Haddii Baarlamaanka Soomaliya uu dagaal caan ku ahaa daawo Sawirada dagaal aan waxba la isku reeban oo dhax maray Baarlamaanka dalka Ukraine.
Kalfadhigii caadiga ahaa ee Baarlamaanka dalka Ukraine oo looga doodayay in balaarin lagu sameeyo heshiiska Dowladda Ruusha iyo Ukraine ee Dowladda Ruusha ay dhul ama xarun ciidan kaga Kiireestay dalka Ukrain.
Baarlamaanka dalka Ukrain ayaa u codeeyay in ciidanka Ruushka ay sii joogi karaan dhulka Ukrain ilaa sanadka 2042.
Haddaba arrintan waxaa ka hor yimid qaar ka mid ah Baarlamaanka dalka Ukrain gaar ahaan Mucaaradka iyagoo sheegay in aysan suura gal aheyn in mar labaad la baralaariyo heshiiska ah in ay xarunta Ruusha ee dalka Ukrain ka kireesteen in ay sii joogaan.
Dagaal aan waxba la isku reeban ayaa gudaha Baarlamaanka ku dhax maray qaar ka mid ah Baarlamaanka iyadoo la isku adeegsaday in la isku tuuro Ukumo sidoo kalle waxaa la adeegsaday khiikh balse Dhimasho ka dhicin.
Arrintan ayaa dad badan soo xasuusineeysa xilligii Baarlamaanka dalka Soomaaliya uu dagaalka ku dhax maray dalka Kenya gaar ahaan magaaladda Nairobi xilli Baarlamaanka Soomaaliya ay ka doodayeen in Ciidamo ka socda dalalka Dariska oo ay ku jirto Ethiopia in dalka Soomaaliya la geeyo.
Â
Halkan ka daawo sawiro Xiiso badan…..
Comments
comments