Calendar

Marwo Xaawo Taako oo dalka Soomaaliya u mataleysa Shirka FIBA 1st WOMEN’S BASKETBAL CONFERENCE 2010.

xawaBartamaha (Lodon):- Waxaa si rasmi ah ugu furmi doonaa  maalinimada Sabtida iyo Axada fooda nagu soo haysa,taariikhduna tahey 2/3 Oktobar 2010 magaalada Karlovy Vary  ee dalka Czech Republic  Shirka FIBA 1st Women’s Basketbal CONFERENCE.

Dalka Soomaaliya waxaa uga qayb galaya Marwo Taako oo ka mid ahaan jirtey barisamaadkii ciyaartooydii Kubadda koleyga  kooxda Jeenyo (LLPP)  ee Wasaarada Howlaha guud iyo Guriyeynta  iyo xulkii Qaranka, islamarkaana shirka u mataleysa  Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Koleyga (XSKK).

Shirkaan waxaa ka soo qayb galaya xiriirada kubadda koleyga  Caalamka oo dhan dad matalaya oo lagu martiqaadey islamarkaana waxaa dalka Czech Republic ka socda tartanka  FIBA WORLD CHAMPIONSHIP  WOMEN 2010, tartankaas oo biloowdey 23 Sept socona doono ilaa 3 Oktobar, iyadoo ay ka qayb galayaan sanadkaan 16 kooxood, ciyaarta finalka waxaa lagu wadaa in lagu dheelo  magaalada OSTRAVA.

Marwo Xaawo Taako oo aan qadka telefoonka ku wada hadalney iyadoo ku socoto magaalada Karlovy Vary ayaa isheegtey inay aad ugu faraxsan tahay inay ka qayb gasho shirkaan caalamiga ah islamarkaana qiimo weyn ugu fadhido inay calanka dalka Soomaaliya gaysto meel ay ku kulamayaan Haweenka Isboortiga Aduunka.

Wixii ka soo baxa shirka iyo ka qayb galka ciyaaryahanada Soomaaliyeed shirka ugu horeeyay ee loo qabto Haweenka Kubadda Koleyga Aduunka qormadayda dambe ayaan idin kugu soo gudbin doonaa hadii Allah idmo

 

W/D: Yusuf Yusuf

London

Comments

comments

Category : Featured, Sports, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: