Calendar

Leonel Messi Oo Sheegay inuusan Marna ku biiri doonin Real Madrid

63859550Spain:Lionel Messi  ayaa sheegay inuusan marna ku biiri doonin Naadiga Real Madrid Ee ku Ciyaarto Garoonka Barnabue Stadium.

Mar La weediiyay in Messi uu ku biiri doono Mustaqbalka Kooxda Real Madrid ayaa sheegay in taasi aysan dhic doonin marna waxuuna yiri.

“Marna mala arki doono aniga oo u ciyaaraya Naadiga Real Madrid, ma aadi doonin halkaasi, ayuu Messi u sheegay Sky Sport Italia.

Xidigaan Mucjisda ah Ee u dhashay Dalka Argentina ayaa xusay inuusan ka tagi doonin Kooxdiisa Barcelona uu u qabo Jaceyl dheer ah.

“Aad baa u jeclahay Halkan (Barcelona) kama tagi dooni Barca, waxaa ku riyoodaa inaa xirfadeda ku dhamasto Catalania, ma jirto sabab aan halkaa ugu tago ayaa lagaa soo xigtay Lionel Messi.

Xidigan hatan hormuudka u ah Barcelona ayaa sidoo kale qiray in wax walba dhic karaan hadaan waxuu xusay in xiriir wanaagsan ka dhaxeeyo Macalinka Barceloan Ee Pepe Guardiola isagoo ku faanay inuu saaxiibo wanaagsan uu ku leeyahay Ciyaartoyda Barcelona.

“…Wax walba lama dhihi karo ma dhacayaan laakiin aniga waxaa jeclahay inaa halkaan ku qaato, Xirfadeeda, Nolosheeda, aad baa ugu qanacsanahay xariir wanaagsan ayaa la leeyahay Macalin Guardiola” Messi Said.

Gudoomiyaha Naadiga Inter Mosimo Morrati ayaa inbadan xidigaan codsi u diray isagoo u balan aady inuu ka dhigayo Xidigga ugu qaalsian Dunida laakin taasi waxuu Messi ka doorbiday inuu ciyaarihiisa la jecleesatay kasii wado Garonka Cam Nue Ee ku Ciyaarto Barcelona.

“..Waa umahad naqayaa Morrati, laakin waxaa doonayaa inaa xirfadeda halkaan ku dhameesto, ayuu yiri Lionel Messi.
C/Qadar Shakra
Ciyaaraha

Comments

comments

Category : Sports, Wararka Maanta.
« »

Comment: