Faah-Faahin Dheraad ah: kulan xasaasi Nairobi ku dhex maray Mahiga iyo Shariif Xasan
Nairobi/Bartamaha:Warar dheeraad aha ayaa kasoo baxaya kulan looga hadlayay Xalinta qilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya Madxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo gudoomiyaha barlamanka Shariif Xasan Sheekh Aadan kaaso oo xalay ka dhacay Dalka Kenya Ee Maagalaad Nairobi.
Kulankna waxaa ka qeyb galay Eergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya Augustine Mahiga ayaa ahaa mid albaabada u xirnaa Saxaafiyiintana ay banaanka ka joogeen waxaa looga hadlayay Qilaafkii u dhaxeeya Madaxda ugu sarayso Dowladda oo ku saabsanaa kordhinta Baarlamaanka Dowladda FKMG Soomaaliya.
Waxaa Tododbaadkaan Beesha Caalamka ku jahwareereen Kordhinta Baarlamaanka Soomaaliya taasoo ku noqtay mid u baahan In lga fiirsado xili lagu guda jiro waqtiga kala guurka waa sida ay haadlka u dhigeen Beesha Caalamka oo wali fahmi la’ xarig jiidka Siyaasadeed Ee Labada Masuul Ee ugus arayso Dowladad FKMG.
Warar Hoose Ee heshay www.Bartamaha.com oo ayaa sheegaya in kulanka uu daba socdo kulan ay horay uwada qaateen Mahiga iyo Madaxweynaha Dowladda kaas oo looga hadlay Khlaafka Labada Masuul iyo Xil korarsiga Barlamaanka.
Qodobada kazoo baxay Kulankani ayaa la isku waafaqay in xal laga gaaro arrinta khilaafka ee ku aadan muddo kordhinta, kadib kolkii Madaxweynaha uu dib ugu celiyay go’aankii Baarlamaanka, isla markaana Shariif Xasan uu dhankiisa cadeeyay in Madaxweynaha aanu xaq u laheyn inuu dib ugu soo celiyo go’aanka Baarlamaanka.
Eergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya Augustine Mahiga intuu u socday Kulankani waxuu carabka ku dhuftay in Beesha Caalamka ay ku jahwareereen Go’aanka Gudoomiyaha Baarlamaanka Ee Shariif Xasan isagoona shegay in kulamo kale uu jiri doono waqtiga dhaw oo soo socdo oo lagu soo afjari doono qilaafaadka Xoogan Ee u dhaxeeyay Madaxwayanaha Soomaaliya Sheekh Shariif iyo gudoomiyaha barlamanka Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Sikastaba lama sadaalin karo Qilaafka Xoogan oo Cirka isku sii shareeraya Ee u dhaxeeyay Labada Masuul Ee ugu sarayso Dowladda xilli Madaxa lala sii galayo Kala Gurka Dowladda FKMG Soomaaliya.
Xafiiska www.Bartamaha.com
Comments
comments