Calendar

DIINTA ISLAAMKA IYO ANSHAXA GUUD EE BULSHADA

pic_islam8- 9-10 ASLUUBAHA: HAMBALYAYNTA, BUKAAN BOOQASHADA IYO TACSIYAYNTA:

8- ASLUUBTA: HAMBALYAYNTA

Anshaxa bulshada ee kolka ubadka xag barbaarin laga diyaarinayo, qofnimadiisana la dhisayo in isha lagu haayo loo baahan yahay, waxaa kamid ah in lagu abaabiyo asluubta hambalyaynta, lana baro qaabkeeda iyo tiirarkeeda. Waxa taas loola jeedaa in hadhow marka uu koro; bulsho jacayl, isku duubni iyo isku tiirsanaan uu ku barbaaro.

Waalidka iyo macallinku kolka munaasabad farxad leh la gaaro waa inay ubadka iyo ardada hambalyo diirran u gudbiyaan, say dabeecad iyo caado ugu noqoto, una qabatimaan. Kol haddii camal kasta oo suubban qofka muslinka ahina qabto uu ajar Alle agtiisa uga helayo, waxaan shaki ku jirin in u hambalyaynta qofka muslinka ah iyo qalbigiisa oo farxad la geliyaa kamid tahay waxyaabaha ugu waaweyn ee Alle loogu dhowaado.

Asluubta hambalyaynta waxa kamid ah in qofka loo hambalyaynayo ama loo bishaaraynayo farxad iyo xamaasad loo muujiyo. Waxa kale oo kamid ah in ereyo macaan iyo ducooyin loogu hambalyeeyo. Waxa habboon in qofka loo hambalyeynayo hadiyad farxaddiisa kordhisa hore loogu sii qaado.

Aynu waxyar kasoo qaadanno qisadii tawbad keenka Kacab ibnu Maalik (RC), qisadaas oo ku tusaysa raadka hambalyayntu nafsadda loo hambalyeeyaha ay ku reebaysao:

Kacab ibnu Maalik (RC) isaga iyo laba nin oo asxaabta kamid ahaa, kalana ahaa Muraara ibnu Rabiic Al-Cumari iyo Hilaal ibnu Umaya Al-Waaqifi ayaa duullaankii Tabuuk cudur-daar la’aan ka haray. Suubbanuhu (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) wuxuu markaas go’aamiyay saddexdaas nin in aan lala hadlin ilaa iyo inta arrinkooda Eebbe dhan uga bixinayo. Kacab oo ka sheekaynaya dharaartii tawbadiisa la aqbalay wuxuu yiri: (Dharaartii 50aad “laga billaabo markii la go’aamiyay in aan lala hadlin” ayaan guri guryehennii kamid ah dushiisa sare salaaddii Fajarka ku tukaday anigoo siduu Alle nagu sheegay xaalkaygu yahay oo Arladii Alle waasiciyay igu yaraatay, naftaydiina ciriiri igu noqotay. Markaas baan maqlay cod ka dhawaaqaya Salac “buur Madiina dusheeda ah” aadna u qaylinaya oo leh: “Kacab binu Maaligoow bishaaro”. Markaas baan bartaydii sujuud kula dhacay, waxanan ogaaday inuu faraj yimid.

Dadkii baa markaas inay ii hambalyeeyaan billaabay waxayna iiga hor imaanayeen koox koox iyagoo iigu bishaaraynaya tawbada Alle. Waxaan galay Masaajidkii, waxaanan u tegay Rasuuulkii ooy dadku hareerihiisa fadhiyaan. Dalxa binu Cubaydillaahi baa markaas intuu soo istaagay, iisoo orday oo isalaamay iina hambalyeeyay). Kacab weligiis Dalxa uma illaawin hambalyeyntaas. Kacab oo hadalkiisii sii wataa wuxuu yiri: (Markaan Rasuulkii (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) salaamay, isagooy farxaddu wejigiisa ka ifayso ayuu igu yiri: (Ku bishaarayso tan iyo markay hooyadaa ku dhashay khayr maalin kusoo mara kii ugu waynaa)[1].

9- ASLUUBTA BUKAAN BOOQASHADA:

Abuu-Hurayra (RC) waxaa laga weriyay inuu Rasuulku (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) yiri: (Xuquuqda muslinku muslinka kale ku leeyahay waa shan: salaanta oo la naqo, bukaanka oo la booqdo, janaasada oo la raaco, casuumada oo la aqbalo iyo qofka hindhisa oo laga farxiyo)[2].

Anshaxa bulshada ee lama huraanka ah loona baahan yahay in ubadka la baro laguna barbaariyo waxaa kamid ah asluubta bukaan booqashada, si dhallaanka inta uu yaryahay ay nafsaddiisa ugu beeranto inuu dadka kale xanuunkooda dareemo, dhibaatadooda la qaybsado, murugadoodana kala qaybgalo. Waxaan shaki ku jirin ubadka asluubta caynkaas ah lagu barbaariyay kolkay koraan inay dabeecad iyo akhlaaq ka dhiganayaan dadka kale inay naftooda u huraan, baahida dadka kalena tooda qof ahaaneed kahor mariyaan, taas oo markaas xoojinaysa isku duubnida, isjacalyka iyo wax wada qaybsiga bulshada.

Baraa’ ibnul-Caazib (RC) waxaa laga weriyay inuu yiri: (Rasuulku (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) toddoba wuu innaga reebay toddobana wuu ina faray: Waxa uu ina faray; booqashada bukaanka, raacista Janaazada, ka farxinta qofka hindhisa, dhaar furka, u kaalmaynta qofka dulman, aqbalidda casuumada iyo qaadista salaanta)[3].

Asluubta bukaan booqashada waxaa kamid ah: In hadduu xaalad khatar ah ku sugan yahay dhaqso loo booqdo, haddii kalese saddex beri keddib la booqdo. In waqtiga booqashada hadduu dhibsanayo aan lagu dheerayn, haddiise uu wehel kaa dhiganayo intii karaan ah muddo dheer lala joogo. In kolka loo galaba inta halka bugta gacanta laga saaro, caafimaaf iyo cimri dheer loogu duceeyo.

Waxaa sunno ah in qofka buka xaalkiisa eheladiisa laga waraysto. Waxa iyana sunno ah qofka buka qofka soo booqdaa inuu dhanka madaxiisa intuu ka fariisto u duceeyo isna weydiisto inuu u duceeyo.

Xaaladda bukaanku hadday mid xaraarug[4] ah tahay, waxaa sunno ah in talqiinta[5] la haleeshiiyo.

Mucaad ibnu Jabal (RC) waxaa laga weriyay Rasuulku (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) inu yiri: (Qofkii ay hadalkiisa Laa-Ilaaha illal-Laah ugu dambaysaa Jannaduu galaa)[6].

10- ASLUUBTA TACSIYAYNTA:

Anshaxa bulshada ee barbaariyuhu inuu nafsadda ubadka ku beero loo baahan yahay waxaa kamid ah tacsida loo tacsiyeeyo qofkii ama reerkii laga dhintay ama dhibaato xoog lihi gaartay amaba wax aad qaali ugu ahaa qiimo weynna ku lahaa waayay. Tacsida micneheedu waxa weeye in qofka dhibku gaaray lagu sabarsiiyo ereyo macaan ama ereyo Rasuulka (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) iyo raggii hore ee wanwanaagsaa laga soo xigtay, si qofkaas murugada haysa loo halmaansiiyo, dhibaatadana looga fududeeyo.

Waxa loo baahan yahay in reerka oo dhan iyo qaraabada, yar iyo weyn, rag iyo dumar intaba loo tacsiyeeyo, hadday ahaan lahayd intaan meydka la aasin, amaba duugta dabadeed ilaa saddex beri, haddiise tacsiyeeyaha iyo loo tacsiyeeyaha midkood maqanyahay, dhib ma laha haddii saddex beri keddib la’isu tacsiyeeyo.

Asluubta tacsiyaynta waxaa kamid ah:

- Hadal murti leh in la isugu tacsiyeeyo:

Usaama ibnu Zayd (RC) waxaa laga weriyay: Gabdhaha Nabiga (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) mid kamid ah ayaa cid usoo dirtay usoo yeerta una sheegta in ilmo ay dhashay uu xaraarug yahay. Markaas buu ciddii ay soo dirtay ku yiri: (U noqo oo ku dheh: Alle wuxuu qaatay isagaa leh, wuxuu bixiyayna isagaa leh, wax walbana agtiisa muddo magacaaban bay ku leeyihiin ee ha sabarto, Alle agtiisana haku xisaabato “ajar inu ka siiyo ha u niyaysato”)[7].

Soomaalidu ereyada tacsiyayanta ay taqaan waxa ugu qiima badan: (Adinkana samir iyo iimaan Eebbe ha idinka siiyo, isagana Jannadii Firdowso ahayd haka waraabiyo).

- Qoyska laga dhintay in raashinka loo kariyo:

Islaamku wuxuu sunneeyay in qoyska laga dhintay raashinka loo kariyo, sababtoo ah waxay kamid tahay isu samafalka, xiriirka bulshadana way xoojisaa, maxaa yeelay reerkii laga dhintay waxay ku mashquulsan yihiin qofkii ka dhintay iyo musiibadii ku dhacday.

Cabdullaahi ibnu Jacfar (RC) waxaa laga weriyay: Rasuulku (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) wuxu yiri: (Reer Jacfar raashin u kariya[8] amar mashquuliyay baa ku dhacay eh)[9].

Hase yeeshee waxyaabaha ay Soomaalidu ku kacdo oo ah in qoyskii laga dhintay ay iyagu raashin kariyaan oo dadkii tacsiyaynta ugu yimid marti soorayaan, waxa weeye bidco aan Alle iyo Rasuul (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) midna laga baran. Waxa dhacda in reer sabool ahoo ninkii u shaqaynayay ka dhintay, iyagoon berrito waxay masruuftaan haysan, inay geel qalaan, bariis iyo goosaar lagu khasbay soo iibiyaan, kharash hor lehna galaan, wixii goobtaas lagu uruuriyaana mararka qaar aanayba deyntii maalintaas la galay dabooli karin, iskaba daa wax agoontii u hara eh.

Sabriye Macallin Muuse

Minnesota – United States


[1] Bukhaari (4418), Muslim (2769).

[2] Bukhaari (1240), Muslim (2162).

[3] Bukhaari (1239,5635), Muslim (2066).

[4] Xaraarug: Xaalad geeriyaad ku jira, naftuna ay ka socoto.

[5]Talqiin: In qofka la karsiiyo: Laa-Ilaaha illal-Laah Muxammadun Rasuulul-Laah, wax uu sheego waxa ugu dambeeya say u noqoto.

[6] Abuu-Daa’uud (3116).

[7] Bukhaari (5655), Muslim (922/11).

[8] Wuxuu sidaas yiri markuu ogaaday in Jacfar ibnu Abii-Dhaalib duulaankii Mu’ta lagu dilay.

[9] Abuu-Daa’uud (3132), Ibnu-Maaja (1610), Tirmidi (998).


Comments

comments

Category : Maqaallo / Articles.
« »

Comment: