Maxaa Ninkan Dalxiiska u tagay Soomaaliya Baasuukaha iyo AK-47 loogu dhiibay?!!(DAAWO)
[slidepress gallery='anshaxlaawe']
Bartamaha—-Ninkan waa Mike Spencer Bown waa nin Canadian ah isaga oo Dalxiis oo kaliya u socda ayuu ka dagay garoonka Muqdisho.
Ninkan markii uu la xiriiray qolyaha Immigration waxa uu u sheegay in uu dalxiise yahay balse waxaa ay durbaba yiraahdeen ninkan Kanada u dhashay waa waalanyahay ama waa jaajuus. Intaasi kuma ekaan ee waxa uu u soo dhaadhacay gudaha Muqdisho, Dad dowlada ka tirsan ayaa dhaqaale ku qaatay sidii ammaankiisa loo daryeeli lahaa magaaladana loo soo marsiin lahaa.
Balse Su’aasha qof walba oo caqli leh is weydiinaya ayaa ah :-
Sababtee ayaa ninkan Dowladu Qoriga ugu dhiibtay?
Qoriga sharci malahan miyaa? Aaway dowladii ilaalin lahayd Sharciga qoriga?
Qaabkee ayaa loo fasiran karaa marka uu qoslayo isagoo qori AK-47 ah haysto?, Adduunkuse muxuu is oranayaa markay arkaan nin Dalxiis ah oo daqiiqado gudaheed qoryo loogu dhiibay.
Aaway Sharafta Ciidanka hareertiisa ka muuqda ee fadhiya dhulka sida dad rashin sugaya?
Muxuu Caalamka u gudbin karaa ninkan markaad u eegto sida fudud ee Qoriga deegta loogu suray?
Dhibaatada taagan iyo sharaf dhaca haysta Ciidankii Soomaaliyeed, Dowladii Soomaaliyeed iyo Shacabkii magaca Soomaali lahaa ayaa ah in nin Dalxiise ahaa qori loo dhiibay. Ninkan ma waxa ay ahayd in la geeyo Xeebaha, dhulka dooga iyo quruxda badan Ee Soomaaliya mise waxaa sax moodnay in Baasuuke iyo AK-47 loo dhiibo dalxiise.
Bartamuhu maahan dowladda Soomaaliya laakiin haddii hal mar aan iska dhigno Dowladdii meesha Mike kusoo dhoweysay waxaan samayn lahayn:- Markaan Visaha lacagtiisa ka qaadno oo suaalo badan weydiino ayaan oran lahayn kusoo dhowoow Soomaaliya wadanka Afrika ugu xeebta dheer oo meeshaad tagto aadan ka weynayn Caano, Kalluun, Khudaar iyo dad soo dhoweynta ku fiican. Maalinta Isniinta ah waxaan ku geynaynaa Xeebta oo adigoo dhacdiid u jiifa aan sawiro qurxo badan kaasoo qaadaynaa, waxaad banooni la ciyaari kartaa dhallinta xeebta joogta oo si furan kuusoo dhoweyn doonta, Hoteelo fiican ayaa ku yaal Xamar ee keebaad jeceshahay Mike inaad tagto. (Waa haddii ay Somaliya nabad tahay).
Laakiin arrintan waxay ahayd in ninkan ajnabiga ah intii qoriga lasiin lahaa aan si kale uga faaiidaysano. Tusaale ahaan inaan kasoo qaadno sawiro isagoo meelo qurux badan oo Xamar ah jooga, waayo inaan dunida tusno ayaa laynaka rabaa in Soomaaliya aysan ahayn meel bazooka iyo AK47 lagu xaragoodo.
Waa inaan joojinaa qaabdarada iyo bahdilka aan ku wadno dalkeena, quruxda iyo wanaaga Soomaaliya intay doonto maanta ha noqotee waa inaan ka hormarinaa dagaalka iyo afduubka.
Mike Brown-na waxaan oranaynaa… HAA waxaad tahay Dalxiisihii ugu horeeyay laakiin ma ogtahay inaad tahay Anshaxlaawe meel weyn uga dhacay Qaranka Soomaaliya, Sawiradaan aad soo galisay Internet-kana dadkeedii ayaan ku helin markaad iska soo qaadaysay, oo waxaa haboonayd in camerada yarta ah lagaa jajabiyo oo diyaarad degdeg laguugu soo celiyo meeshaad ka timid.
Waxaa Diyaariyay: Bartamaha
www.BARTAMAHA.COM
Comments
comments