Calendar

Dar Al Hijra Islamic Civic Center oo Marti Sharaf u Sameyey Deriska Masajidka

154270_1610235288390_1011477740_31482203_2146951_nMinneapolis: Maanta waxaa Albaabada u furay Deriska ku dhow masaajidka weyn ee la yiraahdo Daarul Hijra masajidkan oo ku yaa xaafada Soomaalidu ugu badantahay Minneapolis oo la yiraando Cedar wuxuu galbta soo casuumay dadka deriska la aha masajidka oo degan xaafada masaajidku yaal.

Dadkaas oo isugu jiray Cadaan iyo madoowba Muslin iyo Gaalo, Soomaali iyo weliba Dadka Marayakanka intaba waxay soo wada fadhiisteen qol ka mida qolalka Masaajidku shirarka ku qabto waxaan iyaguna ka maqnayan goobtaas Saxaafada tan Soomaalida iyo weliba tan Caalamka iyo Gobolka intub.

Xafladan oo ay isku soo duba rideen maamulka Masaajidka iyo Ururka Islamic League of Somali Scholars in America (ILSSA) wuxuu ahaa mid lagu soo bandhigayo waxay u taaganyihiin Islaamka iyo Soomaalidu waxaa waayadandanbeba lagu qiiqinayey Soomaalida degan Maraykan in ay yihiin Dad ka soo horjeeda nabada wadankan ay degan yihiin.

Waxaa wiigii hore la qabtay wiil Soomaali ah oo rabay in uu qarxiyo meel ku taal gobolka Organ wiil kaas oo jira 19 sano ah na sida la sheegay nin dhalinyar ah oo ku xidhan diinta taas oo lagu eedeyey in dadka masaajidad maamulaa qaar kood ku yihiin argagixiso irida Maraykanka .

Wuxuu Maamulka masaajidka Dar Al Hijra isku taagay in uu  muujiyo in ay dadka Soomaalida ah iyo weliba Imaamada masaajidku u taagan yihiin Nabada iyo badbaada dalkan aanayan wadin wax dhib ah ee ay rabaan in ay deriskooda iyo dalkan cusub ee ay u soo gureen nabad kula noolaadaan.

Saxaafada By Wiilwaal

Saxaafada By Wiilwaal

Waxaa ka hadlay Goobtaas Madaxa maamulka masaajidka Abdisalaan oo sheegay in uu mar walba masaajidkaniyo kuwa kale ee gobolku ay u taaganyihiin isku xidhka nabada dadka Soomaliyeed iyo kuwa maraykanka labadaba qola waliba ay Diinteeda gaar u caabudo.

Waxaa ka hadlay isna Xuseen Samatar oo ah ninkii ugu horeyey ee Soomaali ah oo loo dorto Xafiid dowladeed ee Goblkan Minnesota wuxuu isna sheegay in a y Soomaalidu tahay waxaa ka tirsan waxayahay Goblkan ku taagan yahay ayna yihiin dad ka dhex muuqday Bulshada ayna banaantahay in loo ogolaado Tayada ay ka dhex muujiyeen goblka hadaynoqo dhaqaale iyo siyaasadba wuxuuna yiri dadka badankoodu waa aqbilsanyihiin Somalida waxaan ku cadayanaysa markaan u ordayey xafiiska in cod kii lay siiyey badankeedu ka yimid dadknaan la deganahay taasina waxay ku tusaysaa in ay ogol yihiin wadan noolaansho.

By Wiilwaal

By Wiilwaal

Masaajidka Dar Al Hijra wuxuu ka mid yahay Masaajida ku dalaala in dadku ay meel wada yimaadaan kuna noolaadaan meel iyagoo Caabudayaa mid waliba Diintiisa uu mid waliba kan kale nabad iyo wanaag ku soo dhaweeyo, xafladii waxay ku soo gabagabwday dhalinyarada oo ku soo xidhay taariikhda masaajidka iyo shiikh Abdisalaan oo ku booriyey Saxaafada in ay laaydh ku qabato dhaliyarada Soomaaliyeed ee fiicfiican inta ay raadinayaa mid xun.

Waxaa jira Dhaliyaro aad u fiic fiican oo aan la sheegininkastoo Saxaafadu ay marwaba waxa xun sheegto hadan waxaa lagama maar maan ah in ay shaaca bulshada sifiican ugu wada qabato iskuna dheeli tirto.

Warbixintan waxaa Toos u soo diyaariyey Wcco Daawo Goobtii xafladu ka dhacaysay

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Minnesota, Photos, The Story, VIDEOS, Wararka Maanta.
« »

Comment: