Maqaal: Go’aan La’aanta Shariif iyo Geesinimadda Sharmaake!
Khilaaf xoogan oo ximbaarsan dabino siyaasadeed ayaa todobaadyadii u danbeyay hareayay doowldda Soomaaliya. inta badan xubnaha barlaamanka soomaaliya oo garab daahsoon ka helaya shariif Hassan “sakiin†ayaa go’aansaday in aay ka taqluusan gudomiye Sheekh Aadan Madoobe iyagoo u arkayay in uu waqtigisii idladay ugu danbeentiina wuu iska casilay xilkiisa Gudoomiyaha Baarlamaanka.
Tariiqdu markii aay ku beegneyd 17/5/2010 ayey aahyd markii gudomiye aadan madowe shaaca ka qaday in uu iska casilay jagaduii uu u hayay
Ra’isulwsare Sharmarke ayaa durbadiiba jawaab ka bixiyay dhicitanka xukumadisa sheegayne in dowladiisa aysan dhicin, iyadoo ugu danbeentii Madaxwayne Shariif uu Sharmaake xilkiisa iyo shaqadiisa in uu sii wato uu u sheegay.
Shirar jara’id oo dhaxmaray go’aan laawe shariif iyo saaxiibkiis sharif sakiin oo dhinac ah iyo Sharmarke aya gabi ahan ba fashil ku dhamanaday.
Qilaafkas ayaa ahaa mid dad badan soo xasuusinaya casharadii ay horay u bixiyeen arxan law c/laahi yusf iyo qiyaanoole geedi inta badan in Ra’iisul waraaha iyo Madaxwaynaha ay is qabtaan Soomaaliya waa wax iska caadi ah.
madaxwayne Shariif ayaa la sheegay in uu la tashaday aqoonyahano sharciga si wanagsan u garanaya ugu danbeetiina uu ka laabtay go’aankii ka qaatay in uu xilka ka qaaday Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid.
balse labo maalin kadib ayuu madxweyne Shariif isgu yeray qeybaha kala duwan ee warbaahinta ,isgoona shegay in uu ka labtay go’aan kii ku adaana kal eryida xukumada caajiska badan ee sharmaarke .
“Waxaan ugu baaqanayaa in uu xilkiisa isaga tago, waxaana soo magacaabi doonaa Ra’iisul wasaare kalle†hadalkaas waxaa lagu xasuusan doonaa Madaxwayne Shariif oo labo go’aan kala gaaray xilliyo isku dhow…
.
dadka qaar ayaa sheegaya in Madaxwayne Shariif uusan laheen lataliyaal qaas ah sidoo kalana uusan wax badan ka fahamsaneen dastuurka soomaaliya ama dowladnimada intaba
Gabagabo.
.
Ma’ahan marki ugu horeyay ee madax somaliyed ay dhaxdooda is qilafaan iyagoona iskugu ma marsiyonaya wax qabad la’aan aay dhmantood ba ka siman yihiin .
lakiin aqristow su’alaha is weeydiinta mudan ayaa ah .
Yaa mudan in uu hogamiyo wadan 20 sano fowdo ka soctay? yaase is leedahay waa uu u qalmaa in uu qabto majaraha umada somaliyed adigoon u fiirin qabii? Jawaabaha Su’aalahan waxaa filayaa dadkwayanaha iyaga ayaa ka jawaabi doonaa
Salaamat.
Qore C/qaadir Cali Siyaad “Bossâ€
Afeef: Aragtida Maqaalkan waxaa iskaleh qoraaga ku saxiixan loomana qaadan karo aragtida Bartamaha.
Comments
comments