Calendar

Diyaarad Ku Kala Jabtay Columbia, Dhimasho iyo Dhaawac Ku Yimid Rakaabka

diyarad.

Bartamaha(Bogota, Columbia)- Hal ruux ayaa ku dhintay in kabadan 120 kalana way ku dhaawacntay kadib markii ay diyaarad dhex bartanka uga kala jabtay magaada bogota ee caasimadda Columbia, iyadoo sida la xaqiijiyay markii ay diyaaradu bartanka ka kala jabaysay markaasi soo cagadhiganaysay garoon dalkaasi ku yaalla sida ay xaqiijiyeen qaar kamida saraakiisha booliiska dalkaasi.

Kadib Cimilo xumo soo wajahday diyaaradani oo uu nooceedu ahaa Boeing 737-700 ayaa waxay sababtay iney laba gabal noqoto diyaarada mar ay saaka isku dayaysay iney caga dhigato jaziiradda San Andres ee dalka Columbia sida ay xaqiijiyeen qaar kamida saraakiisha Columbia.

Saraakiil ka tirsan booliiska dalka Columbia ayaa sheegay in 124 ruux ay shilkaasi ku dhaawacmeen kuwaasi oo ku kala firdhay wadaii Runwayga ahayd ee ay diyaaradu ku cararaysay, dhinaca kalana 6 ruux oo uu ku jiro cunug 18 bilood jir ah ayaa la xaqiijiyay inaysan waxba ku noqonin dhacdadaasi.

Dhinaca kalana agaasimaha isbitaalka Amor De Patria ninka lagu magacaabo Robert Sanchez ayaa xaqiijiyay in xaalada xun ay ku jiraan qaar kamida bukaanka.

Liis ay sii daysay diyaarada Aires Airline ayaa lagu sheegay in 124 ruux oo kamida dakii diyaaradaasi saarnaa in lagu dhabiibay labo isbitaal gudaha dalka Columbia, iyadoo 4 kamidana la xaqiijiyay inay u baahan yihiin qalliin degdeg ah.

Waxay warbixinta ay shirkadu sii daysay lagu sheegay in isbtiaalka Amor de patria lagu dhabiibay 101 qof halka 23 ruuxna la seexshay isbitaalka Villarreal.

Dad qaar ayaa waxaa soo gaaray dhaawacyo culus sida gabar 11 sano jir ah oo uu dhaawac aad u culsi ka gaaray madaxa iyo wajiga, iyadoo sidoo kalana ay dhkhaatiirtu la daalaa dhacayaan dhibane uu dhaawac xun kasoo gaaray miskaha oo kamida rakaabkii diyaaradaasi saarnaa, sida uu CNNka u xaqiijiyay agaasimaha isbtiaam Amor

Diyaaradani ayaa sida la xaqiijiyay waxaa saarnaa 131 ruux iyadoo, 121 oo waaweyn, 4 caruur ah iyo 6 shaqaalihii diyaaradaasi saarnaaya.

Cabdiqafaar Shire.

Bartamaha.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta, World News.
« »

Comment: