read more »">
Calendar

Fanaanadda Caanka ah Ee Shakira Oo Laga Mamnuucay inay Hees Ka Qaado Garoonka Real Madrid Ee Beranbue Stadium

parejaSpain/Bartamaha:Masuuliyiinta Kooxda Real Madrid ayaa  shaaciyay in Faanaanadda Caanka ah Ee Shakira aysan mardanbe ka Heesi doonin Garoonka Barnabue Stadium Ee ku ciyaarto Naadiga Real Madrid.

Madaxada ugu sarayso Real Madrid ayaa daaha ka rogay in mardanabe aysan u ogaalaan doonin in Fanaanadda Shakira Ee Hees ka qaado Garoonka Real Madrid Ee Barnabue Stadium.

Sababaha ku kalifay Go’aankani deg-deg ah Ee gaareen Real Madrdi wali ma aysan faahfaahin, laakiin Warbahinaad ka jira Waddanka Spain ayaa fasiray Go’aanka kasoo baxay Madaxda Real Madrid waxeyna ku micneeyay inay ogaadeen Real Madrid in Fanaanadda Shakira ay Xariir Jaceyl kala dhaxayso Daafaca Barcelona u ciyaaro Ee Gerard Pique taasina ayee ku micneyeen Jaraa’idyada ugu afka dheer Ee Falaqeeya Arimaha Sportska Waana Jaraa’iyda ugu shacbiyadad badan Spain Ee AS iyo Marca.

Kadib markii uu dhamaaday Koobkii Adunka lagu soo gabagbeeyay Waddanka Koonfur Afrika ayee soo baxday inay jaceyl iyo is fahan ka dhax dhashay Daafaca Barcelona Ee Pique iyo Lamaanihiisa Shakira, kadib Ciyaartii Finalka aheyd sida Lagu daabacay Warbaahinaad Caalamka, kadibna ay kulamo dhowr ah kuwada qaateyn Jasiiradaha lagu raaxeytso.

Warbaahinaad Caalamka ayaa Toosh weyn kadaba qaadatay Labadani Xariirka Jaceyl jilaya Ee Xidegga Daafaca kaga Ciyaara Xula Spain iyo Kooxda Barcelona iyo Fanaanaddaan Caan baxday Ee kasoo jeeda Wadadnka Colombia Ee Shakira, waxaana daaha laga rogay oo lasoo badnhigay Sawiro Ee galeen Labadani ka xaanijyay Real Madrid.

Warbxinada laga diyaariyaya waxay kusoo beegmaay Go’aanka Real Madrid oo lagu micneyay xifaaltanka xoogan Ee ka dhaxeeya Kooxaha Barcelona iyo Real Madrid, waana taasi sababaha Ee Real Madrid u diideen in Shakira ay Hees ka qaado Mustaqbalka dhaw Garoonka Ee  u Ciyaaraan Xdigaha Moringueska Ee Real Madrid.

Ugu danbayntii Madaxweynaha Naadiga R/Madrid Ee Folorantino Parez ayaa markii uu Jagada Madaxtinimada Naadiga Real Madrid qabtay gudoonsiiyay Fanaanadda Shakira Maaliyadda Kooxda Real Madrid uu ku qornaa Numberka 5, tanina waxay ka dhigneyd Taageero Ee u qabto Shakira Kooxda Real Madrid, laakin wax walba haatan wee is badaleyn waxaana la sugayaa inay ka hadasho Fananada Reer Colombiya go’aanka Ee ka qaateyn Madaxda Real Madrid.

C/Qadar Shakra
[email protected]
www.Bartamaha.com/Sports

Comments

comments

Category : Latest Somali News, Sports, Wararka Maanta.
« »

Comment: