Calendar

Manchester City oo qaadatay ciyaartooy Soomaali ah.

man-city-300x199Xulasha lagu xulanayey da’yarta soomaaliyeed ayaa qayb-teedii koowaad ee sanadka 2011 ka bilaawday waqooyiga dalka Britain, xulashadan oo lagu qabto 2jeer sanad walaba  magaalada Manchester si loo helo da yar soomaaliyeed oo mustaqbal fiican ku yeesha ciyaaraha kubadda cagta ayaa waxaa si habsami ah u qaban qaabiya naadiga weyn ee  Whitworth Park Sports Club ee marka lasoo gaabiyo  loo yaqaano WPSC.

hadaba sanadkan  qaytiisa hore ayaa da’yarta ku hanka weyneeyd in laqaato tiradoodu kor u dhaaftay150 dhalinyaro oo ka kale yimid dalkan Britain dacaladiisa.

Qaabka macalimiintu ay u xuleen cayaartooyda waxay ahayd qaab aad u qurux badan oo ay aad uga soo wada shaqeeyeen Ururka  weyn ee WPSC iyo Manchester City fc, qaabkan oo ka duwanaa habab kii hore ee loo xuli jiray da’yarta soomaaliyeed ayaa ku soo dhamaaday in 7 wiil oo ay 5 ka mid ahi yihiin soomaali laqaato. Todobadan will oo kala ah:

1.    Hakiim samata (10 jir)

2.    Mohamed Jaylani (10 jir)

3.    Harun Jarma (12 jir)

4.    Shaloh Minott (11 jir)

5.    Ibrahim Saeed (11 jir)

6.    Ayman Hussein (9 jir)

7.    Steven Boyd (14 jir).

Ayaa dhamaan tood waxay si toos ah ugu biiri doonaan Academiga Manchester City Football Club oo marka hore siin doona 2 bilood oo tijaabo ah kadib hadii sida laga filayo ciyaartoodu ay naqdaan waxay ay ku biiri doonaan dhalinta xaraysan ee ay kamid yihiin kuwii hore looga xushay tartamadii hore sida Abdihakiim Ibraahim, Omar Salim iyo Mohamed Mahamud oo kale.

kadib hadii ay sida macalimiintoodu ku rajo weyn yihiin bar baarin tooda isboorti sii kobacdo waxay ugudbi  doonaan heerka  kowaad ee kooxda Manchester City sida Cabdi Salaan Ibraahim Caday oo kale.

Gudoomiyaha naadiga soomaalida ee WPSC Fuad Ahme-Osman wuxuu sheegay in qaybta 2 oo ah (European Junior Champions League) ay ka dhici doonto garoonka Manchester City fc14 May 2011 ugu danbaytii waxa uu la taliyaha WPSC FIFA Referee Abdiqaadir Ibraahim Cadaay oo  hada ah Manchester City Somalian Liaison Officer  uu sheegay in uu ku rajo weyn yahay in mustaqbalka dhalinyaro badan oo soomaaliyeed laga qaadan doono jahliyada soomaalida sida 5 wiil iyo dhalintii hore ee sida Omar Salim (Man City), Mukhtar Afgooye (Chelsea) Abdihakiim Ibraahim (Man City) Mohamed Mahamud (Man City)Hassan Salim (Wigan &England) loo qaatayba.

W/D: Garsoore Cabdulqaadir Caddaay

Manchester

Comments

comments

Category : Sports, Wararka Maanta.
« »

Comment: