Islaamiyiinta Kuwoodee Qaldan? Q-3aad Afkaarta Duugga ah iyo Caqabadeeda?
Dhaxalka Horumarinta iyo Ayeeyada Nuurintu Waxaa la yiraahdaa marka ay mujtamacu jadiidiyaan Afkaartooda  hadaysan waxba u keeneyn, yacni faa’iido lahayn, oon ka ahayn inay dhaliso bur-nur, Qax, is-dil iyo is cayrsi.
Casriyadii dhexe ee Qarniyadii Dhagaxa, ayaa ay UMMADDIHII REER GALBEEDKU is afkeen iyagoo ku dhex maasheysan Afkaar Madhaleys ah oo Goobaabo GALISAY dal iyo Duunyadoodii. sidaa darteed ayay Mufakiriintoodii waxay ku dhiiragalisay inay Qoraan, Arkaan, muuqaaladii waaqica ahaa ee ay ku noolaayeen; kadib waxay bilaabeen sidii ay u jadiidin lahaayeen iyagoo adeegsanaya cilmiga cusub, si ay u gaaraan xaqiiq, ayna isaga saaraan wax alla wixii been ah, oon wax dhiseyn.
Waxay tuureen fikradihii lagu anadacoon jiray ee jiray qarniyadaas dhexe, si ay booskeedii ugu badalaan falsafad dhameystiran oo caqliga ku dabaqaysa waaqica dhulka ka jira, oo haduu caqligu TIJAABIYAY, kuna gubtay dabka iyo danbaska Taqliidkii (Dhaqankii iyo Caadadii) jirtay; sida Sixirka iyo Kahnuutka, uu caqligu u keeno Badiil ka dhib yar, kana mustaqbal wanaagsan kii jiray.
Aduunkaan waxaa ka jira Sheekeeyin iyo Taariikho badan oo laga dhaxlay Ummadahii hore; kadib markay qaldeen hore-ufikiritaankooda iyagoon is ogeyn! taas ayaa ay soo sheegeen inay u galeen xiliyo Mugdi ah? oo carqaladeeyay sii socoshadoodii badbaado.
Qatart iyo Tiih ayaa ku dhaca Ummadi, marka ay awoodi weydo inay barato, ka fa’iideysato kana fikirto qatar kasta oo soo foodsaarta jiritaankeeda, taas waxaa loo maraa mrkay ogaato in  Afkaar ay horey ugu soo dhaqmi jirtay nooc walba oo ay yihiin; guuldarada ka qabsatay, shaqsi ahaan iyo Mujtamac ahaanba.
Sidaa darteed si taasi loo hirgaliyo ayaa waxaa loo baahan yahay in lasoo ceshto Mas’uuliyada naga saaran aayaheena inagoo u marayna Xoreynta Caqliga laga xoreynayo Caqabadaha Hortaagan. Si kastaba bal aan dajino afkaarta Saaxada ama Dhulka taala ee ay soomaalida Caabooni ay hadda isla daba taagan yihiin iyo abtirsinyaheeda- yacni meesha ay kasoo jeedo.
Marka hore waxaa loo baahan yahay inaan xadidno qaabka ay Soomaalidu u fakarto, ee ka tarjumta oo tafaasiil ka bixinaysa caqliyadooda, Kooxeed iyo kooda  shaqsiga ah iyo sida ay wax u arkaan marka ay mowduuc ka hadlayaan ama ay xalinayaan.
Dhismaha guud ee Caqliyada waxaan ku soo gaabinayaa Afkaartaan soo socota:-
Dogmatic- Fikrad kalilay ah oo Madax adeyg waxaan ahayn aanan ku imaan?
Superficial- Fikrad Sadxi ah oon saqafka gurigaba aan dhaafsiisneyn. yacni aan kan adeegsnayaahi uusan cilmi u lahayn dhaafsiisan sida uu ugu hadaaqayo.
Submissive- Fikrad u baahan hirgalinteeda in loo hogaansamo waxa ay leedahay oo marnaba aan xamali karin in la naqdiyo; la dhoob-dhoobo, la qurxiiyo.
Non-Sceintific- Fikrad hunu-hunu ku dhisan oonan cilmiyaysneyn
Monolithic- Fikrad kan haystaahi uu dhagaxa la mid yaha, oon la dhaqaajin karin ilaa dhagax kale lagu dhufto maahane, maxaa yeelay wuxuu u arkaa inay tahay fikradaasu tii fursada u keentay.
Retrospective- Fikrad aan ku faango’nayn Mustaqbalka oo Rajci ah ama dib-u-socod.
Determinstic- Fikrad “Raganimo” Xaniinyo iska baaris, kan wataahina uu xaninyo tabasho u arko iska badalideeda.
Passive- Fikrad ogolaansho diidan ah oo si aan gacan ka hadal lahayn u diidaya arin, yacni aan waxna mucaaradeyn waxna taageereyn.
Non-Concrete- Fikrad aan xirri la lahayn waaqica ama dhabta jirta oo huuhaa iyo hebel ku qaniin ka samaysan.
Compromising– fikrad ku dhisan marka qofka wataahi uu ka tago Qiyamkii, Dhaqankiisii, Caqiidadiisii,. si uu u helo maslaxad yar oon isagaba ku filnayan; (sida kale meel-dhexe-isugu imaanshuhu la mid maahan, maxaa yeelay meel dhexe in qilaafaad siyaasi inta la isu soo dhaweeyo la isugu keeno way fiican tahay!)
Idivitualistic- waa fikrad shaqsi ah oo aan meelna kasoo galin danta guud iyo maslaxad caam ah; haday wadan lahaayeen Koox, ama Ummad intaba.
Local- Waa fikrad Maxali ah; oo barbaaritaankeedu cilaaqaad la leeyahay; Sagaaro Biyo ma cabtaa iyo Maya ! oo kale oo asalkeedu iyo Fasalkeedu inta badan lagu rati kacsado iyadoo laga faa’iideysanayo Dhaqan Hoose oo bur-bur aburi kara hadii loo isticmaalo si khaldan.
One-Demensional- Hal Zaawiyad leh; Bimacnaa; waa aragti kan wataahi uu ka eego hal Xagal; isagoo ka helaya maslaxadiisa oo kaliya; TUSAALE Dagaalka Argagaxisada lagula jiro, inkastoo ay dhacdooyinkii keenay la ogyahay; in hadana loo isticmaalo meel uu xanbaarsan yahay, cilaaqaadna la yeelahay Arimo kale…
Narattive- waa mid caan ku ah DHUUSA WEYNAYAASHA qaska ka wadi jiray Soomaaliya ilaa hadana wada; tusaale ka fikradaan wataahi wuxuu halqabsi iyo Arar u yeelaa jihada uu talooyinkiisa u wado, qalad iyo SAXÂ ! maxaa yeelay waxaad maqli isagoo kusoo hal qabsanaya dhacdooyin hore oon wax cilaaqaad ah la lahayn mida uu u duurxulayo! kaliya hadafkiisu waa inuu Dhiig miirtaa Bulshada “Afmaalkoodu” uu yahay kan ugu maah-maahyaha badan; arartiisuna ay sun iyo waabaayo tahay! sidaas darteed ayuu ugu nool yahay si qaldana ugu adeegtaa Hadal badni ummad u aragta inay tahay Raganimo!!!!. Tusaale waa Qab-Qablayaasha meel walba oo ay joogaan!.
Waqtigii hore waxaa jirtay in jiilalki jiray ay sameysan jireen ra’yi caam qayb ka ah qorsheynta Mustaqbalkoda, si kastaba hadda Soomaaliya Jiilalkaan danbe si kastoo ay nasiib ugu heleen inay waxbarasho horumarsan helaan; hadana xitaa waa ay sameynsan la yihiin Ra’yi Guud oo salka ku haya  Xaqiiqada ay ku nool yihiin! taas la’aanteed ayaa si gacmagacmeyn leh hadba loo gacan galiyaa Haamaha iyadoo lagu marmarsiyoonayo inay tahay Xaqqiiqada Jirta.
Tusaale Qabqablayaashii 2005, waxaa u suurto gashay in loo dhiso Dowlad la aqoonsan yahay! iyadoo ay Indheergaradkii ku hadaaqayaan Waa shinbirayahoow Heesa! waxaa ay sidaas Doqonimada ugu dhiirteen inay Dibadaha uga Canbaareeyaan Raggaasi waxa weeye waxay ogyihiin in Xaqiqada JIrtaahi aysan Ogoleyn Qabqablayaashaas! iyagoo diiday inay inta soo degaan u yimaadaan MUjtamacodii kana difaacaan si sharaf ay ku jirto Maal-maati qabeenadaas; laakiin iyagii (Qab-Qablayaashii) ayaa Saaxadii Dowliga ahayd uga xoog batay Raggaas. Taas kaliya ayaa u saamaxday inay yiraahdaan 4.5 wax noogu qaybiya!!!!!.
oo Qabaa’il baa laysku haystay!? inagoo og inaanan la isku haysan, oo tusaale Bood-Boodkii Qabqableyaashi Burburiyay Dowladii dhexe ee Soomaaliya 1991-1992 Dagaaladoodii Degaanada kale, marnaba kama ahayn inay  dagaankaas Maamul u sameeyo!! oo ay hoos keenaan Dowlad weyn oo ay Doonayaan inay dhisaan!! laakiin waxay ka ahayd xeeladeyn Raqiis ahayd oo ay ama ku mideynayeen Beeshooda dhexdeeda; kadib markii uu sharcigii uu siiyay Ugaaska Qabiilka uu ka dhacay!! Ugaaskiina uu taageeray Shaqsi kale!! (Sida dhaqanku uu qabo qab-qable maahan Hogaamiye Qabiil; waa Hogaamiye Dagaal, waxaana uu si iskiis ah uga soo dhex baxaa Qabiilka Xiliyada Dagaalka kaliya, isagoo Guul ama Guuldaraba ka hor leexda Qabiilka Daqiiqada uu dagaalkaas ku dhamaado Heshiis!! sidoo kale maba jiraba dagaal qabiileed aanan ku dhamaan Heshiis!!??) iyagoo ku mideeya Beeshooda ugu yaraan markay lasoo noqdaan xitaa Afaray ka hadlaysa sidii ay u galeen Beesha kale ee ay ku duuleen.
Sidoo kale; Sheekh Shariif wadaad Dhexdhexaad ah, cid dalbatay ma jirto; Shacabkaanu u adeegsaday sidii ay uga taqalusi lahaayeen Qab-Qablyaasha oo kaliya? Ra’yi caamka shacabkaasuna waxaa uu rabay Hogaamiye Wadani ah oo Damiya Dabka iyo Yeerista oo kaliya.sidaa darteed wali ma jirto Ra’yi Caam ama Xaqiiqada Shacabka cid Isticmaasha sida ay tahay!! ee waxaa jira Kooxo kala duwan oo hadba magac inta loo soo bixiyo la soo shir tagaya Xaqiiqo Cusub inay ku Farad Yeelaan Mujtamacaas Masaakiinta ah, intii Xaqiiqadooda lagu saleyn lahaa NIdaamka?
WQ /Saadaat M. Geesh
Comments
comments
Category : Maqaallo / Articles.