Farsamo xumo farbay ku gaysaa??
Bartamaha (Nairobi):- Maanta oo ah maalin la yaab leh ayaa waxaa dhacay inaan dan ka yeesho wakaalada biyaha ee magaalada Hargaysa. Bil ka hor ayaa biyihii la iga goostay. Markaa aqalka biyaha laga gooyay waa aqal cusub oo imika sanad dhisnaa oo madhan. Haba ahaatee cidina ma gasho. Lacagta la igu soo dalacay waxay ahayd $116 oo doolar iyo 25% oo ganaax ah oo ah bishii shanaad iyo tii lixaad.
Saaka ayaan ku kalahay xafiist wakaalada biyaha sideedii aroornimo. Markaa waxaan ugu talagalay inaan ka dacwoodo lacagta faraha badan ee la igu soo dalacay. Xafiiskii u horeeyay een galay, sideedii iyo toban, labadii inamood ee meesha fadhiyay waxay ahaayeen dad runtii garanayay shaqadooda iina baadhay bugii. Waxa kale oo ay ii sheegeen inaan u tago maareeyaha si aan u gudbiyo dacwadayda.
Maareeyiihii intuu iga qaaday waraaqdii ayuu ku qoray in la iga daayo ganaaxa. Waxaan idhi kuugumaan iman inaad ganaaxa iga dayso ee waxaan doonayay inaan kuu sheego in ayna aqalka cidi daganayn oo aan la yaabay waxan oo lagaca ah ee la igu soo qoray. Maareeyihii warqadii buu ku celinyay inamadii oo wuu u sheegay in dib loo baado halkii uu iigag dhimay ganaaxana wuu ka masaxay. Inamadii waxay ii geeyeen ninkii saacada baadhayay. Kii saacada baadhayay isaga oo cagaha jiidaya ayaa saacadii iy saacad kale qasabad ku xidhay. Waxa uu i soo siiyay numberadii wuuna ii sheegay inay saacadu sax tahay. Sagaalkii iyo labaatan baan inamadii ku soo noqday. Waxay igu yidhaahdeen lagacta is ka bixi xal kale ma jiree. Waan baxay oo lacagtii baan soo sarifay oon Shillin Soomaaliland ku soo badalay.
Waxaan soo gaadhay xafiiskii lacagta qaadayay, markii la tiriyay lacagtii oo ahay sagaal boqol iyo shan iyo konton kun ayaa waxaa ka dhinaaday afar kun oo shilling. Dibaan u noqday oo waan keenay. Markaan ku soo noqday lacag qaadihii ayaa la igu yidhi biil soo samayso horta intaananu lacagta kaa qaadin. Xafiis kale ayaa la ii tilmaamay. Waan tagoo inankii meesha joogay wuu i soo siiyay biilkii si hawl yar. Waa tobonkii, lacagtii baan soo bixiyay.
Waxaan waydiiyay halkaan maro si aan biyaha u soo ceshado. Waxa la ii tilmaamay xafiiskii ugu horeeyey een aan tagay. Waan ku noqday. Waxaa laii qoray waraaq cadaynaysa inaan bixiyay lacagtii oo la i yyidhi xafiikaa halkaa ku yaal ninka jooga ka soo saxeex. Waan tohoday markaan gaadhay xafiisku wuu qufulnaa. Inamadiibaan ku soo noqday, way i kaxeeyeen oo waa la soo saxeexay. Hada xafiiskale ayaa la yidhi saxeex baa looga baahan yahay, waa la soo saxeexay. Hadana kii (agaasimaha uu ahaa baan jeclahay) ayaa la igu celiyay. Shir buu ku jiraa baa la yidhi. Aduu inankii isaga la shaqaynayay baa u galay oo ka soo saxeexay. Waa koobiyotobankii iyo badhkii aroornimo. Kii biyaha soo xidhayay baa ii hadhay.
Hadaba aniga waxay ila tahay dowladeena dhibaatada ugu weyn ee haysataa inay tahay shaqaalihii oon aan waxba fulin karin. Saacadihii la shaqeenayey oo yar, oo hadii aan qadada ka hore waxba kuu fulin ay maalinkale kaa khasaarayso. Wax waliba ay ku xaniban yihii agaasimah ama maareeyaha oo lagu leeyaya shirbuu ku jiraa.
Waxa ila haboon in ay dowlada cusubi ka duwanaato tii hore. Dowladii hore waxy ku murmarsiyoon jirtay waa shuqul Africaan oo waa iska sidaa. Dowladana markaan waydiiyay waxa howl yar oo saacad qaadataa u qaadatay afar saacadood waxay igu yidhaahdeen musuqmaasuga ayaa la dabargaynayaa. Anigase waxay ila tahay in howsha isla sidii hore tahay ee ay marmarsiyo tahay waayo lacagtii waa la iga qaaday, saxeexyada farah badana waa howl ka qabsoonta xafiiska gudihiisa (enternal office work). Shacabka maaha in kolba layidhaa maareeye ama agaasime waraaqdan ka soo saxeex
Markaa waxaan aad iyo aad uga xumaaday inaan goobjooge u ahaa islaan iila ekay sideetan jir oo martay dhibkaan saaka maray aniga oo afartan jir ah. Aaway ixtraamkii iyo sharaftii ay diinteenu inaga fartay xaqa waalika? Sidee ayaa qof danyar u socda oo gaboobay oo ay talaabadu dhibayso u galaa sagaal office?
Igama aha xumaan warqadani laakiin waa talo. Waxay dowladu samayn kartaa xafiis walba leeyay magaciisa, oo uu qofka la siiyo war bixin iyo tilmaam, in uu qofku xafiiska geeyo dacwada. Laga caqblo oo nambar la siiyo oo loo qabto waqti uu soo laabto oo uu helo jawaab. Hadii kale in qofka loo dhameeyo dhamaystiro oo la buuxiyo baahidiisa waqti maquul ah.
Qore :-S.O
Comments
comments