Calendar

Dahir Amiin Jeesow: “Al-shabaab halala dagaalamo yaana loo kala harin”

Al-shaab haahGudoomiye kuxigeenka Gudiga Arrimaha Gudaha iyo Amniga Dahir Amiin Jeesow ayaa ugu baaqay Hey’adaha Ammaanka dowladda inay iska xil saaraan ammaanka Xildhibaanada Baarlamaanka.

“Kuwii horay loo dilay Xildhibaanada iyo kuwo labadii maalmood la dilay waxay isaga mid ahaayeen ilaalo ma heysan, waxaa ka dalbaneynaa Hey’adaha ammaanka dowladda in ilaalo loo sameeyo Xildhibaanada”ayuu yiri Dahir Amiin Jeesow.

Dhinaca kale Gudoomiyaha Gudiga difaaca Baarlamaanka Xuseen Carab Ciise ayaa sheegay in Baarlamaanka ogolaan doonin hadal ku kooban cambaareyn kaliya, waxaana uu cadeeyay in loo baahan yahay in Xildhibaan walba amnigiisa la sugaa.

“In Amnig dalka oo dhan la sugo, Xildhibaanada ammaankooda la sugo hadal dambe iyo cambaareyn ma yeeleyno, sidee xildhibaanka amnigiisa lagu sugi karaa, mala sugi karaa weeye, arrintaas waxaa ka sugeynaa Gudoonka Baarlamaanka iyo Xukuumada inay go’aan ka qaataan”ayuu yiri Xildhibaan Xuseen Carab Ciise.

Waxaa uu sheegay in hadii ay tahay in Xildhibaan walba uu isku tashato amnigiisa uu isaga sugto loo baahan yahay in la qayaxo sida uu yiri.

Gudiga Arrimaha Gudaha iyo Amniga Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku baaqay in ilaalo loo sameeyo Xildhibaanada Baarlamaanka, kadib markii labadii maalmood ee u dambeeyay magaalada Muqdisho loogu dilay labo Xildhibaan.

Xildhibaanada Baarlamaanka oo aan wada hubeysneyn ayaa waxaa soo wajahay walaac ku aadan amnigooda, kadib markii 24-saac gudahood lagu dilay labo xildhibaan halka mid kalena la dhaawacay.

Comments

comments

About Staff

Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.
Category : Featured, Hot Now, Latest Somali News, Wararka Maanta, Wargelin Show.
« »

Comment: