Calendar

Kumanaan ka wax tarsanaa soo taaganee ha isaga tago waxba tari maayee hay naga tago

sharifW.Q. Cali Baashi Xaaji —
Dhab ahaan uma xasuusto xiligii ay aheyd markii aan bogga waagacusub ka aqriyay faalo aad ii qancisay oo aan runtii aad ugu riyaaqay cinwaankeeduna ahaa (Meesha kama tage waxna kama tare ) oo uu qoray Siyaasiga Rug cadaaga ah C/laahi Sheekh Xasan waxaan faaladaasi ay aheyd Aragtideeyda faaladii Sanadka.
Runtii sida ka muuqatay faaladaasi waxa ay aheeyd mid caadifada Qabiilka laga fogeeyay oo uu Qoraaga ku cabirayey marxalada xun ee uu maanta dalka lugaha lasii galayo iyo sida ay u marin haboowday Madaxweyne Shariif Siyaasadiisa Gudaha.
Ma filaneeyn in uu jiri karo qof ku dhiiran kara in uu daba dhigto ama wax ka sheego qalinkaasi qabiilka laga fogeeyay salna looga dhigay cadaalad iyo xaqiiq waase dhacday wax dhacayna see u dhaceen lama yiraahdo ee see wax looga qabtaa ayaa la yiraahdaa.
Hadii aan u soo laabto biya dhaca hadalkayga waxaa igu xambaaray qorista maqaalkan sixida iyo toosinta C/laahi Siyaasi oo ah qoraa wax ka qoray ama duray faalada C/laahi Sh Xasan waxaase uu aniga qalinkiisa uu igula muuqday qalin caadifadeed oo qalin leeyda lagula hor kufay.
Xaqiiqdii qoraalka C/laahi Siyaasi waxaan arkay daqiiqadao ka hor inta aan bilaabin qorista maqaalkan xili aan baar baarayey maqaalaadka Waagacusub aqrin kadib waxaa isla markiiba qalbigayga soo dhaafay Erayadan ‘Kumanaan ka wax tarsan baa soo taaganee haynaga tago’
Waxaan qalinka qaatay aniga oo waliba ka yara careysan qalinkii C/laahi Siyaasi uu daba dhigtay qormadii xalaasha aheyd ee C/laahi Shekh Xasan marka hadii aan wax qaldo ma qalde waa ALLE waxaase aad ugu dhawaanayaa runta aniga oo cuskanaya Qodobo dhowr ah.
Qoraa C/laahi Siyaasi waxa uu aad u amaanay madaxweyne Shariif waxaase aan hadalkiisa kasoo qaadaneeynaa cinwaankiisa oo kaliya oo uu ku yiri yuu oga tagaa oo ka wax tarsan taas oo sida muuqaneeysa uu qoraagu ka aaminsan yahay Madaxweynaha wax aynan inagu la qabin oo aan inooga muuqan.
Hadii C/laahiyoow aan adigaba ku su’aalo maxaad ku taageertay Shariifka oo xaqiiqo ah marka laga soo tago waxyaabaha qiyaaliga ah ee aad cuskatay? Ogoow waxaad ku sheegtay Shariifka ninka Soomaaliya ugu wax tarsan oo aan loo gali Karin walaal fadlan dhabta iyo xaqiiqda is bar muxuu wax tar ku yahay oo la taaban karaa maxaase wax tar u taqaan?
1. • Hilary Clinton Salaamideeda miyaa wax tar ah?
2. • Safari badan oo la galo miyaa wax tar ah?
3. • Labo Shariif oo aan kala harin miyaa wax tar ah?
4. • Wax qabad la’aanta taagan miyaa wax tar ah ?
5. • Guul darada Dowlada miyaa wax tar ah?
6. • Degmooyinki laga qabsaday miyaa wax tar ah?
7. • Sicicir barar iyo silcinta Shacabka miyaa wax tar ah?
8. • Tuugta tababaran ee tutaha xiran miyaa w ax tar ah?
9. • Takhaatiir qarxinteed iyo tacadi miyaa wax tar ah?
10. Taangi Amisom Ku tiirsanoow miyaa wax tar ah ?
Tobankaas walxood iyo kuwo kaloo aan ka tagay wax tar miyaa?
Intaas iyo in ka badan oo aan horey u dhicin ayaa dalkii ka dhacay adna waad og tahay waxaana kamid ah dalka oo intiisa badan ay la wareegeen mucaaradka qarxintii Wasiirkii Amniga ee dawlada qarxintii Wasiiradii ka dambeeyay ee Waayeel,Cadoow iyo Qamar iyo dilalka qorsheeysan oo xadkii ka tilaabay.
Iyadoo intaas oo dhan ay jiraan ayaa hadana waxaa la yiraahdaa meeyd maxaa u dambeeyay (kii lasii siday) dhawaan waxa ay dawlada taagta daran damacday in ay sameysato lacag cusub oo ah tii ay dadku ku ku baaran laheeyd kuna jaha wareerin lahayd.
Iskaba daa Amniga guud ee dalka xitaa Dowlada waxa aysan gacanta ku heynin 16kii degmo ee Goabolka Banaadir oo kaliya ay ka haystaan Degmooyinka X/weyne X/jajab iyo Madiino.
Waxaana sadexdaasi Degmo mar walba ka dhaca falal laga argagaxo sida qaraxyo ay geeystaan mucaaraka iyo boob, dhac iyo bililaqo ay geeystaan kuwa lagu tilmaamo in ay yihiin Ciidan dawladeed balse dhabtii ah tuugo Sharciyeeysan.
Hadaba hadii ay sidaas tahay oo Madaxweyne Shariif aanu waxba gacanta ku hayn gar ma u leeyahay in uu yiraahdo waxaan soo sameeynayaa lacag isku dhegan sida 10 kun iyo 20 taasi soow noqon mayso waan socon weynaye aan orodno.
Dhawaqa kasoo yeeray xukuumada waxa uu mar qaati u yahay sida dowladan aysan wax dan ah uga laheeyn diifta iyo dacdarada ka muuqata shacabka Soomaaliyeed teeda kale arinta waxa ay noqoneysaa Warkii hore war soo dhaaf waayeel qolof leh baa yimid.
Waana gar in la yiraahdo Meesha kama tage waxna kama tare’ hadii C/laahi Siyaasi iyo kuwo lamid ah ay isa soo mutaxaana la yiraahdo kumanaan ka wax tarsan baa soo taaganee haynaga tago waxba tari maayee haynaga tago
Waxaa sameeynta lacagahan walaac ka muujiyay dad tira badan oo dhib soo kordhay u arkay waxaan dadkaasi xitaa kamid ah mahadi haka gaartee Gudoomiyaha Bagiga Dhexe ee dowlada Md Bashiir Ciise Cali oo cadeeyay in lacagtaasi ay soomaaliya ka dhigi doonto sida Simbaabwe.
Lacagtan ay sheegtay dowlada ayaan shaki ku jirin in ay tahay mid ay labada Shariif ku doonayaan in ay ku helaan malaayiin doolar oo deg deg ah cid kastana waa garan kartaa ujeedada ka dambeeysa arinkan iyo ciriiriga lala damacsan yahay shacabka Soomaaliyeed.
Kunka shilin ayaa horey loogu waayey Sarif marka laga reebo Puntland oo ay shanta boql ka socoto Abwaan Maki Xaaji Banaadi oo fikirkiisa ku cabiraya sida uu uga xun yahay Sarif la’aanta waxa uu yiri beesada kunaa u yar kunaa u weyn.
Dawlada taagta daran ee arinkan damcay waxa igala xun oo igala xaraar golaha Shacabka matalayey oo ay aheyd in ay arimahan oo kale ka gil gishaan balse markii la tijaabiyay la ogaaday in wax kasta laga fushan karo hadii ay ahaan laheyd Bad la gato iyo hadii ay ahaan laheyd hantidii qaranka iyo tan shacabka oo la dhaco.
Dawlada ay ugu sareeyaan labada Shariif waxa ay hubsadeen in golaha sharci dajinta ay yihiin golaha sacabka oo aysan aheyn golaha shacabka wixii la dooonana laga fushan karo maadaama ay iyagaba gacan ku gambad yihiin oo muqdishana aan ku haysan taangi ilaaliya keenyana lagu xir xirayo oo aanan juuqba oran karin.
Waxaa ii muuqanaya in howshan biya dhaceedu uu yahay kasbashada dhaqaalihii la dhuuqi lahaa kadib marka ay labadoodaba waayaan xilalka ay hayaan waana marqaati ma doonto in aysan soo noqoneeyn waloow hadaba shaki laga muujinayo in waqtigooda ay dhameeysan doonaan iyo in kale.
Madaxweyne Shariif iyo saaxiibkiis waxa ay sidoo kale is hilmaan siiyeen in Cali Mahdi Maxamed ay u socon weysay lacagtii Nda la oran jiray isla markaana uu Cali dhaafsiin waayey halka uu ka taliyo sideedana lacag waxa lagu socodsiin karaa in aad heysatid dhul baaxad leh iyo Shacab ku raacsan
Aanu runta ka dhawaajinee hadii oday Cali uu socodsiin waayey Nda uuna ku fashilmay labada nina ay isku hayb yihiin maxaa lays oran karaa maxayse noqon kartaa taariikhdooda dambe.
Xaqiiqdii dad badan baa iska ogaa in sidan ay wax u dhacayaan oo dalka uu jaha wareer galayo halka qaar kalana ay iska indhatirayeen oo ay jadbo haysay markii talada dalka loo dhiibay kooxdan casmara 1 lamagac baxday oo aan haba yaraatee ku jirin wax damiir ah.
Hadaba C/laahi Siyaasiyoow waxaa jira intaas iyo in kasii badan hadii aad ogtahay iyo hadii kalaba waxaanse kugula dar daarmayaa in aadan runta waligaa ka leexan iskana ilaalisaa wax ku qoridda qaalin caadifadaysan.
waxaan doonayaa in aan u caqli celiyo kuwa had iyo goor caadeeystay in ay soo boodaan marka wax la dhaliilo waxaana kuwaas ogeeysiinayaa ama aan barayaa in dhaliishu tahay xisaabtan xisaabtankana uu keeno hogaan toosan waa xaqiiqo in wax walbaa ay qarib mayaan hadii aan lays dhaliilin.
Ugu dambeeyn Umada Soomaaliyeed caado uma laha in lagu tunto oo sidii la doono laga yeesho sida umadaha kale dhabtii waxaan Soomaaliya ka hirgaleyn waligeed waxa lagu tilmaamo boqortooyo oo macnaheedu yahay Gumeeysi kuwa damacaasi uu ku jirana waxaan leeyahay ha hungoobina oo is qabta.
Wixii aan haleeyay waa hagar daamo sheeydaan wixii aan hagaajiyayna waa hanuun Rabbi
Cali Baashi Xaaji
[email protected]

Comments

comments

Category : Maqaallo / Articles.
« »

Comment: