MAQAAL: Afkii baa Juuqda gabay! Axmed Ismaaciil Maxamuud,”Axmed deeq”
Cirku mayay buu la madaw yahay,
Magaal midab buu la madaw yahay,
Masku malag buu la madaw yahay,
Anna murugiyo maxay mudan baan,
La madoobahay.(*)
Cirka waxa ku gedaannaa daruuro colaadeed, dhulkana waxa ku gedfanaa duruufo nololeed. Waayuhu waa sumaysnaa, siyaasadduna waa silloonayd; gabbal baa u sii dumayay dawlad ku sheegtii jirtay. Galawguna cida ma kala goynayn. Salow colaadeed baa sidaa geyiga ugu baahayay. Dadku iyaga oo walaalo ah, haddana waa isku ciil qabey, oo naxli iyo xumaan in xuni beertay baa bislaatay, oo baalal goroyo yeelatay. Dugaaggu wuxuu u hamuun qabey hilbaha darayga ah ee dadka. wax walba meel xun baa laga eegayay, wax walbana si silloon baa loo fiirinayay. Nafo badan baa caleentoodu caddaatay, kuwa kale oo ayaan daranna iniintoodaa biqishay!! Anigu kuwaa danbe ayaan ka mid ahaa.
Waxaan ifka imid aniga oo ooyaya, ma aqaanno oohintaydu inay odorasaysay aayaha noloshayda iyo inay baroor diiq u ahayd baradii diiranayd ee aan ka imid. Aniga oo aan oohin dhamaysan baa balaayadu hig tidhi. Deryanka hoobiyaha iyo duryanka rasaasta waxaan u haystay damaashaad loogu dabaal degayo dhalashadayda. Waa danbesa waxaan ogaadey inay birta iska aslayeen walaalo wada dhashay.
Shacabka ee laga qixiyay guryahoodii
Waxaan garaadsaday iyada oo colaaddii aan la dhashay weli geyiga ka hullaaqan tahay. Holoca baaruuda iyo halasaha dagaalku waxay halakeeyeen badi ehelkaygii iyo asxaabtaydii, waxaanay hagardaameeyeen habsami u socodka koriinkayga, iyo hannaan fikirka maskaxdayda. Dhiggayga waddamada kale haddii ay waxbarasho aasaasi ah sed u heleen; aniga waxa sahay la iiga dhigay sunta baaruudda iyo siifadda rasaasta. Waxa sidaa wax yeelay dad kuwii iigu xigay. Itaal iyo awood waannu kala jarmaadnay. Ma nooli, mana dhiman; ma fayoobi, mana miyir qabo; ma hurdo, mana soo jeedo. Arrintaydu, xaaladahaas bay u dhaxaysaa. Waxaan noqday qalfoof. Dhafoor godnaantayda iyo dhabanno hayskayga waxaad I mooddaa duq gaboobay oo gabanno haysta. Daranyada nololeed ee aan qabo lama soo koobi karo. Waxaan garan la’ahay waxa iigu wacan.
Maalin socod la iskuma aamino, habeenna waa laga caagay. Qofba halkii gabalku ugu dhaco ayuu bariistaa. Caawase waxa iga go’an inaan guuro bahalleeyo. Waa gudcur dama, magaaladana waxaad mooddaa in qarni ka hor laga haajiray. Iyada oo xaal sidaa yahay, haddana sanqadh tirasho awgeed waxaan ku socdaa faraha.
Aafooyinka Dagaalada Muqdisho
Meel walba meydka dad qudh baxay baan ku dul turun turoonayaa; halkan gaari baa taal, halkeer geesi baa wadhan. Waxaan jawaab u la’ahay weydiinta welbahaarka leh ee ay maydku igu holqinayaan: Maxaa nalagu dilay? Soomaali miyaannaan ahayn? Muslim miyaannaan ahayn? Nolol miyaannaan xaq u lahayn? Jawaabtu iyada oo iska cad, haddana afkayga waa ka soo bixi la’dahay, inaan ku dhawaaqona hadalkeedaba daa! Illin uurka ka soo go’aysa oo xinjiro u eg ayaa aniga oo is moog iga gobo’laynaysa. Waan dubaaxinayaa; jidhku way damqanayaa; maanku way ducanayaa; cagtu way dalooshaa, uurku way huraayaa. Dhagar qabe sidaan ahay baan dhaqaaq joogsanayaa. Qulqulka dhiigga waxaad mooddaa togag biyo ah. Waxaan kala garan la’ahay inaan ku suganahay sariibad xoolaad iyo mid dadeed. Waxa igu hareeraysan habar dugaag (mooryaan), waxaanay u wada haliilayaan hilbahayga, waxayse moog yihiin in lafta iyo diirku isku kay dhagay, oo aanan dhiig iyo dheecaan toona lahayn.
Inta nooli, inta dhimatay ma nolol dhaanto. Gabannada ciyaalka ah, guudlayda dumarka ah iyo gadh caddaaga odayga ahiba waxay u hiqlaynayaan sidii naag la yidhi huray dalaaqdaa. Maalintii Alle keenaba intaasoo carruura baa agoomawda, intaasoo kalena waa rajawdaa. Haweenka dharkoodu waa asay, hablaha guurkoodu waa kufsi, wax garadka abaalkiisu waa dil, ubadka nac nacoodu waa xabbad, bulshada hadalkeeduna waa reer hebel.
Markii ay dhergeen waxa igu dibira dhacsanaya oo dushayda ku hardamaya laba nacas oo ila dhashay, laba doqon oo ila muuq ah, laba dawdar oo aan dan iyo heello ka lahayn duruufahayga qallafsan. Mid waliba ubadkiisii iyo ooryihiisii wuxuu gaystay dibadaha, waxaanu ku masruuftaa dhiigga masaakiinta iyo dheecaanka makasta. Maalinta aanay xabbadi dhicin, ajalna aanay go’ini waxay u tahay maalin madaw. Maalintase xusuuq dhaco waa u damaashaad.
Warbaahinta ayaa u kala baratanta maqalka codkooda, iyaguna waa sida ay rabaan. Waxay ku tuur tuuraan weydiimo macno daran, iyaguna si ka sii macno liidata ayay ugu jawaabaan. Marka ay ka hadlayaan xaaladda Soomaaliya waxaad mooddaa in ay dalal kale ka sheekaynayaan, ama ummado kale wax u sheegayaan. Waa ma xishoodayaal hadh iyo habeen u hanqal taagaya hoo aan sii ridnayn oo reer galbeed ugu baaqayo ama carabtu ugu yaboohayso. Laguma oga dhibic dhiiga oo Soomaalinimo ama bani’ aadanimo ah. Waa haybad laawayaal ay ugu dhan tahay safarada ay ku tax taxaashayaan dibadaha ama bambooyinka ay ku qarxinayaan makasta.
Dadku waxay moog yihiin inaanay iska soo horjeedin ee ay dhan wax u wada wadaan, oo ay wada rabaan in ay dalka iyo dadkaba is hanbo raaciyaan. Mid walba waxa ku hareeraysan in la dhalatay oo dhegta wax ugu qabata, dhulkana u xaadha. Bulshadu kama duwana xoolo, haddii aanay kaba qiima yarayn. Mar waa la garaacaa, marna waa la qixiyaa; mararna waaba la gawracaa!! Waxay ka dhigan tahay hal laba midigoodle garaacay oo dhanna aanu u fayoobayn. Dhawaaqa taaha iyo ciilku ku saynsaaban yahay ee uurkooda ka soo gurmaya cid aan caadilka ahayni ma maqlayso. Haddii ay maqlaysana uma digigixoonayso, umana diirnaxayso.
Aafada Muqdisho ka taagan maanta
Sadexda cadaw ee dadka caddiba (gaajada, xanuunka iyo jahliga) annaga waxa noo raaca cadaw afraad oo ah madax ku sheeggayaga. Adduunyada waannu ku yasannahay oo waxa la noogu soo hal qabsadaa inta xun, waxaana naloo soo diraa inta xun (sunta badaha), waxaa naloo dooraa inta dadka u liidata (wax magaratada). Aakhiro wax aannu la tagno garan maynno. Alle faqri nagama dhigin, haddana inta xabbadu layso in le’egi waxay u le’ataa gaajo, in ka sii badanina waxay u go’daa cudurro. in kale oo badan waxa quuta yayda iyo yaxaaska, inta soo hadhayna waxay ku nooshahay gacmo hoorsi. Qarnigoo koob iyo labaatana ayaannu qaran is weydiinaynaa !! Waxaan ka baqe qabaa inaan ka hor dhinto dhalashada dawlad Soomaaliyeed oo xor ah. Allahayaw adaa waynoo waaxidee Muqdisho caqliga u soo celi.
Xamareeeey !!! Xajkii geeska bariyeey, maxaad uga gilgilan la’dahay gabbood fallada joogtada ah ee lagu hayo bulshadaada? Maxaad uga guban la’dahay caqli gaabka maalin walba dushaada ku waxyeelaynaya dadkaagii? Maxaad u qarinaysaa qawlaysatada qoriga ku dhacaysa masaakiinta? Ha iga jeedsanne ii jawaab, ii jidh dabac.
Intuu xaal sidan yahay; intay beentu qoslayso, runtuna ay rafanayso; intay dawlad la’aanta, dadkaygii dalka joogay; daranyo ay ku qabaan; dibitaatiga naaxay, diirkoodii gadanaayo; diinta kii isku nisbeeyayna, dadka uu qalqalaayo; doqonkaan wax hubsan, qabyaaladdaa daldalaayo; kuwii aadey dibaadkuna, dalandool iyo ciil, iyo dawarsi ay ku jiraan, bal maxaa ila gudboon? Bal maxaa iga oohin? Waxaan la ooyayaa, ilmadu iiga qubanaysaa, ikhtiyaar nin isku diidoo, is addoonsadaan ahayey**.
Waxa ila gudboon inaanan quusan, qancin ee aan ilmada iska tiro, wixii aan shacabkayga tari karana u qabto. Allaha aan baahan ee had iyo goor aan laga maarmin waxaan ka tuugayaa inuu curaddo khayr leh noo kiciyo.
Axmed Ismaaciil Maxamuud “Axmed Deeq”
E-Mail: [email protected]
* Hees ka mid ah hees hawleedyada Soomaalida.
** Heestu waxay sax ku tahay: Ikhtiyaar nin loo diidoo, la addoonsadaan ahaye.
Comments
comments