan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya oo ka hadlay munaasabad loo qabtay xuska maalinta xorriyadda Saxaafadda Adduunka oo lagu qabtay Muqdisho ayaa cadeeyey in ay tababarro doonaan 140 weriye oo qaarkood loo tababarayo in ay noqdaan tababareyaal saxaafadeed.

 

Xuska loo sameynayay maalinta xorriyadda saxaafadda ee 3-da May ayaa sidoo kale waxaa ka hadlay ku xigeenka wasiirka warfaafinta ee xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Rooble, isaga oo ku ammaanay weriyeyaasha Soomaalida sida ay ugu dhabar adeygeen shaqada ay shacabka u hayaan.

Wasiir ku xigeenku wasaarada warfaahinta ataa dhinaca kale waxa uu sheegay in wasaaradda warfaafintu ay qorsheyneyso in ay dib u howl galiso machadkii tababarka warfidiyeennada, isla markaana wasaaraddu ay soo dhoweynayso cid walba oo sare u qaadeysa aqoonta xirfadleyaasha warbaahinta.

sido kale wariyayaasha somaliyeed ayuu uga hambalyeyey xuska malinta xuriyada saxaafada aduunka oo manta ku beegnayd oo munaasabad lagu xusayo lagu qabtey magaalada muqdisho ,

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: