Calendar

HADDII SHIRARKA SOOMAALIDA SIDAN LAGA DHIGI LAHAA MAXAA KU JABAN? (VIDEO)

fikradDhibta haysata shirarka dib u heshiisiinta Soomaalida ee hadba wadan lagu qabto waxay tahay: Dadkii shirkii sanadkii hore lagu qabtay wadan (hebel) ayaa iyagoon qofna ka maqnayn jooga midka hadda la qabanayo magaalo (hebel).

Wax yara sii akhri (video-gana daawo) meel kalaan u socdaaye.

Sababta aan u soo qaatay video-gan  waxay tahay:

Waxaan aad uga helay sida dadka qolkan ku jiraa ay isula weydaarsanayaan fikradahooda,  waana wax ka duwan tahay sida loo qabto shirarka Soomaalida ee aan horay usoo aragnay.

Waxaan ka helay sida dadka ku jira video-gan ay fikradahooda u dhiibanayaan oo ay isula hadlayaan, waana sida kaliya ee wada hadal lagu samayn karo, haddii kale maxaa wada hadal loogu magacaabaa. Mise waxaa fiican in dadkii dhibtan noo horseeday oo jaakad ka duwan miduu watay shirkii hore wata intuu nasoo hor istaago uu noogu khudbeeyo hadba mowjadda siyaasadiisu siday tahay, bisinkana uu ku bilaabo, Soomaaliyeey Toosooy-na uusan ka tagin.

Sababta aan uga helay qaabkan waxay tahay dadka hadlaya uurkooda waxa ku jira ayay ka hadlayaan, fikradahoodana waxay usoo bandhigayaan walaalahooda garabka ku haya oo qolka la jooga iyo Soomaaliweynta internetyada ka daawanaya, waana dadka aad maalin walba aragto oo hogaanka u haya nolol maalmeedka dadkeena mana ahan kuwa galab walba raadiyayaasha laga waraysto, Laakiin suaasha isweydiinta lihi waxay tahay: Yaa ka akhrisanaya waxay sheegayaan?.

Daawo Video-ga oo cinwaankiisu yahay: Fikrad Bixin: Dowlad fiican sidee loo samayn karaa?, Maamul fiican maxaa laga rabaa inuu noqdo?

___

WQ/ Cabdisalam Axmed Caato – Filinqaade/ Daadihiyaha Barnaamijka Wargelin Kala xiriir: [email protected]
caato600

Comments

comments

Category : Maqaallo / Articles, VIDEOS, Wararka Maanta.
« »

Comment: