Maxkamada Boosaaso oo dadkii ugu badnaa Xukuntay.
Bartamaha (Boosaaso):- Maxkamada Darajada 1-aad Ee Dowlada Goboleedka Puntland ayaa xukun ku riday dadkii ugu badna aoo mar qura Maxkamad la soo saaro.
Maxkamada Magaalada Boosaaso ayaa maanta la soo taagay in ka badan 52-ruux oo dhamaan Eedeysanayaal ahaa kuwaasi oo lagu wada helay Isticmaalka ama ka ganacsiga Maandooriyayaasha kala duwan.
Maxkamada ayaa maanta ahayd maalintii ugu mashquulka badnayd waxaana xukun uu ku dhacay dad badan oo ka mid ahaa 52-ruux ee lagu soo qabtay Isticmaalka ama ka ganacsiga Maandooriyayaasha laga mamnuucay Puntland.
Qaadiga Maxkamada Darajada 1-aad Ee Puntland ayaa goobta ka fasaxay 23-ruux oo lagu waayay dinbiga ah ka ganacsiga Maandooriyaha waxaana qaar ka mida oo isticmaalka lagu ogaaday la faray in ay ka joogaan falkaasi.
Maxkamada ayaa waxa ay Dimbi culus ku heshay 7-Ruux oo la ogaaday in ay ka ganacsanayeen oo ay isticmaali jireen Khamriga waxaana kuwaasi lagu xukumay 500-$ Maraykanka ah in ay bixiyaan waxaana lagu xukumay xarig dhan 6-Bilood.
Sidoo kale waxaa Maxkamada ay xukuntay 13-ruux oo dhammaan lagu helay isticmaalka Mandooriyayaasha culus sida Khamriga waxaana lagu xukumay 3-Bil oo Xarig ah iyo bixinta lacag dhan 300-$.
Xukunka maanta ay maxkamada riday ayaa ahaa midkii ugu waqtiga dheeraa mudada maxkamada socanaysa waxaana dhammaan dadkii loo haystay Maandooriyaha maanta ku dhacay xukuno kala duwan taasi oo fariin u noqotay dad aanay ciidanka amaanka soo qaban balse istcimaala Maandooriyayaasha.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.
Comments
comments